Home » Warar »

Machadka EISA oo Ururada Bulshada Rayidka iyo Xisbiyada Siyaasada u qabtey Tababar ku saabsan Talaabooyinka loo baahan yahay Doorashada 2016

Kulankaan oo ay soo qabanqaabisey Machad lagu Magacaabo Electoral Institute for Sustainable Democracy in Africa (EISA) oo inta badan qaabilsan Arrimaha Doorashooyinka iyo Dastuurada ayaa waxaa uu ka dhacay Hoteelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho iyadoo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee Ururada Bulshada Rayidka iyo Axsaabta Siyaasadeed ee dalka ka jira ee aan weli la diwaangelin, waxaana Diirada lagu saarey Talaabooyinka loo baahan yahay Doorashada Sannadka 2016
somali90
Ex. Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo mid ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed Gudoomiye ka tahay ayaa sheegtay in loo baahan yahay Xisbiyada Siyaasadeed iyo Ururada Bulshada Rayidka in ku dadaalaan inaysan dib dhicin Doorashada xiligii loogu tala galay isla markaana la diyaariyo Barnaamijyo Wacyigelin ah oo Shacabka lagu Baraarujinayo sidii Doorashadaas ay uga qayb gali lahaayeen sidoo kale waxay sheegtey in Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jiraay Midoobaan oo ay dhistaan Guddiyo la socda sidii loogu Diyaargaroobi lahaa Doorashada soo socota ee Sannadka 2016

Ururada Bulshada Rayidka oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay ugu horeyn loo baahan yahay in tira Koob lagu sameeyo Ummadda Soomaaliyeed inta ka horreysa Doorashada 2016ka si loo ogaado Tirada Rasmiga ee ka qayb galeysa Doorashada , waxayna soo dhaweeyeen Doorashada la filayo in ay ka dhacdo dalka Sanadka labada Kun iyo Lix Tobanka maadaama Ummada Soomaaliyeed ay 23 Sanno ku jireen Dowlada la’aan iyo dagaalo Sokeeya.

Eng Sidow Xasan Mahdi oo Gudoomiye ka ah Hayada Xaquuqda Aadanah ee Wanle weyn ayaa faahfaahin ka bixiyey Doorashoyinkii dhacay Dowladii Rayidka oo uu sheegey in marka hore loo baahan yahay in Xooga la saaro arrimaha amaanka oo uu sheegey iyadoo Dowlad rasmi ah la haysto Xiligaas ayaa uu sheegey in ay dhici jirtey Handadad iyo Caga Jugleyn, isagoo sheegey in Ururada Bulshada looga baahan yahay in ay door Muhiim ah ku yeeshaan Doorashada soo socotada .

Khabiir ka socday Dalka Iverycoast oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegey in Ujeedadoodu ay tahay sidii Soomaaliya ay u gaari lahayd Doorasho Madaxbanaan iyaguna Waajibkoodu yahay in ay sameeyeen Barnaamijyo Wacyigelin ah oo loogu gogal xaarayo Doorashada la filayo in ay ka qabsoonto. Dalka Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.