Home » Warar »

Jamaacadda IMAM oo u sameeyay qoysas danyar ah daaweyn lacag la’aan ah

Kuliyadda culuumta caafimaadka ee jaamacadda IMAAM ayaa u sameeysay baaris & daweyn lacag la’aan ah dadka danyarta & barakacaaysha ku dhaqan magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan.

mashruucan oo socday muddo saddex maalin ah,  waxaa ka qeyb qaatay dhaqaatiirta & ardayda  kalkaaliyaasha ah   ee jaamacadda, waxaana mudadii uu socday mashruucan ka faaideystay bukaan gaaraya 150 qof oo isugu jiray hooyooyin , caruur & dad waayeel ah .

Waxaana gebogebadii maanta ka hadlay guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Shaafici C/casiis Xaaji Dhafe oo sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay mashaariic dhowr ah oo ay jaamacaddu ugu talo gashay  adeegga bulshada & ka qeybqaadashada kaalmada bulshada danyarta ah ee ku dhaqan Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in jaamacaddu ay bixisay dhammaan qarashkii ku baxay hirgelinta mashruucan , sidoo kale wuxuu u mahadceliyay hayadda caalamiga ah ee Patient help Fund oo fadhigeedu yahay dalka Kuweyt oo  dhawaan jaamacadda ugu deeqday qalab caafimaad , qalabkaas oo wax weyn ku soo kordhiyay kilyadda culuumta caafiimaadka ee jaamacadda.

somali88

Dadkii ka faaideystay mashruucan ayaa u mahadceliyay jaamacadda IMAM dadaalkeeda ku aadan taakuleynta dadka danyarta ah & barakacayaasha .

somali89

28-30/4/2014

xasan maxamed
xasancadde2013@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.