Home » Warar »

Dhismaha Cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia oo si rasmi ah loo furay.

Kuala Lumpur, April 27, 2014- Waxaa si rasmi ah xarigga looga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku shaqeyn doonto , kaasoo ku yaala Magaalada Kuala Lumpur ee Caasimadda dalka Malaysia dalka, waxaana xafladda lagu furayay dhismaha cusub ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi .

Xafladda oo si heersare ah loo agaasimaya ayaa hadal kooban waxaa ka jeediyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga wakiilka ah dalka Malaysia ambassador Nur Farah Hersi oo uga mahadceliyay qaban-qaabiyaasha xafladda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi , isagoo ugu baaqay inay horseed u noqdaan nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed , waxa uuna xusay in Soomaaliya ay hiigsaneyso mustaqbal iftiin badan oo afjaraya waqtigii dheeraa ee colaada iyo mugdiga .

Danjire Nur Farah Hersi ayaa sheegay inay yihiin Wakiilo fulinaya ajandaha iyo danaha qaranka , ayna yihiin u adeegayaasha ummadda Soomaaliyeed , isagoo ka codsaday dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi inay la jaan-qaadaan hanaanka cusub ee Safaaradda ay howsha u wado , ayna taageeraan dowladda Federaalka Soomaaliya .

somali87
Xafladan oo uu ka dhexmuuqday Mudane Jibril Mohamed Osman oo ah Kuxigeenka Safiirka ahna lataliyaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ayaa waxaa ay ku idlaatay jawi farxad iyo reyn-reyn leh .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.