Home » Warar »

Masaajid iyo Xarun waxbarasho laga furay magaalada Västerås, Sweden

Hordhac
Magaalada Västerås waxaa ay saacad u jirtaa caasimada dalka Sweden ee Stockholm. Magaalada oo ay degan yihiin ilaa 150 kun oo qof ayaa ah magaalada shanaad ee ugu weyn sweden. Waa magaalo taariikhi ah, kana mid ah magaalooyinkii ugu horeeyey ee ay dadka ajaaniibtu soo degeen. Ajaaniibtii ugu horeeyey ee magaaladan soo degey ayaa ahaa kuwo u dhashay dalka Talyaaniga iyo Turkiga. Balse laga soo bilaaboilaa dhamaadkii siddeetamaadkii waxaa magaalada Västrås kusoo badanaayey qowmiyahadaha kale ee ay soomaalidu ka mid tahay. Soomaalida ayaa haatan ah kuwo ka mid ah qoomiyadaha aadka ugu badan Västrås. Waxaana ay soomaalidu aad u soo degtey 15-kii sano ee ugu dameeyey. Qoysaska caruurta yar-yar haysta iyo dhalinyarada ayaa aad ugu badan magaalada. Magaaladu horey uma aaney lahayn masjid weyn iyo xarun waxbarasho diineed iyo tarabiyada oo kulmisa mujtamaca soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Västrås.

Furitaankii masjidka iyo xarunta waxbarasho ee Al-raxma

Haddaba ka dib dadaal badan oo ay sameeyeen waxgarad, culumaa,udiin, dhalinyaro. Iyo Aqoonyahano ayaa waxaa suurto gashay in la yagleelo masjid iyo xarun waxbarasho oo aad u weyn. Dhismahaan masjidka iyo xarunta waxbarashada ka kooban ayaa ku yaal meel u dhow bartamaha magaalada. Maamulka masjidka la furay ee masjidul Raxma ayaa gacan qabasho iyo talo iyo tusaaleba ka hegay Masjidul Nuur oo ah masjidka weyn ee soomaalida ee ku yaal xaafada Rinkeby ee magaalada caasimada ah ee Stockholm. Furitaankii masjidka iyo xarunta waxbarashada ee Västerås waxaa kasoo qaybgalay sheekh Xuseen Faarax oo ka mid ah culimada soomaaliyeed ee aadka looga yaqaan guud ahaan dalkan sweden. Sheekha ayaa degan kana howlgala magaalada Stockholm. Hadal kooban oo uu munaasabadii furitaanka ka soo jeediyey ayuu ku sheegay muhiimada ay leedahay in lagu walaaloobo diinta islaamka. Qofkastaana uu qofka kale u jeclaado ilaahay hortiis. Sheekh Xuseen waxaa uu ku nuux-nuuxsaday faa`iidada ay leedahay in ummaddu wadajirto si ay diinteeda iyo sharfteeda u ilaashato.

Intaas ka dib waxaa hadalkii qaatay sheekh Cabdicasiis Maxamed Cabdi oo ka mid ah dadka lafdhabarta u ahaa dadaalka lagu aasaasay goobtaan muhiimka ah. Sheekh c/casiis ayaa ugu horeyn ka hadlay baahida loo qabay Masjidkan iyo xaruntaan tacliinta laga baran doono. Waxaa ay meeshani noqon doontaa ayuu yiri sheekhu bartii ay isugu imaan lahaayeen, saldhigna u noqon lahayd bulshada soomaaliyeed ee muslimiinta ah. Sheekhu waxaa kaloo uu sheegay in maamulku uu xooga saari doono arimaha tacliinta iyo tarabiyada dhalaanka. Masjidka ayaa mudadii yarayd ee uu furaa bilaamay casharo kala duwan oo ay dadku ku xiran yihiin, haddii ay ahaan lahayd dhinaca ragga iyo dumarkaba. Barashada quraanka kariimka, tajwiidka iyo tarabiyada caruurta ayaa si toos ah loo bilaabay. Waxaana ka shaqyn doona macalimiin aqoon fiican u leh sida dhalaanka wax loo baro loona tarabiyeeyo. Sheekh cabdicasiis waxaa uu waalidiinta ku adkeeyey in masuuliyada ilaahay saaray ee ah iney caruurta islaamka ku tarabiyeyaan ay kasoo baxaan. Waxaa uu sheekhu waalidiinta ka codsaday iney masjidka iyo xarunta waxbarasho ay gacan ka geystaan si loo soo saaro ilmo dhamaanteen aduun iyo aakhiroba ina anfaca. Tacliinta quraanka iyo tarabiyada ayaa waxaa ay jiri doontaa inta badan maalmaha usbuucu ka kooban yahay. Macalimiintu waxaa ay la kulmi doonaan arday walba iyo waalidkiis si la isula garto qaabka ugu wanaagsan ee ardaygu horumar ku gaari karo. “ walaalayaal gacmo wadajir bey wax ku gooyaan ee aan kheyrka isu kaashano” ayuu sheekh cabdicasiis hadalkiisa kusoo afjaray

Tacliintu waa tababarka maskaxda iyo maanka

C/risaq Maxamed Xuseen oo ah macalin wax ka dhiga iskuul ku yaal magaalada Eskilstuna oo deris la ah magaalada Västrås ayaa isaguna ka mid ahaa marti sharafkii casharada kasoo jeediyey munaasabada furitaanka masjidka iyo xarunta waxbarashada Al-raxma. Macalin cabdirisaq ayaa ku dheeraaday xiriirka ka dhexeeya tarabiyada iyo dhaqanka wanaagsan ee islaamiga ah iyo guusha laga gaaro tacliinta. Kelmadihii macalin c/risaq waxaa ka mid ahaa:” Qofka dhaqankiisa islaamiga ah yaqaan waxaa u sahlan inuu ilaashado dhaqankiisa, isla markaasna uu dhaqamada kalena ka qaato waxii wanaagsan. Cilmi baarayaasha dhinaca tacliinta iyo tarabiyada waxaa ay isku raaceen in ilmaha kasoo jeeda guri wanaagsan oo dhaqan fiican leh uu ku guuleysto tacliinta iyo arimaha la xiriira. Akhriska iyo guud ahaan tacliintu waa tababarka maskaxda iyo maanka. Sida uu jirku ugu baahan yahay tababar ayaa maskaxduna ugu baahan tahay tababar. Waxana taas lagu heli karaa in dhalaanka yar yar lagu ababiyo muhiimada ay leedahay in wax la akhriyo iyo in wax la barto. Waalidku waa inuu dhisaa guri leh dhaqan iyo caado wax akhris. Waa in waalidku muujiyaa in waxbarashadu ay muhiim tahay. Waxaa uu macalin C/risaq ku dhiiri geliyey waalidiinta iney xaruntaan iyaga iyo ubadkooduba ka faa`iideystaan. Nasiib baad leedihiin reer västrås ee ka faa.iideysta xaruntaan tacliimeed iyo masjidkaan quruxda badan ayuu macalin C/risaq hadalkiisa ku soo xiray.
swedeni86
Waxii faahfaahin ah iyo maalmaha kala duwan ee ay jiraan tacliinta caruurta, dhalinyarada iyo dadka waaweyn waxaa lagala xiriiri karaa maamulka Masjidka iyo xarunta tacliinta Al-raxma.
Sheekh Cabdicasiis: 076-9519491
Bashiir: 076-2615693

26 apriil 2014.

Diyaarinta qoraalka waa; C/risaq m Xuseen- habdirisak@hotmail.com
Dhinaca sawirada waa: Xuseen c/risaq Maxamed
Eskilstuna.sweden

Mahadsanidin

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.