Home » Warar »

Xaflad lagu taageerayo Joojinta Qaadka oo lagu qabtay magaalada Leicester, UK

Kulan aad iyo aad u ballaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay laguna taageerayey joojinta qaadka ayaa maanta  oo Khamiis aheyd 24.04.2014 lagu qabtay magaalada Leicester. Kulnkaas waxaa si wadajir ah usoo wada qaban qaabiyey dhammaan jaaliyadda reer Leicester oo aan kala harin. Waxaa kaloo kulankaas lagu soo casumay halyeeyga aalaaba u ololeeya joojinta qaadka Abuukar cawaale.

Ugu horeyn kulankaas waxa lagu furay kalimado waacdi iyo Allaah ka cabsi ah oo uu soo jeediyey Shiikh Ismaaciil oo ka mid ah culimada magaalada. Waxaa isaguna kalimad ku saabsaneyd habmaamuuska iyo habsami u socodka barnaamijka ka soo jeediyey Cabdixakiim Jaamac jooje oo isagu ahaa isuduwaha goobta uu shirku ka dhacayey. Waxaa isaguna kulanka xiriiriye ka ahaa Cabdishakuur  Tarax.  Kalimadi furiitaanka waxaa qaatay isagoo ku hadlayey magaca gudiigii qabanqaabada Dr Cabdirishiid Takar kana hadlay ujeedada kulnakan iyo kaalinta ay magaaladu ka qaadaneyso taageerada joojinta Qaadka. Waxaa goob joog ka ahaa shirka oo kalimado kasoo jeediyey  mas’uuliyiin ka kala socday hay’adaha caafimaadka ee ingiriiska NHS iyo Booliska magaalada Leicester.

somali85

Kadib waxa hadalkii la siiyey Abuukar Cawaale oo la wada sugayey runtii si tifatirana uga hadlay barnaamijka joojinta qaadka iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray. Run ahaantii Abuukar Cawaale wuxuu madasha kasoo jeediyey warbixin dhameystiran oo aad looga maqsuuday. Waxaa kaloo ay dadku weydiiyeen abuukar su’aalo la xiriira qaabka uu ololihiisa u shaqeey iyadoo aad looga bogsaday. Kadib waxaa hadalkii la siiyey Shiikh Cabdalla oo ka mid ah culimada magaalada isagoo halkaas ka soo jeediyay kalimad uu ku taageerayo barnaamijka. Isla markaasna waxa uu Shiikh Cabdalle isagoo matalaya Jaaliyadda Soomaalida Leicester uu halkaas ku gudoonsiiyay Abuukar Cawaale Bilad sharaf ay soo diyaariyeen guddigii qabanqaabada barnaamijka iyagoo ku hadlaya magaca jaaliyadda Leicester.

Waxaa kaloo kalimad bogaadin ah goobta kasoo jeediyey Suldaan Cabdiraxmaan Aadan Dude oo ka mid ah odayasha dhaqanka ee ku nool magaalada Leicester.

Ugu danbeyntii waxaa xafladda soo gunaanaday oo soo xiray Abdikeygf Bashiir Faarax oo isagu ahaa gudoomiyihii guddiga qabanqaabada xafladda.

Waxaa mahad gaar ah goobta looga soo jeediyey guddigii barnaamijkan isku soo dubariday iyo gabdhihii iyagu naga caawiyey qabsoomidda xafladda sida Dr Cabdirishaiid Takar,Siciid Warey, Cabdishakuur |Tarax, Cabdiraxmaan Shiine, Maxamed Saalax, Nuuradiin Ciise, Shukri Siciid Daahir, Iimaan,Aamino Ibraahim, Maxamed Cartan oo isagu dhanka kaamerada naga caawiyey iyo Cabdixakiim Jaamac Jooje

 

Waxaa kaloo mahad gaar ah goobta looga soo jeediyey dhammaan masaajidyada Soomaalida ee magaalada Leicester sidii ay uga qeyb qaateen qabsoomida iyo suurtogalnimada barnaamijka.

Waxaan mar labaad iyo mar saddexaadba aan u mahadcelinaynaa Mudane Abuukar cawaale iyo sidii uu nooga ajiibay in uu xafladana nagala qeyb qaato. Sidoo kale bahda Somali Channel iyo kaalinta ay xafladda ka qaadatay.

Wabilaahi Towfiiq

Guddigii qabanqaabada xafladda.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.