Home » Warar »

Golaha Wasiiradda oo dood ka yeeshay samaynta maamul goboleedyada

Muqdisho, – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka yeeshay samaynta maamul goboleedyada dalka. Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay muhiimadda ay leedahay in si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka loo sameeyo maamulada gobolada, gaar ahaan deegaanada laga xoreeyey kooxaha nabad-diidka.

Golaha ayaa isku raacay in dhismaha maamulada goboladu ay noqdaan kuwo laga qaybgeliyo talada dadweynaha, waxana ay tallaabadaasi noqoneysaa mid isu soo dhoweysa shacabka iyo dowladda. Golaha ayaa sidoo kale tilmaamay in maamulada goboladu ay ka jawaabaan baahida dadweynaha, isla-markaasina ay dadku la xisaabtami karaan madaxdooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo Shirka Golaha Wasiiradda ka hadlayey waxa uu yiri:
“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an samaynta maamulada gobolada ee dalka oo dhan, iyadoo loo marayo si waafqasan dastuurka
“Maamulada goboladu waxa ay muhiim u yihiin dhismaha qarankeena. Maamuladu waa in ay noqdaan kuwo u dhow bulshada, si dadku u helaan fursad ay kula xisaabtami karaan madaxdooda

“Waxaa muhiimad leh in mudnaan la siiyo dhismaha deegaanada dhowaan la xoreeyey, si aanay u jirin marnaansho dhinaca ammaanka ah , isla-markaasina la hirgeliyo qorshayaasha dowladda ee lagu dhisayo degaanadaasi.”

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa canbaareeyey dil shalay suuqa Bakaaraha loogu geystay wiil dhalinayaro ahaa oo u halgami jiray nabadda iyo arrimaha bulshada Soomaaliya. Wiilkan oo lagu magcaabi jiray Maxamed Cumar Maxamed “ Caammir” ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxo dhagar-qabayaal ah.

—DHAMAAD—

Abdirashid Muse
Press Officer, Office of the PM
+252616318823
Mogdisho-Somalia
Media@opm.gov.so

April 22, 2014

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.