Home » Warar »

Xildhibaankii Labaad ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta Muqdisho lagu diley

iyo Mid ka mid ah Shaqaalaha Idaacada Dalsan oo lagu diley Muqdisho …

Waxaa Goor Dhow uu Dil uu ka dhacay Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir , waxaana Dilkaas loo geystey Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu Magacaabo Cabdicasiis Isaaq Mursal waxaana la sheegey in dilkaas uu ka dhacay meel ku dhow Guriga Xildhibaanka ee Degmada Dharkeenleey

Waxaa Goobta uu ka dhacay Dilka Durbadiiba soo gaarey Ciidamo ka tirsan Dowlada Fedraalka kuwaa oo xirey wadooyinka soo gale halka uu ka dhacy Dilka , sidoo kale Ciidamada ayaa halkaa haatan ka wada baaritaan la xiriiro sidii loo ogaan lahaa Cida ka dambeysey Dilka Xildhibaanka

Waa Dilkii labaad oo muddo 24 saac ee loo gestey laba Xubnood oo ka mid ah Xildibaanada Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya sidoo kale waxaa isna uu dhaawac uu soo gaarey Xildhibaan lagu magacaabo Maxamuud Cali Dhuiux isagu ku dhaawacmey Qaraxii lagu diley Xildhibaan Isaaqa Maxamed Cali ( Riino

Waxaa maalmahaan ku soo badanayey Magaalada Muqdisho Qaraxyada iyo Dilalka loo geyusanayo Bulshada Soomaaliyeed waxaana maalintii shaley Suuqa Bakaaraha lagu diley laba qof uu mid ka mid ah uu ahaa Shaqaalha Idaacadda Dalsan oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Camaar oo idaacada u Qaabilsanaa Dhinaca Suuqgeynta

Dilalkaan iyo Qaraxyadaan ayaa waxay ku soo beegmeen Xili uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu furey Shirweyne looga hadlayey arrimaha Amaanka ee Dalka kaasoo muddo afar Maalmood ka socon doona Hotelka Jasiira ee Magaaladda Muqdisho waxana lagu martiqaadey Qaybaha ka duwan ee Amaanka iyo Qaybaha Bulshada ay ka Kooban tahay .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli: “ Falalka aragaxisonimo nagama hor istaagayaan xasilinta Soomaaliya”

Muqdisho, April 22, 2014 —– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacsiyeeyey weerar argagaxisonimo oo maanta lagu dilay Xildhibaan Cabdicasiis Isaaq Mursal oo kooxo hubaysan ay toogteen isagoo ka soo baxayey gurigiisa oo ku yaallay xaafadda Madiina ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

“Innaa Lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, waxaan ka tacsiyeynayaa dilka maanta loo geystay xildhibaan Cabdicasiis Isaaq Mursal oo gacan ka xaqdaran ku dishay Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii, ehelkii iyo ummaddii uu ka tegay xildhibaanku, waxaan Illaah uga baryayaa in uu Jannadiisa ka waraabiyo

“Falalka aragaxisnimo nagama hor istaagayaan xasilinta Soomaaliya iyo halganka aan ku soo celinayno dowladnimada Soomaaliya. Dilalkan qorsheysan ma cabsi gelinayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda

“Dowladdu waxa ay qaadaysaa tallaaba kasta oo ay ku sugeyso ammaanka dalka iyo muwaadiniinta. Kuwii ka dambeeyey falalkan gurracan kama baxsan doonaan caddaaladda, waana la helayaa haddii alle idmo.”

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ku amray hay’adaha ammaanka iyo maamulada degmooyinka gobolka Banaadir in ay xoojiyaan ammaanka, isla-markaasina ay baadi-goobaan dhagar-qabayaashii ka dameeyey dilalkii ugu dameeyey.

—DHAMAAD—

Abdirashid Muse
Press Officer, Office of the PM
+252616318823
Mogdisho-Somalia
Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.