Home » Faallo »

Noolasha wadanka Qatar

abuzuhriWalaalyaal waad salaamantihiin dhamaantiin. Qoraalkan iyo qoraalo kale oo aan horay uqoray waxaa igu dhaliyey su’aalo badan oo ay isoo weydiyeen walaala Soomaaliyeed oo kunool wadamada galbeed kuwaas oo quud daraynaya warbixin kusaabsan Qatar ee laxariira arimaha qoyska. Sidaad ogtihiin dadkii ubaxsaday wadamada galbeedka waa qax markale oo waxaa kufurantay colaad nooc kale ah oo laxariirta caruurta ee Allah ufudadeeyo. Dadkan walaalaheen inta mudaba waxay caruurta udiri jireen wadama Carbeed oo dhaqaale ahaan jaban sida Masar iyo Suuriya oo aad ogtihiin meesha ay xaaladooda marayso. Sidaas awgeed dadkaas waxay raadinayaan meel kale oo  nabad galyo ah oo ay caruurta keensadaan.

Noolasha Qatar

Qatar waxay ka midtahay wadamada ugu qanisan dunida maanta hadiiba aysan aheyn wadanka 1aad marka laga eego dhaqaalaha iyo tirada dadka.  Kobcida dhaqaalaha Qatar ayaa ku soo aaday xili wadama badan oo qani ahaa  ay kuhabsatay  duruuf dhaqaale oo adag. Taas waxay keentey,hadal-haynta dhaqaalaha Qatar oo aad ugu baahay warbaahinta aduunka.

Warbixinta sanadkan 2014 “magaalooyinka ugu qaalisan”  aduunka, Doha, caasimada Qatar, waxay gashay kuwa ugu horeeya.  Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Doha waxay aheyd magaalada ugu qaalisan khaleejka. Arimo badan ayaa lugkuleh noolasha qaaliga sida dadka   kusugan wadanka(2.1 muwaadiniin iyo ajaaniba) qiyaastii 90% waxay kusuganyihiin magalaada  Caasimada Doha. Waxa laquuto oo dhan waxay kayimaadaan wadanka dibidiisa iyo asbaabo kale.

Sida wadanka lagu yimaado:

Qatar iyo khaliijka oo dhan  waxaa lagu yimaada nidaamka looyaqaan sponsorship ama kafaalada oo qaanuun ahaan ah jihada uu qofka ushaqaynayo ee ka mas’uulka ah mushaarkiisa iyo noolashiisa. Jihadaas waa dowlada iyo shirkadaha waaweyn oo ayaga dadka wadanka dibidiisa kakeeno haddii gudaha laga waayo qof shaqadaas qabankaro.

Waxaa kale dadka wadanka soo galiya shirkado iibiyo visa/iqaamad suuq madow oo dhib mooyo dheef laheyn, qaar badan oo ayaga kamid ah albaabada ayaa la isugu dhuftay.

Adiga mid aad ku timaadaba, waxaa laguu ogalyahay inaad caruurta iyo xaaska aad kafaalataada ku keensatid haddii shuruuda jawaazaadka(immigration law) udhigay qofka xaas iyo caruur keenayo aad kasoo baxdid,kuwaas oo inta badan la xiriira lacagta uu qofku  qaato iyo shaqada (title) uu qofku ku shaqaynayo iyo ogalaanshaha kafiilkaada.

Waxaa xusid mudan aabaha kafiilka ka ah carruurta uusan dalka mudo badan kamaqnaan karin shirci ahaan iyo qaabka noolasha wadanka laxariirta. Iqaamada caruurta  iyo waraaqadaha kale ee laxariira howlaha laanta socdaalka waa lacag qaali haddii aysan shirkada kukeentay kaa bixinayn.

Guryaha

Guryaha kiradooda waa qeybta ugu daran ee noolasha wadanka hurisay. Dadka dhaqaalaha fiican qaato waxay leeyihiin 50% mishaarkooda wuxuu kubaxa kirada guryaha.

Guryaha waa kala qaalisanyihiin, meeshay kuyaalaan iyo nooca guriga ee aad doonaysid. Xaafadaha caadiga ee aan qaaliga sidaas u aheyn sanadkii QR. 84000-120,000 ( 3dii qol, musqul iyo fadhi). Sarifka QR $ waa 3.65 sanadka oo dhan. Intaas waxaad ku dartaa korontada iyo biyaha, telephoneka, internetka iyo capable Tvga oo maalmahan noqday daruuriyaadka.  Qolkasta wuxuu ubaahanyahay A/C shaqaynaya 24 saacood, uguyaraan 9 bilood oo wadanku kuleylka yahay.

Gaadiidka iyo isgaarsiinta

Wadanka malahan gaadiidka dadweynaha raacaan sida buseska iyo trainka walow iminka gacanta lagu hayo, mana jirin baahi hore maadama ay dadka oo dhan kuwada noolyihiin hal magaalo. Wadanku taxi waa leeyhay laakinse helitaankisa ayaa adag, waana qaali oo meter. Dadku waxay maciin bidaan (cid awoodo iyo cidaan awoodinba) in gawaari khaas ah la iibsado kuwaas oo aad qaali u ah, hadii kale cidi mashaqo tagi karto.

Qoyska yar ee aabaha kaliya uu  meel ukalahoyo  hal gaari cusub waa qasab waayo wadanka baabuurta duuga ah kama socdaan, waana adagtahay inaad uheshid garaash fiican oo kuu hagaajiyo markasta!  Hadii labo qof ama kabadan meelo kaladuwan ukalahayaan, gaari 2aad ama 3aad ayaa loobahanyahay,  waa daruuriyaadka ee ma’ahan wax lagu tamashleeyo, Laysan(license) sida laguhelo aad ayuu u adagyahay.

Waxbarashada

Wadanku wuxuu leeyahay iskuulo sigaar ah loo leeyahay oo lagu dhigto luuqadaha ajnabiga iyo  Kuwa dowladda oo lagu dhigto luuqadda Carabiga & English oo iskudhafan.

Waxbarashada dowladda ilaa dugsiga sare waa bilaash caruurta ay waalidkood ushaqeeyaan dowlada haseyeeshe  caruurtaas waxaa ku adag inay helaan waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah haddii uusan waalidkood bixinkarin jaamacadaha Qatar ee Qaaliga.

Iskuuladan sida khaaska looleeyahay wadanka aad ayey ugu badan yihiin ayagoo International ama community iskuul ah laakinse dhowr ceebood ayey leeyihiin oo ay kamid tahay maadooyinka diiniga oo kuyar, Carabi la’aan, thaqaafad qaldan iyo ayagoo qaali ah gaar ahaan kuwa internationalka. Ayadoo ay sidaas tahay ayaan hadana la helin haddii aadan sanad kahor codsan.

Waxbarashada curyaamiinta

Iskuulada ay dhigtaan caruurta loo yaqaan disabled(curyaanimada kaladuwan) -oo ay dad gaar ah isoo weydiyeen- waa laga helaa wadanka laakinse lafteeda dhibka waxbarashada guud ka taagan ayaa kajirta oo waa buux dhaaf, qaabka lagu helayana waa dheertahay. Iskuulada noocaan waa meelaha ay dowlada xooga saartay oo waa la’amaanayey khadamaadkooda.

Waxbarashada Diiniga

Markaad wadamada reer galbeedka kasoo guuraysid, waxa ugu horeeya ee aad raadinaysid waa waxbarashada diinta, gaar ahaan xifdiga Qur’aanka iyo caruurta. Taxfiidka dumarka iyo gabdhaha aad ayuu u adagyahay helitaankiisa; waxaana dhiga dumar oo rag waxba uma dhigaan. Xitaa hadiiba lahelo waa adagtahay in Qur’anka lagu dhameeyo asbaabo badan awgood.

Taxfiidka wiilasha waa lahelaa laakinse laguma najaxo sida meelo badan oo aduunka kale ka jirto. Dhowr iyo tobon sano oo aan halkaan joogay ma arag reer wiil  Qur’anka udhameeyey  oo  udabaaldagaya. Malaha waa cudur lasocda hantida koradhay.

Waxbarashada Jaamacada

Jaamacada maadi oo dhowr ah oo ubadan Mareykanka ayaa kuyaala wadanka. Waxaa jirta meel layirahdo Education City oo xarun u ah jaamacada badan sida George Town University, Texas A&A university iyo kuwa kale oo dhiga takhasus kala duwan. Jaamacada Qatar ee dowladu leedahay ayaa waxay kuyeel kuliyad lagubarto daraasaadka Islaamiga. Jaamacadahaas waa qaali haddii aanu ilmuhu helin scholarship ama lacag uu isaga bixiyo.

Dhakhtarka iyo caafimaadka

Dhakhtar weyn oo caalami ah oo ay dowlada leedahay ayaa ku yaallo wadanka, kaas oo bilaash tahay daaweynta qofkii leh Iqaamad iyo card caafimaad sanadkii mar lacusboonaysiiyo, waana wadankii kali ee khaliijka oo dhan ee dadku bilaash lagu daaweeyo ayadoon loo eegeyn dhalashadiisa . Waxaa kale oo jira isbitaalo khaas ah oo aad qaali u ah laakinse waxaa taga qofkii medical insurance leh ee ushaqeeya shirkada kooban sida kuwa petrolka iyo jaamacadaha.

Anshaxa guud iyo amaanka

Dhanka amaanka, wadamada aduunka meelaha ugu nabadgalyada badan ayey ku jirta haddiiba aysan  aheyn no 1aad. Wadooyinka  magaalada iyo dhaqanka guud ma arkaysid waxay indhahaada nacaan marka laga yimaado meela kooban oo ay gaalada kubadan tahay oo dadka caadiga ah aysan  tagin. Caruurta galbeedka lagakeeno bilaha uhoreeya majeclaystaan Qatar oo waxay u arkaan meel lagu cajisayo(boring) laakinse fasax marka ay kasoo laabtaan ayey ubogayaan, xitaa gaalada ayaan sidaas ku aragnay. Kuleel iyo shilal baabuur waxaan ka aheyn dhib kale ma lahan wadanka laakinse Internet iyo television ee caruurta faraha kulul kuhayo, meelkasta waa taagan.

Jaaliyada duruus dacwo badan kama jiran oo dhowrkii bilood mar ayaa la’isu yimaadaa muxaadarooyin caam ah laakinse dadka kuma filno. Dad badan ayaa ku kadsoomay kudhexnoolaanshaha wadamada Carabta oo aan waxba faa’ideysan. Wadanka English ayaa lagaga hadla wadooyinka sida Emirateska oo kale.Intaan dib ukulmi doona waa walaalkiin Adam oo idin leh Salaamu Calaykum.

Wixii talo iyo tusaale waan soo dhaweynaynaa abuzuhri1@gmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.