Waxaa lagusoo gaba gabeeyay Majidka wayn ee Al Rawda ee Magaalada
Bosaso Nadwadii kasocotay oo ahayd Nadwadii 12aad ee lagu qabto Bosaso
Halkan ka akhriso Bayaanka ka soo baxay nadwada
Mawduuceeduna uu ahaa (أعمال القلوب) , iyadoo intay socotay laga soo jeediyay Duruus aad u qiima badan oo ay ka qayb qaateen Culimo kala duwan.
Darsigii ugu danbeeyay ee lagasoo jeediyo Masjidka Al Rawada waxaa uu kusaabsanaa Tawbada, Waxaana soo jeediyay Sh.Daahir Aw Cabdi, isagoo ka hadlay ugu horayntii Qeexitaanka Tawbada oo ku tilmaamay in loola jeedo ” soo noqoshada loosoo noqdo Daacada Alle”.
Intaa ka dib shiikhu waxa uu aad uga hadlay Qiimaha iyo Xukunka Tawbada , isagoo hadalka wata ayuu waxa uu yiri : waxaa ku tusinaya Qiimaha Tawbada aayaatka Alle iyo Axaadiithta Nabiga, Alle kor ahaaye waxaa uu yiri :
“Alle waxaa uu jecelyahay kuwa usoo noqda (Tawaabiinta).
Nabiga waxaa laga wariyay in uu yiri : “Alle ayaa uga farxid badan soo noqoshada Adoonkiisu uu dunuubta kasoo noqdo farxida uu ku xarfo qofkiin gaadiidkiisa oo dhul bahgooyo ah ugu dhumay oo usoo laabtay”.
Wuxuuna shiikhu isagoo hadalka sii wata yiri: qofka Muslimka ahi inuu towbad keeno waa waajib, Alle waxaa uu yiri kor ahaaye : “kuwa iimaanka laga helayoow u soo noqda ilaahay
soonoqosho wanaagsan…”
sidoo kale shiikhu waxa uu aad ugudheeraaday Qaybaha Tawbada , shuruudeeda iyo danta towbada laga leeyahay.
Si kastaba ha ahaatee shiikhu gabagabadii muxaadaradiisa yuu waxa uusoo ban dhigay tusaalayaal dhowra oo kusaabsan dad toobadkeenay qisooyin laga soo wariyay, isagoona sheegay in towbada mar walba loo baahan yahay, oo aysan ku koobnayn marka danbigu kaa dhaco oo kaliya.
Intaa ka dib ayaa waxa loogudbay qaybtii labaad ooahayd soo gunaanadka Nadwada, waxaana ugu horayn ka hadlay Sh.Yuusuf Cabdicaziiz oo ku hadlayay magaca culimada, isagoo Bulshada ka codsaday inay Culimada duruusta kala duwan usoo jeedisay Wakhtigoodana u hurtay ay wayneeyaan, ixtiraamaan, aynajeclaadaan .
Sidoo kale waxa hadalka qaatay Ustaad Ciise Siciid Muxamed oo ah Gudoomiye ku xigeenka geed ee Mu,asadada Al-Minhaaj, isagoo warbixin kooban ka bixiyay guud ahaanAcmaasha Nadwada , isagoona sheegay in diroosta kulan cilmiyeedkan intuu socday guud ahaan ay gaarayso 32 darsi, ku was oo kakala baxayay meelo kala duwan, Sida masaajida , iskuulada, macaahida, jaamacadaha, rugta ganacsiga iyo mid ka baxay xarunta dowlada hoose ee boosaaso.
Nabadoon Xarago oo isaguna madasha ka hadlay ayaa hadalo Qiima badan halkaasi
kasoo jeediyay, isagoona Dhalinyaradana ka waaniyay Tahriibka .
Gabagabadii Nadwada ayaa waxa kasoo baxay Bayaan ay Culimadu kasoo saareen Nadwadaan,
waxaana bayaanka akhriyay Sh.C/raxmaan Awciise Gudoomiye kuxigeenka Mu’asasada Al-Minhaaj Qaybta Bari.
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.