Home » Warar »

Dowladda Imaaraadka Carabta oo Qalab ugu Deeqday Ciidamada Ammaanka Soomaaliya

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Qalab fara badan oo kala gedisan manta ugu Deeqday Ciidammada Amaanka Qaranka Soomaliyeed. Deeqdan oo isugu jirata; dareyska Ciidamada iyo Gaadiid ayaa waxa Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaliyaa uu ku wareejiyay Dowlada Soomaaliya.

Safiirka dowlada imaaraatka carabta Ambasador Maxamed Al-Cuthmaan oo ka hadlay xafladdii Guddoonsiinta Deeqda ayaa yiri: “ Deeqdani waxay qeyb ka tahay dadaalka ay Dowladda Imaaraatka ugu jirto inay qeyb weyn ka qadato Nabad iyo Xasilloni ku soo celinta dalka aan Walaalaha nahay ee Soomaaliyeed, iyadoo taasna ay nagu hageyso xiriirka Walaalnimo iyo Taariikheed ee ay wadaagaan labada Dowladood iyo labada Shacab”

“Waan sii wadi doonnaa taageerada aan la garab taagannahay Soomaaliya, taageeradaas oo dhinacyo kala duan lahaan doonta ha ahaato mid Amni mid Millatari mid Dhaqaale iyo mid Horumarneed intaba” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Safiirka Imaaraadka u fadhiya Somalia mudane Maxamed Al Cuthmaan.

Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya General Bashiir Maxamed Jaamac oo ka hadlay Xafladda Guddoonsiinta ayaa si weyn uga Mahadceliyay deeqdan isgaoo yiri “Deeqdan ay Dowladda aanWalaalaha nahay imaaraadka Carabta ugu deeqday ciidanka Nabd sugidda Qaranka waxay qeyb ka tahay taageerada ballaaran ee ay dowlada Imaaratka la garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya

imaaraadka
General Bashiir Maxamed Jaamac waxa uu intaa raaciyay ” Dowladda ImaaraaDka ma ahan deeqdii ii ugu horreysay ee ay u fidiso Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Nabadsugidda, ee waxaa jira taageero kala duwan oo soo socotay muddooyinkii la soo dhaafay sida Safiirkuba u sheegay , taas oo wax weyn ka tartay wax qabadaka Ciidammada Ammaanka iyo Tayadooda”

Dowladda Imaaraataka ayaa ka wadda Caasimadda Muqdsho iyo Gobollada Dalka, Mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin Dhismaha Isbitaallo, Xarumo millatari, Xarumo Maamul iyo Mashaariic Bani aadannimo oo kaalmo loogu fidinayo, Barakacayaasha iyo dadka ku waxyeellobay daadka iyo Dabeylaha ku dhiftay meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.