Home » Warar »

Muqdisho oo laga soo dejiyey duulimaadkii labaad oo dad Soomaaliyeed oo laga soo raafay Kenya

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa tibaaxay “Muwaadiniintani oo ku yimid Muqdisho duulimaadkii labaad oo dad Soomaaliyeed looga soo daabulo dalka Kenya”.. Warsaxaafadeedka oo dhan hoos ka akhri…

Buri’ Hamza oo ku soo dhoweeyay Muqdisho duulimaadkii labaad muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daad gureeyay Nairobi . 

Mogadishu, – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku soo dhoweeyay Caasimadda Muqdisho 91 ruux oo muwaadiniin Soomaali ah oo ku noolaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasoo doorbiday in dalkooda hooyo dib loogu celiyo.
somali82
Muwaadiniintani oo ku yimid Muqdisho duulimaadkii labaad oo dad Soomaaliyeed looga soo daabulo dalka Kenya , kuna wehlinayay Safiirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Kenya ambassador Mohamed Ali Nur ayaa waxaa xusid mudan in  09-kii bishan April  dib loogu soo celiyay dalka dad tiradoodu aheyd 82 ruux .

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu talagashay dadkaasi inay u fududeyso tasiilaadka safarka iyo sahayda ay ku gaari lahaayeen deegaanada ka fog fog caasimadda dalka , si ay ugu biiraan qoysaskooda , iyadoo  si KMG ah loo dejiyo hoteello ku yaala Muqdisho si ay nasiino u helaan .

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa muujiyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u diyaar tahay la tacaalidda xaalad waliba oo la soo gudboonaata muwaadinka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga ay kaalin muuqata oo firfircoon ay ku leedahay u adeegidda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa.

Soo dhoweynta dadkani dib loogu soo celiyay maanta Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada H.E. Said Jama Mohamed Qorshel ,agaasimaha guud hey’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qarankaGeneral Bashir Mohamed Jama,Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha General Abdullahi Gaafow Mohamud ,maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho , saraakiisha hab maamuuska qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga iyo mas’uuliyiin kale .

April 17, 2014

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.