Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha oo dardaaran u jeediyay ciidamo tababar ku qaadanaya magaalada Kismaayo

Kismaayo, —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ku booqday xero tababar uga soconayay ciidamo ka tirsan maamulka Jubba, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu u jeediyay dardaaran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa booqashadiisan ku wehliyay xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo golaha Baarlamaanka, Safiiro iyo Saraakiil ka socotay AMISOM iyo maamulka Jubba, waxaana ciidankan loo tababarayaa sidii ay uga mid noqon lahaayeen ciidamada kala duwan ee maamulka Jubba, waxaana halkaasi ku tababaro ku siiyo saraakiil isugu jira Soomaali iyo AMISOM.
somali79
Ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi warbixino ku siiyay saraakiil ka tirsan maamulka Jubba, waxayna tilmaameen in ciidankani ay in muddo ah qaadanayaan tababaro kala duwan ayna diyar u yihiin inay ka qeyb qaataan difaaca iyo xoreynta dalka, waxayna tilmaameen in qaarkood ay horay u soo mareen tababaro dalalka deriska ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay ciidankan inay noqdaan ciidamo ka shaqeeya danaha shacabka, isla markaana illaaliya xaquuqda Bani’daamka “Waa inaad illaalisaan Nafta, Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga, uuna uug horeeyo caddowga al shabaab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ciidamadan u balan qaaday in dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay u diyaarin doonto agabkii ay ku howlgeli lahaayeen isla markaana ay haatan wadaan qorshe ku aadan sidii ciidamadan loogu kala saari lahaa qeybaha kala duwan ee ciidanka Qalabka sida, taasina ay kala hadli doonaan saraakiisha ciidanka.

“Waxaanu dooneynaa inaanu idiin kala saarno qeybaha kala duwan ee ciidanka sida Xogga dalka, Boliis, Asluub iyo Nabadsugid” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad dheer u jeediyay ciidankan loo tababarayo maamulka Jubba.

“Ciidanka Soomaaliyeed gobol kasta oo uu joogo waa isku hal hadaf, waana inay dalka ka xoreeyaan caddowga, ayna difaacaan Qaranimada iyo xaduududaha dalka Soomaaliya, waxaana la idinka doonayaa in aadnaan ka leexan hadafkaas” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaruhu.

—Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Kismayo, Somalia

April 16.2014

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.