Home » Warar »

Masaajidka  Dar Alqalam oo kusoo biiray Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika

Minnieapolis: Maalinkii Sabtida ahayd April 12, 2014,  xaflad wayn ayaa ka dhacday xafiiska Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika ee Minneapolis. Xafladaas oo looga gol lahaa masajid cusub oo kusoo biiraya golaha imaamyada.

Golaha Iimaamyada ee Waqooyiga Ameerika waxaa la aas aasay bilowgii sanadkii 2001 iyadoo ay hogaaminayaan aas aaskaas culimmada Soomaaliyeed si ay u daboolaan baahida Diimeed iyo Dhaqameed ee mushtamaca ku cusub W/qooyiga Ameerika. Arintaasna aad ayuu ugu guulaystay goluhu, wuxuuna diintooda inay ku dhaganaadaan sabab u noqday Soomali badan oo ku nool Waqooyiga Maraykanka.

Xaflada Kusoo biirida Masaajidka Dar Alqalam ayaa waxaa kasoo qayb galay culumo ka kala socotay Golaha Imaamyada iyo Dar Alqalam, dhica golaha waxaa goob joog ka ahaa Sh. Abdiraxman Sh. Cumar, Sh. Abdalla Abul Fadli, Sh. Abdullahi Ibraahim, Sh. Maxamed Mursal iyo Masuu liyiin ka socday Dar Alqalam.

Dar Alqalam waa masaajid ku yaala waqooyi bari ee  magaalada Minneapolis, Dar Alqalam wuxuu ku bilowday madarasa quraan, wuxuuna ahaa qayb ka mid ah dugsigii lagu dhigi jiray Masaajidka Shaafici ee xaafada Cedar intii aan loo wareegin Xarunta way ee Abubakar  As-Saddique bartamihii 2005.

“Dugisigii Dar Alqalam wuxuu kasii furnaa xaafada Cedar, wuuna sii balaartay, waxaana lagu daray barnaamij gaar ah, kasoo ah caruurta aan iskuulka wali gaarin da’doodana u dhaxayso 3-6 in loo diyaariyo sidii Iskuul ka ay ula qabsan lahaayeen, iyo in labaro tarbiyada Islaamka.

Maadaama Dugsigii Dar Alqalam baraaltay, baahida bulshada ku dhaqan Minneapolis-na ay sii korodhay,  ayaa laga fursan waayey in lagu fakaro in lahelo goob qayb ka qaadan karta baahida bulshada iyo xaqiijinta hadafka Dar Alqalam guud ahaan.

Maamulka Dar Alqalam waxuu ku guulaysatay in uu lasoo wareego bilowgii 2012 dhul baaxadiisu dhantahay sodon kun oo laba jibaaran, marka lagu daro goobta baabuurta la dhigto. (30.000 square feet)   Waxay ka koobantahay xarunta Dar Alqalam, Masaajid rag iyo dumar ah, 9 fasal oo wax lagu barto, qolka shirarka, sadex – xafiis, maktabad, iyo Jiko.

Dar Alqalam waxaa nasiib wanaag u ahayd markii lagadayey inay ahayd xiligii dhaqaalaha Maraykanka hoos u dhacay, dhismaha qiimihiisa wuxuu ahaa hal malyan ( $1,00.000) waxaase laga bixiyey shanboqol iyo konton kun ($550.000)  lacagtaas hada waxaa dhiman oo wali labixin laba boqol iyo  afartan kun ($240.000)” Sidaa waxaa yiri godoomiyaha Dar Alqalam Maxamed Cumar.

Sh. Cabdiraxman Sh. Cumar gudoomiyaha golaha shuurada ayaa ku tilmaamay midowgan mid lagu farxo macna wayna ugu fadhiya ummada Muslimiinta iyo gaar ahaan kuwa Soomaliyeed ee ku nool Waqooyiga Maraykanka. Sh. Cabdiraxmaan ayaa intaa ku daray dowrka culimmada iyo ducaada waa faafinta diinta iyo dhisida Masaajida, si loo helo goob hadafkaas wayn lagu guto, waxaana illaahay mahadii ah in Masaajido gaaraya 25 oo isku Manhaj ah ay ku midaysan yihiin golahaan in ku dhow 15 sano.

Sh. Abdalla Abul Fadli gudoomiyaha golaha fulinta, ayaa ku tilmaamay kusoo biirida Dar Alqalam arin farxad wayn ugu fadhido Golaha iyo guud ahaan muslimiinta.

Waxaa sirasmi ah loo kala saxiixday,la isuguna wareejiye y qoraaladii  heshiiska ee Golaha Imaamyada iyo Xarunta Dar Alqalam u dhexeeyey, waxaana u kala saxiixay labada dhinac,
Gudoomiyaha golaha Shurada Sh Cabdiraxman Sh Cumar, iyo Gudoomiyaha golaha fulinta  Sh Cabdalla Abul-Fadli, dhinaca Dar Alqalam waxaa u saxiixay Imamka Masajidka Sh. Cabdulahi Ibraahim iyo Gudoomiyaha masajidka Sh Maxamed Cumar, waxayna xafladii ku soo dhamaatay guul iyo jawi aad u quruxbadan. Sh. Cabdulahi Ibrahim ayaa yiri waxaan rajaynaynaa in la sii xoojiyo midnimada iyo isku duubnida ku salaysan Manhajka toosan, waana arinka quraanku nafarayo inaan samaha isu kaalmaysano.

Golaha Imaamyada ee Waqooyiga Ameerika waxaa ku midaysan 25 Markis/Masaajid. Oo uu ugu danbeeyey Dar Alqalam oo noqonaya Masaajidkii 25-aad ee kusoo biira golaha Imaamyada ee Waqooyiga Maraykanka, xaruntiisuna tahay Magaala Minneapolis ee gobalka Minnesota.

somali80

Isu taga masaajidaan ayaa ah midka ugu wayn ee Soomaalida qurbaha leedahay, gaar ahaan Waqooyiga Ameerika. Minnesota oo kaliya waxaa ka mid ah Golaha  Masaajida iyo Imaamyada isu tagay ee Soomaaliyeed  11 Xarun/Masaajid.

Waxaa laga xiriiri karaa Golaha Imaamyada Soomaaliyeed.

The North American Council of Somali Imams Inc.

3355 Hiawatha Ave Minneapolis MN 554506

Phone: 612-874-0665

Warbixintan waxaa soo diyaariyey:

Xasan Dhooye
dhooye@hotmail.com
Minneapolis

 

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.