Home » Warar »

Dallada Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed oo Baaq u Dirtay Milkiilayaasha Dhismaha iyo Injineerada Dhismaha Hindisa”

WAR-SAXAAFADEEDA

Ka dib markaan aragnay dhibaatada aan kala duwan ee heysata dadka Naafada ah ee Soomaaliyeed kuwaas oo aanan ku heysanin Bulshada dhaxdeeda tixgalin buuxda si ay uga mid noqdaan Bulshada aan Naafada aheyn ,

Markaan aragnay inaan la qaadanin Amarkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 28/03/2013 kaas oo baaq u jeediyay Injineerada Dhisa, Guryaha Wadooyinka, iyo Milkiilayaasha Guryaha Baaqaas oo ahaa in dadka Naafada ah ay helaan xaquuq la mid ah Bulshada kale si ay ugu fududaato edeegsiga Dhismayaasha ayagoo qofna ku xirneyn
Sidoo kale markaan aragnay baaqii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon ee uu soo saaray 3-December/2013 ee ahaa in la jabiyo dhammaan caqabadaha loona furo fursadaha dadka Naafada ah si wada jir ah.

somali81

Hadaba anagoo ka duuleyno baaqyadaas kala duwan ee heer Caalami iyo mid Dowladeed ah Waxay Dallada Awoodsinta Naafada Soomaaliyeed ee SODEN ugu baaqeysaa dhammaan Milkiilayaasha Dhismaha iyo Injineerada Dhisamaha Hindisa inaysan go,doomin Walaalahooda Naafada Soomaaliyeed kuwaas oo aan awoodin inay ka adeegtaan Dhismaayasha hada jira

sidaa dardeed maadaama aad xog ogaal u tihiin inaan nahay mid ka mid ah Wadamada ugu badan Naafada Aduunka, waxaan ku dhiirigalinaynaa Injineerada Guryaha iyo Wadooyinka Dhisa inay Horseed u noqdaan sidii ay uga Adeegan lahaayen dadka Naafada ah Guryaha iyo Wadooyinka si caqabad la,aan ah sida dadka kale ayna u sameyaan meelaha sida gaar ka ah loogu tala galay dadka Naafada ah,

MOHAMED ALI FARAH.
Director General (SODEN)
Kala Xiriir
00252615581745
E-Mail info@somalidisability.org

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.