Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaare Cabdiweli “Haweenka Jubbooyinka waa inay hormuud u noqdaan dib u heshiisiinta iyo horumarinta”

Kismaayo, -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii saddexaad howlo shaqo u jooga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadanayaa qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii la kulmay odayaasha dhaqanka ee Jubbooyinka kuwaasoo ka kala yimid gobolada Jubbada Hoose, Jubbadda dhexe iyo Gedo, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay arrimaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta goboladan iyo sidii odayaasha dhaqanku qeyb libaax uga qaadan lahaayeen isku soo dhoweynta beelaha ku wada nool goboladan.

“Dadka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka waa dad walaalo ah oo weligoodba wada deganaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku aheydeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale xusay in dawladda Federaalku ay ku taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib u heshiisiinta gobol, degmo illaa tuulo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay haween ka kala yimid gobolada Jubboyinka iyo Gedo, isaga oo kula dardaarmay inay hormuud u noqdaan dib u heshiisiinta iyo dhameynta khilaafaadka dadka ku dhaqan goboladan.
somali78
“Haweenku waxay leeyihiin taariikh weyn oo dhanka halganka iyo xornimo doonkii dalka, waxaana loo baahan yahay inaad hormuud ka noqotaan dib u heshiisiinta iyo dhameynta khilaafaadka ka dhex jira dadka ku dhaqan goboladan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay haweenka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Odayaasha iyo haweenka goboladan ayaa gabagabadii u balan qaaday Ra’iisul Wasaaraha inay garab istaagayaan kana shaqeynayaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, si loo gaaro Soomaaliya oo xasiloon aayaheedana ka tashata kuna wada nool nabad iyo xasilooni.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kulamo aan kala joogsi laheyn la leh hogaanka maamulka Jubba, waxaana la filayaa in marka ay kulamadani soo gabagaboobaan warbaahinta si rasmi ah loogu soo gudbiyo natiijada wadahadaladan.

April 15.2014——
—Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Kismaayo, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.