Home » News »

Nadwado cilmiyeedkii sanad la ahayd oo caaway ka bilaabatay Markazka Al- Rowda ee magaalada Boosaaso:

 

Nadwado cilmiyeedkan  oo noqonaysa tii 12aad ayaa waxaa ciwaankeedu yahay أعمال القلوب , iyadoona ay ka qayb qaadan doonaan qaar ka mid ah Culimada ugu waawayn soomaaliya .

Furitaanka  Nadwada ayaa waxa kasoo qayb galay Maamulka Mu’asasada Alminhaaj, Culimo, Cuqaal , Wasiir kuxigeen Wasaarada awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Puntland iyo Dadwayne aad u faraba badan.

Bilowgii Nadwada ayaa waxa lagu furfuray Aayadaha Qur’aanka kariimka ah oo uu Akhriyay Imaamka labaad ee Masjidka Al-Rawda Sulaymaan Cabdulaahi Muxamed.

Intaasi kadib Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Ustaad Muxamed Maxamuud Ciise ayaa waxa uu ka warbixyay Nadwada iyo Ujeedkeeda waxaa uuna Bulshada ku baraarujiyay inay ka faaidaystaan Culimada isagoo intaasi ku daray in Culimadii Asalka u ahayd Nadwadaani qaar kamida ay Dunida ka safreen isagoo soo qaatay Sh.Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyo Sh.C/qaadir Nuur Faarax oo uu sheegay inaysan ka maqnaanin jirin Nadwadaani.

Sh.Xasan Xuseen oo isagana Kalmad kasoo jeediyay Furitaanka Nadwada ayaa waxaa uu sheegay inay Farxad u tahay inuu Alle soo gaarsiiyay Nadwadaani waxaana uu Alle ka baryay in Nadwadaani uu Bulshada Soomaaliyeed ugu dhigo mid Qalbigooda Dawaysa isagoo intaasi ku daray in Qofkii Qalbi fiyow uu Dadka wax gaarsiin karo, ama Quluubta uu kasban karo.

Shiikha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu kusoo gabagabeeyay Duco uu Dadwaynaha Alle ugu baryay in uu Quluubtooda Hagaajiyo.

Dhanka kale Sh.Fu’aad Maxamuud Xaaji oo isaguna Furitaanka Nadwada goob joog ka ahaa Hadal koobanna kasoo jeediyay ayaa waxaa uu sheegay in Nadiifinta Qabligu ay ka horaysa wax walba oo diinta ku tacaluqa.

waxaana intaasi uu kudaray Sh.Fu’aad in Qalbigu uu yahay midka Xukumaya Camalka ama waxyaabaha uu Adoonku Alle ugu dhawaanayo uuna leeyahay muhiimad aad uwayn maadaama Camalka aad qabanaysid hadii uu qalbigaagu wanaagsanaado uu wanaagsanaanayo, hadii uu xunayahay uu xumaanayo.

Beeldaaje Cali Faarax ayaa isaguna dhankiisa waxaa uu soo dhaweeyay Nadwada, waxaana uu Bulshada ku booriyay inay ka faaidaystaan isaga oo intaasi ku daray in Qalbigu uu yahay Xubinka waanada qaata ama diida.

Gabagabada hadalkiisana wuxuu Beeldaajuhu uu Alle ka baryay inuu Alle Quluubta inoo wanaajiyo.

Muxamed Faarax Aadam Wasiir kuxigeenka Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Punt land oo isaguna ka qayb qaatay Furitaanka Nadwada ayaa waxaa uu sheegay inay soo dhawaynayaan Nadwada, ayna ka shaqaynayaan Wasaarad ahaan wax walba oo aqoonta diimeed ee bulshada lagu hormarinayo, iyaguna dowlad ahaan ay ka mid yihiin cida u baahan.

Furitaanka Nadwada kadib ayaa Sh.C/raxmaan Muxamed Dhawre (Sh.C/raxmaan Bukhaari) oo Casharka koowaad kasoo jeediayay Nadwada waxaa uu si qoto dheer ugu hadlay Geerida iyo dhibaatada qabriga.

Sh.C/raxmaan ayaa waxaa uu soo qaatay aayadaha iyo Axaadiithka cadaynaya in qof walba oo noolaada uu ugu danbayn dhimanayo aduunyadana la joogayo wakhti kooban iyado oo marka Aakhiro latagana Dadku ay dhahayaan Maalin ama Maalin barked baan joognay. Shiikha ayaa waxaa uu ku dheeraaday ka sheekaynta Qabriga iyo dhibaatadiisa isagoo cadeeyay in Qabrigu uu yahay Guriga koowaad ee uu qofku ka dagayo Aakhiro islamar ahaantaana Dadka lagu imtixaanayo.

Shiikhu waxaa uu intaasi ku daray isagoo cuskanaya Axaadiith iyo Aayado Qur’aan ah in Qabriga Imtixaankiisa hadii uu Qofku ku guulaysto waxa kasii danbeeyana  ay uga sii fududaan doonaan, hadii uu ku guul daraystana waxa ka danbeeya ay kasii darnaan doonaan. Shiikh Cabdiraxmaan Bukhaari waxaa dhanka kale uu soo qaatay hadalo kalo duwan oo laga soo wariyay qaar ka mid ah Taabiciinta iyo salafkii oo la xiriirta geerida iyo Qabriga.

sidoo kale shiikhu wuxuu tilmaamay oo tusaalayal fara bada ka bixiyay wax yaabaha keena in qofka qabriga lagu cadaabo, iyo wax yaabaha looga badbaado.

Gabagabdii hadalkiisa ayuu shiikhu aad ugu dheeraaday ku boorinta dadway nihii kala duwanaa ee dhagaysanayay inay aakhiro u shaqaystaan.

Alminhaj

somali75

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.