Home » Warar »

Machadka (EISA) oo qabtey Aqoon isweydaarsi ku saabsan Dasuurka iyo Sameynta Xeerka Xisbiyadda Dalka.

Waxaa Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho lagu soo gabagaabeeyey Laba Maalmood oo ku saabsan Aqoon Isweydaarsi waxaana maalinkii Koowaad loo qabtey Qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana ay ka Doodayeen Kaalinta Bulshada Rayidka ee ay kaga qayb qaadan karaan Dastuurka Dalka , waxaana Aqoon Isweydaarsigaan soo qaban qaban qaabiyey Machad lagu Magcaabo Electrical Institute for Sustainable Democracy in Africa (EISA

Xubnhii ka qayb galey Aqoon Isweydaarsigaas ayaa waxasy sheegeen in Xiligaan loo baahan yahay sidii loo dedejin lahaa Dhameystirka Dastuurka Dalka oo ay sheegeen in wax badan laga badeley, islamarkaana wax badanoo Shacabka Soomaaliyeed ah aysan fahamsiinayn Qodoboda ku qoran Dastuurka , sidoo kale waxay sheegeen Xubnihii ka socdey Bulshada Rayidka in Caqabadda ugu weyn ay ka jirto Beesha Caalamka taasoo aysan dooneyn in Xaalada Soomaaliyeed ay degto, islamarkaana waxay sheegeen in Caqabada kale ee ugu weyn ay tahay mida Maamul Goboleedyada

Xubnihii ka socdey Bulshada Rayidka ayaa waxay hayada Barnaamjkaan wadey weydiiyeen Dhowr Su’aaladood oo ku saabsan Dastuurka dalka waxaana Su’aalahaas ka jawaabayey Prof Cabduqaadir Shiikh Ismaacil oo muddo la socdey arrimaha ku saabsan Dastuurka dalka,waxaana uu faafhaafin ka bxiyey Marxaladihii kala duwan ee uu soo marey Dastuurka Dalka oo uu sheegey in dhowr jeer wax laga badeley taasoo uu ku sababeeyey Fargelin shisheeye iyo qaybihii Siyaasadda ee ka qayb qaadanayey meel marinta Dastuurka.

“hadda looma baahna Guddi Madaxbanaan ee waxaa loo baahan yahay Guddi Dub uu eegaya Dastuurka “ ayuu yiri Prof Cabduqaadir Shiikh Ismaaciil oo sheegey in Bulshada rayidka looga baahan yahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Dib u eegista Dastuurka dalka , waxaa kale uu sheegey in uu aad u yar yahay waqtiga looga tala galey in lagu soo gabagabeeyo arrimaha Dastuurka isagoo sheegey in arintaan ay ay door muhiim ay ka qaadan karaan Bulshada Rayidka qaybaheeda kala Duwan.

somali76

Maalinkii labaad ayaa Machadka lagu Magacaabo Electrical Institute for Sustainable Democracy in Africa (EISA) ayaa sidoo kale waxay uu u qabtey Aqoon isweyddaarsi Xisbiyada Siyaasadda ka jira Dalka waxayna si aad ah uga doodeen Qaab dhismeedka Sharciga ah ee Sameynta Xeerka Xisbyada Siyaasiga ah ,waxayna Masuuliyiintii ka socotey Machadka ay sheegeen in Barnaamijkooda uu yahay sidii Bulshada Soomaaliyeed ugu Fududeyn lahaayeen Arrimaha Xeerka Xisbiyada iyo midka Dastuurka Dalka

Xubnhii halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Cali Maxamed Nuux Tima Jilic ooo ka Socdey Xisbiga Midnimada Jamhuuriga iyo Caasho Axmed Cabdalla oo ka soctey Xisbiga Nabadda iyo Midnimadda waxayna Labadooda markiiba Mahadceliyeen Machadka Electrical Institute for Sustainable Democracy in Africa (EISA) oo ay sheegeen in ay wadaan howlo Muhiim u ah Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Fududdeynta sameynta Xeerarka Xisbiyada iyo arrimaha Dastuurka sidoo kale waxay sheegen in Xiligaan loo baahan yahay in la Dedejyo Xeerka Xisbiyada dalka ka jira si loogu Diyaargaroobo Doorashada 2016

Xildhibaan Maxamed Amiin oo ka mid ah Xilldhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo isna halkaa ka Hadley ayaa waxa uu sheegey in Baarlmaanka fedearalka u soo dhaweynayo in Xiligaan laga doodo Sameynta Xeerka Xisbiyada dalka,sidoo kale waxaa uu sheegey in Baarlmaanka Federaalka uu ku dadaali doono sidoo uu u dhaqan geli lahaa Sameynta Xeerka Xisbiyada oo uu sheegey in la gaarey Xiligii arrimahaas laga doodi lahaa isla markaana Baarlamaanka uu u soo saari lahaa qaabka loo dIwaan gelinayo Xisbiyad Dalka .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.