Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Booqasho ku tegey Kismaayo si uu hogaamiyeyaasha maamulka Jubba ugala hadlo meel marinta heshiiskii Addis Ababa

Ra’iisul wasaaraha DFS ayaa booqasho ku tegey magaalada Kismaayo si uu kulan ula yeesho “hogaamiyeyaasha maamulka Jubba, wuxuuna kala hadli doonaa dardargelinta iyo meel marinta heshiiskii Addis Ababa,” sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda, una qornaa sidan:

Warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaare C.weli iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo dhoweyn ballaaran oo loogu sameeyey Kismaayo

Kismaayo, April 12.2014——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey dadweyne aad u badan, hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) kuxigeenkiisa iyo saraakiil sare sare.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya xildhibaano, Wasiiro, Wasiir kuxigeeno iyo lataliyeyaal, waxaana inta uu Ra’iisul Wasaaruhu ku sugan yahay Kismaayo uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Jubooyinka, hogaamiyeyaasha maamulka, saraakiisha kala duwan ee ciidamada xoogga, iyo saraakiisha AMISOM, isaga oo kala hadli doona xoojinta amniga, iyo horumarinta degaanada Jubooyinka ee dhinacyada dib u dhiska.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada ee maamulka Jubba, iyaga oo kulan gaar ah wada qaatay, waxayna kadib warbaahinta si wadajir ah ugu qabteen shir jaraa’id.

somali70

Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed madoobe ayaa Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ay ku soo dhoweynayaan Kismaayo isla markaana shacabka Jubbooyinku ay si buuxda u taageersan yihiin dawladda Federaalka Soomaaliya iyo hogaankeeda, wuxuuna tilmaamay in Muqdisho iyo Kismaayo ay yihiin mataano.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa isna dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweynta ballaaran ee shacabka iyo hogaanka Jubbooyinku u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna tilmaamay in inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo uu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Waxaan salaan diiran idiinkaga wadaa madaxweynaha dawladda federaalka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in dawladda federaalku ay diirada saareyso sidii goboladan loo xasilin lahaa, loogana xoreyn lahaa degaanada ay weli ku harsan yihiin kooxaha nabadiidka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamada ugu horeeya maalinta berri ah la yeelan doona hogaamiyeyaasha maamulka Jubba, wuxuuna kala hadli doonaa dardargelinta iyo meel marinta heshiiskii Addis Ababa.

–Garad Salad Hersi Senior Press officer, PM office Kismaayo, Somalia

Dr. Abdirahman Beileh oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Imaaraad-ka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mohamed Ahmed Alhammadi.

Mogadishu, April 12, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjiraha dowladda Iskutagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ambassador Mohamed Ahmed Osman Ahmed Alhammadi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo balaarinta iskaashi dhinacyo badan leh oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Imaaraad-ka .
somali71
Dr. Abdirahman Beileh ayaa waxa uu amaan iyo bogaadin u jeediyay dadaalada dowladda Imaaraadka Carabta ay ku taageereyso dowladda, gobolada kala duwan ee dalka iyo shacabka Soomaaliyeed , taasoo qeyb ka ah sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ,iskaashiga wadaagga ah iyo wax wada qabsiga labada shacab .
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa ka hadlay isbadalada ammaan ee dalka uu hiigsanayo iyo taaba-gelinta mashaariic horumarin , isagoo ka codsaday dowladdaIskutagga Imaaraadka Carabta inay si xoogan uga qeyb qaadato dib u dhiska dalka iyo horumarinta hey’adaha dowladda .
Kulankani oo ku soo idlaaday jawi is faham leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud hab maamuuska qaranka Adv. Hersi Haji Olosow iyo agaasimaha waaxda Carabta Yusuf Ali Mohamed .
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.