Home » Warar »

Shirweynihii 2aad ee Somalia Investment Summit oo soo gababoobay, Dubai.

Shirkii labaad ee maalgashiga ‘Somalia Invetment Summit 2014’ ayaa dhowaan waxaa magaalada Dubai ee waddanka Isutaga Imaaraatka Catabta lagu soo gaba gabeeyay 7da April 2014 shirkaasi oo ku saabsan maalgashiga, iyo ganacsiga Soomaaliya (Somali Economic Forum), shirkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madax sare iyo wasiiro ka kala socota Dowlada oo uu ka mid yahay Mudane Saciid Ali Qorsheel, Mudane Yusuf Mucalim Amin iyo Raiisul wasaarihii hore Mudane Prof. Ali Geedi, wafdi ka socda dowlada Imaaraadka, rugta ganacsiga Dubai iyo Safaaradaha Dowladaha Mareykanka, Jarmalka, Turkiga, Taliyaaniga iyo kuwakale. Waxaa iyaguna halkaa ka soo qeyb galay shirkado gaaraya 70 shirkakood oo caalami ah oo daneynaya in ay waddanka maal gashadaan.

somali69

Shirka waxaa soo qaban qaabiyay Somali Economic Forum waxaana maalgashadaayasha ajnabiga iyo Soomaalida isugu jiray lagu tusaaleeyay fursadaha ka banaan Soomaaliya xilligan oo ay nabadgelyada wadan ay aad u fiican tahay.

Mudane Xasan Muuse Dudde oo ah agaasimaha Somali Economic Forum ayaa sheegay in aduunku maanta diyaar uu uyahay in uu Soomaaliya maalgashado, loogana baahan yahay shacabka iyo dowladuba in ay xoogga saaraan sidii ay kaga faa’iideysan lahaayeen fursadan.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Wasiirka gaadiidka circa Mudane DFS Saciid Cali Qorsheel oo yiri “Shirkan waxa uu astaan u yahay isbedelka fiican ee ka jira waddanka iyo in ay soomaaliya dooneyso in ay ku soo biirto beesha caalmka. Waxaan rajeyneynaa in shirkan kiisa kale uu ka dhoco caasimada wadanka ee Muqdisho”.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Mudane Cali Geedi oo yiri “Soomaaliya maanta waxa ay uu baahantahay saxiibo iyo garab waxa ayse aad ugu baahantahay maal galin, si loo abuuro shaqooyin badan xasiloolina loo helo”.

Ugu dambeytii waxaa halkaasi ka hadlay Hassan Al-Hashmi oo ka mid ahaa maamulayaasha sare ee Rugta Ganacsiga Dubai, waxana uu ka hadlay kobaca Soomaaliya ee ganacsiga isagoo sheegay in uu sanadkii la soo dhaafay gaaray 1.3Billion Dirham oo uuna soo kordhayo”.

Shirkan ayaa lagu tilmaamikaaraa in uu yahay shirkii ugu weynaa ee caalami ah oo ay soo qabanqaabiso Soomaali, dad badan oo ajnabi ahna ka badalay fikirka aan wanaagsanayn oo ay ka haysteen Soomaaliya. Ka dib markii ay la kulmeen shirkadihii ugu waaweynaa Soomaaliya sida Dahabshiil, Hormuud, Hornrise iyo Barqwaaqo Bank.

Shirkan ayaa noqday mid ku dayasho leh oo dhiirigaliyay in dowladda UAE ay maalintii 8da April 2014 shir ku qabato Dubai, iyadoo sidoo kale dowladda Sweden ay qaban doonto shir kaasi la mid ah 10ka June 2014 si loo xoojiyo xiriirada dowladahaasi la leeyihiin Soomaalia.

Waxaa soo tebiyey
abdi jama
abdijama2020@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.