Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Ayaa Maanta Booqashooyin Ku Soo Kala Bixiyey Degmooyinka Bulo Burde Iyo Jowhar

Muqdisho, 10, April, 2014..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, Safiirka Djabouti u fadhiya dalka Soomaaliya, iyo Sarakiil ka tirsan Ciidanka ayaa maanta booqasho gaaban ku tagay magaalooyinka Jowhar iyo BuuloBurde.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisa ku bilaabay Degamada Buulo Burde oo ka mid ah degmooyinkii dhawaan ciidanka Dowlada iyo kuwo AMISOM ay ka xoreeyeen kooxaha nabad diidka ah.

Ugu horayn Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM sida geesiniamda leh oo ay uga xoreeyeeen kooxaha nabad diidka ah, isagoona ka tacsiyeeyey ciidamadii iyo shacabkii ku dhintay qaraxii ka dhacay hotel ku yaal degmada Buulo Burde.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay saaka in ay Buulo Burde nasiib u yeelatay in safarkii koowaad oo dalka gudihiisa meel ka baxsan Muqdisho aan ku tago inaan ku imaado Degmada Buulo Burde. Waxaan halkaan mar labaad tacsi uga dirayaa qooysaskii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen shacabkii iyo ciidamadii ku dhintay qaraxii ismiidamnita ahaa ee lala beegsaday Hoteel ay daganaayeen,”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo dhanka kalana xusay in Buulo Burde ay ahmiyad siyaasadeed iyo mid dhaqaale u leedahay dowladda Soomaaliya, in maanta ay noqoto meel xorr ahna ay macno weyn ugu fadhido bulsha weynta Soomaaliyeed

“Kooxaha Nabad diidka ah waa qaran dumis, waxayna habaabiyeen dhalin yaradii Soomaaliyeed, waxaana shacabka Buulo Burde uga fadhinaa in ay hormuud u noqdaan sidii Shabaab looga ciribtiri lahaa meelaha ay kaga dhuumaalaysanayaan gobolka. Maanta wixii ka danbeeyana Buulo Burde waxay heli doontaa adeegyada dowlada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu

Dhanka kale Odayaasha Dhaqanka ee Buulo Burde ayaa sheegay in ay ku jireen lixdii sano ee la soo dhaafay cadaadis, jirdil, caburin iyo dilal, wixii ka danbeeyey 12 bishii horana ay dareemeen in ay heleen xorriyad, Sidoo kale Odoyaasha dhaqanka ayaa ka dalbaday dowladda in ay u soo celiso adeegyadii asaasiga u ahaa nolosha bani’aadamka, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo in loo sameeyo ciidan Boolis iyo Nabadsugid ah si amaanka wax weyn looga qabto. Waxaana isla goobta ka hadlay Wasiirka Amniga Qaranka mudne Cabdikariin Xusein Guuled oo sheegay in si deg deg ah dib loogu howl galin doono saldhigyadii ciidanka Booliska iyo Nabadsugida.

Sodoo kale Ra’iisuL Wasarha ayaa maanta duhurkii booqasho ku yimid magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe halkaas oo si weyn ugu soo dhaweeyeen bulshada qaybaheeda kala duwan oo uu hor kacayo maamulka gobolku.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka, Haweenka, Maamulka Gobolka iyo Dhalinyarada, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in xukuumadiisu dadaal dheeri ah ku bixin doonto sidii shacabka ku dhaqan Degmada Jowhar u heli lahaayeen wixii dowlada uga maqan.

“Xukuumadu waa idinla joogtay, waxaa maanta idinku cusub waa imaatinkayga, waxaana marar badan isaga soo daba noqoday gobolka Wasiiro ka tirsan Xukuumadayda, oo ugu horeeyo Wasiirka Beeraha oo ku howlanaa sidii dayactir loogu samayn lahaa Kanaalada waraabiya Beeraha, taas oo runtii ah talaabo wanaagsan oo ka turjumaysa himilooyinka Xukuumadda, waana wax lagu farxo ah in 23 sano kadib ay dowladu isu xilqaanto wax ka qabashada Kanaaladaas” ayuu yiri RW Cabdiweli oo dhanka kalana sheegay in Gobolka Shabellada dhaxe uu ka mid yahay halboolayasha dhaqaalaha dalka, laga maarmaana ay tahay in dowladdu ay ku dadaali doonto sidii dib u dhis loogu samayn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, sida wadada isku xirta Jowhar iyo Xamar, iyo In la mooso meelaha ay biyuhu ka fatahaan xiliyada roobka.
somali68
“Xubin kasta oo Golaha Xukuumada ka tirsan waxaa uu imaan doonaa Jowhar, waana waajib qaran inuu qabto qaybta uga aadan horumarinta adeega bulshada, waana lagula xisaabtami Wasiirada sida ay ugu shaqeeyaan shacabka, Xukumadaydu ma noqonayso mid aan Muqdisho soo dhaafin, gobolka kasta waxa laga gaarsiin adeegyada asaasiga ah u bulshada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay dadka Reer Jowhar in safarkaani ahayn kii koowaad, islamarkaan uu ugu imaan doono safaro kale, si markasta shacabka ula qaybsado kalana tashado sida ugu haboon ee loo hormarin karo dowladanimada.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director Office of the PM

Mogdisho-Somalia

Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.