Home » Faallo »

Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (NSS 1976- 1991) – Q.5aad

Biloowga 10 kii sano ee ugu danbeeyay cimrigii Kacaanka waxay Soomaaliya gashay Xaalad dhaqaale oo adag oo kasoo gaartay dagaalkii Gobanimo doonka Soomaali Gableed , dhaqaalaha dalka ayaa ciiray , Boqortooyada Sucuudigu waxay ahayd meelaha ugu badan ee loo dhoofiyo Xoolaha Soomaalida , waxaa suuqaas nagu cariirisay Ustareeliya oo daabax fara badan usoo dirta Khaliijka ,

nssKu tirsanahii Amniga ee Safaaradda Soomaaliya ee Jidah ayaa wuxuu soo diray war bixin qeexaysay in Khasnajigii Ustareeliya (Federal Treasurer 1977–1983) John Howard (oo markii dambe noqday Raysal Wasaare 1996 – 2007) uu booqasho ku yimid Boqortooyada, Haward wuxuu u sheegay qoyska reer Boqor in Xoolaha Soomaaliya ay bukaan, sidaas awgeedna wuxuu ku xod xodtay in la joojiyo inta laga ogaanayo caafimaadka qabka Xoolaha Soomaaliya . Warbixintaas waxay ahayd dharbaaxo xanuunkeeda dhaqaale leh oo ku soo foorarsatay Dhaqaalihii liicayay.

Waxaan ka mid noqday Wafti Loo diray Wasaaradda Gudaha Sucuudiga , fariintaan sidnay kuma qornayn Af-Carabi waxay ku qornayd Af-Ingiriisi , waxaan Isla maalintaan tagnay xafiiskiisa ugu tagnay Wasiirkii Gudaha ee Boqortooyada , Nayef bin Abdulaziz (waxa uu wasiir ahaa 1975 – 2012). Sareeyihii waftiga wattay ayaa wuxuu u sheegay Farriin afka ahayd oo uu Madaxwayne Siyaad nagu sagootiyay oo ahayd ‘’ Haddii aad joojisaan xoolaha Soomaaliya ayadoon sabab cad jirin waxaan kaga jawaabaynaa marinka Gacanka Cadmeed ‘’ waxaan sidoo kale maqashiinay inaan soo marnay Baqdaad oo si wanaagsana naloo soo dhaweeyay .

Warkaas ma farxad galin Qoyska Reer Boqor , horay waxaa u jiray Tuhun ah inay Taageero xoog leh siiyaan Kooxihii dagaalka Hubaysan kasoo qaadayay gudaha Itoobiya ,sidoo kalana ay Dawladda Soomaaliyeed siiyaan taageero dhaqaale oo ujeedooyin kala duwan laga lahaa , sida caadada u ah marka wafti ka socda dawlad Islaam ah ay tagaan Sucuudiga waxaa lagu maamuusaa Cumro hasa ahaatee socodkanaaas maanan helin fursaddaas, Galabkii xigay ayaan usoo duulnay Xamar anagoo ku joogna Handheegadii Soomaaliya.

Waxaa muuqatay xiligaas in deeqaha fahara badan ee ka imaanayay Kuwayt, Qadar , Imaaraadka iyo Sucuudigu oo saaxiib dhaw la ah Maraykan ay salka ku hayeen Siyaasadda Curyaaminta dhaqaale ee Baanka Adduunku ku hayay Soomaaliya , Deeqahaas ayaa curyaamiyay wax soo saarkii dalka iyo ku tiirsanaantii dhaqaalaha gudaha , taasina waxay saldhig u noqotay qalalaase dhaqaale oo ku habsaday Jamahuuriyadda Soomaaliya .

Ku dagaallanka Suuqyada waa dagaal soo jireen ah una dhexeeya danaha dawladaha , laamaha sirdoonka waxay ka qaattaan kaalinta ugu adag uguna taabashada adag , gubida , kicinta iyo kadeedka Suuqyada waxaa inta badan loo xisaabiya falalka ay maleegaan laamaha sirdoonka markay ka dhex arkaya danaha uu leeyahay dalka ay ilaalinayaan sharafkiisa iyo madax banaanidiisa dhaqaale.

F. Xiirane (NSS 1976- 1991)
fahiira@gmail.com

Qaybaha kale ka akhri: http://somalitalk.com/tag/nss/
_______________

FG: NSS waxaa laga soo gaabiyey “National Security Service” oo ahaa nabad sugidii iyo sir doonkii Soomaaliya (intelligence agency of Somalia) xilligii dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Xarunta NSS waxay ahayd Muqdisho intii u dhaxaysay 1970 ilaa 1990. Wixii ka dambeeyey dagaalkii ahliga ee Soomaaliya 1991 ayey hawl gab noqotay NSS. Waxaana sannadkii 2013 dib u soo cusboonaysiiyey dawladda Federaalka ee Soomaaliya, magaciina u bedeshey NISA oo laga soo gaabiyey “National Intelligence and Security Agency”.


Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.