Home » Faallo »

DALDALAADDA GODANE !!! MA U WAAYEY XIJAAJ ???? (1)

HORUDHAC;

Taariikhda islaamka waxaa ku jirta xiliyo lala dagaalamay Khawaarijta siiba waqtigii xukunkii Ummawiyiinta ooy aad u xoogeysteen ayaa ka faa’ideysanaayey Dagaalkii Muslimiinta dhexdeeda ee bilowday kadib dimashadii amiirkii macaawiye ibnu yaziid .
waqtigaas oo uu Ciraaq iyo Xijaaz uu ka talinaayey C/llaahi ibnu Zubeer muddo 17 sano ah oo uu wallaalkiis Muscab ibnu zubeerna uu Ciraaq haystay.
Ummawiyiinta oo Shaam iyo Masar haystay waxaa Hogaaminaayey Cabdimalik ibnu Marwaan, waqtigaas kala qeybsanaanta Muslimiintu ay jirtay ayey ka faa’ideysteen Khawaarijtu oo xoogeysteen sida Haddaba ay Al-shabaab uga faa,ideysteen Firaaqa dawladnimo ee Soomaaliya.
Maxaa xalay caawa uga eg ??? Ma godane ayaan xijaaj u waayey ???!!!
Haddaba waxaa jiray Nin Khawaarijta ka tirsan oo Geesi ah oo lagu magacaabi jiray ( Shabiib ) abuu madallah ( laa xukmah ila Allaah ) !!!! waa ninka ay ku abtirsato Khawaarijta kuwooda la yiraahdo Shabiibiyah .
Ninkaas iyo Naagtiisa Ghazaallah waxay Nadar ku mareen in ay Baqdaad Qabsadaan oo waliba Ghazaalah waxay ku nadartay in ay masjid Jaamaca Baqdaad in ay ku tukato labo rakcadood oo sunna ah oo mideeda hore ay Akhrineyso Suratul Al-Baqrah midda labaadna ay akhrineyso Suuratul AL-Cimraan, weyna ka dhabeysay oo magaalladdii Baqdaad ee weyneyd bay qabsadeen.
Waa markaas marka loo baahday in uu dagaalkaas ka soo qeyb galo Amiirkii Geesiga ahaa ee Xijaaj ibnu Yusuf, maxaa ku ogeysiiyey Xijaaj ??? Waa Ninkii Ciraaq oo loo taag waayey Edbiyey ee yiri Hadalkiisii caanka ahaa : ( waxaan u jeedaa Madaxyo bislaaday oo u baahan in la guro ) !!!.
Waa geesigii dhidibadda u aasay xukuumadihii Ummawiyiinta ee 70 sano ka talineysay Carradda Muslimiinta ??? Waa Ninka uu Amiirkii Cumar bin C/siiss RC uu yiri : ( Haddii Ummaduhu iskugu faanaan xagga xumaanta annagu waxaan ku faani laheyn Xijaaj ibnu Yusuf.
waa Geesigii markii uu Dhimanaayey yiri : ( Ilaahoow dadku waxay u haystaan in aadan i cafineynin ee i cafi ) !!! .
wuxuu kaloo yiri Cumar Bin C/siis : ( عن عمر بن عبد العزيز أنه قال: «ما حسدت الحجاج عدو الله على شيء حسدي إياه على: حبه القرآن وإعطائه أهله عليه، وقوله حين حضرته الوفاة: “اللهم اغفر لي فإن الناس يزعمون أنك لا تفعل”»
XIJAAJ BIN YUUSF KUMA AANAN XASDIN CADAWGAAS ILAAHAY ILAA QURAANKA UU JECEL YAHAY MOOYEE IYO U ROON YAHAY AHLU QURAANKA IYO HADDALKIISII MARKUU SAKARAADAAYEY : ILAAHOOW II DANBI DHAAF ,DADKU WAXAY SHEEGAAYAAN IN AADAN II DAMBI DHAAFEYNIN ) !!!!
Taariikhdiisii horena wuxuu ahaa macallin Dugsi oo Quraanka wuu xifdisanaa.
Daggaalkaas markuu ka soo qeyb galay Xijaaj ,Khawaarijtii dagaal adag bay kala hor tageen se markii danbe waa la jabshay ??? Maxaa Caawa xalay uga eg ??? Ma Godanaan Xijaaj u waayey ???!!!.
Shabiib Colkiisii markii la jabshay waa la baacsaday sida loo eryanaayo ayuu faraska ku kor seexdaa oo gamaanyoodaa ,se mar ayuu intuu soo kaco colkii ka horyimaadaa oo qaar ka laayaa, sidaas markii ay muddo ku socotay ayey buundo wabi ku yimaadeen ,markaas buu shabaab Buundadii Faraskiisii kala dhacay ,asgoo leh ( ) Halkaas buuna ku dhintay .
Markii Subaxdii maydkiisii la soo baxshay ayaa Xijaaj caloosha ka jeexay oo wadnihiisii soo saaray ,kadib ayaa la arkay wadne yar oo adag oo markii dhulka lagu dhufto sidii banooni boodbaadaaya.
Shabiib Hooyaddiis oo 80 jir ah waxay aheyd khaarijiyat macnaa shabaab ??? Dhawr mar baa la yiri : Wiilkaagii shabiib waa la dilay ???se markasta waxay weydiin jirtay waxa lagu dilay markii la yiraahdo waran ama seef ama toori waxay dhihi jirtay shabiib ma dhimanin ???!!!.
Markaan markii loo sheegay in uu wabi ku dhacay oo maashooday, waxay tiri : Maanta ayuu dhintay, maxaayeelay markaan Uurka ku waday ayaan ku riyooday Anniga oo caloosha dab u sida ??? Dabna biyo uun baa bakhtiiya ???!!!
sannadkaas wuxuu ahaa 76 Hijriyadda , sidoo kale 79 Hijriyadda wuxuu dilay khaarijigii caanka ahaa Qudri ibnu Fujaa’iyah ee gabayaagga ahaa oo uu madaxiisii u keenay Boqorka Cabdi Malik RC , sidoo kale wuxuu asagana jabshay oo khaarijigii C/raxmaan ibnu Ashcas sannadkoo 85 Hijriyadda Seddexdaas Khawaarij ee madaxda ahaa oo gadaal lagu magacaabo Al-Shabiibiyah,AL-Fujaa’iyah iyo AL-ashcathiyah waxaa gumaadau Geesigaas weyn ee Xijaaj bin Yusuf Allaah ha u raxmadee.
Maxaa caawa xalay uga eg ??? Ma Godanaan , Xijaaj u waayey ???!!!.
Xasuuqii Buulo Jameeco :
Akhristoow xasuuqii ay Al-shabaab Shufto ka geesteen Buulo Jameeco oo u dhaw Buur Xakaba ayaa ahaa mid Soomaali oo dhami u ooyday ,xasuuqa odayaal Dhaqameedka bir ma gaydada ah ,Naboodoonada waligood u tafa xeydnaan Nabadeeynta Beeshooda iyo beelaha kaleba.
Waddada wada shiikhyadda ah ee kan ugu yar 60 jirka uu yahay ???!!!.
Akhristoow ha igu doqonoobin oo ha dhihin shabaab waa iska fogeeyeen ??? Maxaa Caawa xalay uga eg ??? Hoteel Shaamuu ma ilowdeen Dec 4, 2009.
Shabaab tan oo kale ma qirtaan iyo Hoteel shaamuu haddii ay qirtaan waa laga soo kala cararayaa ,waanna lagu wada duulayaa ,ayagoon xataa haatan wax sumcad ah ku haysanin Soomaaliya.
Malaaqyaddaas Magacyadoodu waxay kala ahaayeen;
1) cusmaan maxamud cumar ( Goobaale).
2) Axmed mahad cali.
3) Xaaji Cumar shiikh.
4) Abukar mohamed Ahmed.
5) Nuur Sh Mohamed Abdullaahi
6) Mucaawiye shariif mohamed yarow.
7) Shariifoow Cali Aboowe
8) Caddow nuur mohamed .
Allaah Nabaddoonadaas Soomaaliyeed ha u naxariisto annagana gadaashood Allaah nama fidneeyo !!! Jannatul firdowsa Allaah ha ka waaabiyo .
Maqaalka waxaan ku soo gabagabeynayaa in Allaah na siiyo Xijaaj bin yusuf oo kale oo shabaabka wadankeena ka sifeeya ??? maxaa caawa xalay uga eg !!! godane ma u waayey Xijaaj !!!!.
Waa in xoogga Dalka Soomaaliyeed noo keenaan madaxa Axmed cabdi Godane iyo Fu,aad Shongale, Mukhtaar Rooboow , Cali dheere indho guduud, Abuu Muscab, Dulyadeen ,ina kaba jecel ,kaba ku tukade iwm .
Maqaalka qeybtiisa labaad waxaan ku soo qaadanayaa sida dawlladu ula dhaqantay Xasan Daahir Awees oo ahaa ninkii huriyey Dagaalkii Qarxay May, 2009 markii uu ka soo noqday Ereteriya , taas oo aheyd mid caddaallada ka fog ???!!!.
FII AMAANI LAAH .
Shiikh Sahid mohamed yusuf
USA, VA
sahidyusuf@yahoo.com.
AL-Mutakhasis fil xarakaat Al-islaamiyah .
(1) sheekooyinka xijaaj, shabiib ,fujaaiyah,Ashcath ka aqri Bidaayah wa Nihaaya sannadaha 73-85

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.