Xildhibaan Cabadiqaadir Cosoble Cali oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaki weyn geliyay Mandate ama waqtiga ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya ay ku joogaan.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay iska joogaan dalka Soomaaliya, laakiin aysan jirin waqtiga rasmiga oo Soomaaliya ay joogaan, taasi oo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyay.
Cosoble ayaa runta u sheegay xildhibaanada isagoo cadeeyay inay dhaqaale ku qaataan matalida shacabka Soomaaliyeed, laakiin aan loo baahneyn inaan laga warheynin waxyaabaha dalka ka dhacaya.
Wuxuu ka dalbaday gudoonka baarlamaanka Soomaaliya inay muhiim tahay in baarlamaanka Soomaaliya la horkeeno hishiisyada lala soo galo dowladaha caalamka, laakiin taasi aysan dhicin. Barlamanka oo sheegay in aysan talada dalka farahooda ku jirin
Shacab qaxay dagaalo howlgalo AMISOM muqaalDowladeed dadka dhibaateysan ee dhibaatadu ku dhacday magaalooyin badan dad ay ku dhiban yihiin
Amniga xaalada lagu jiro in si dhab ah looga hadlo su.aalo badan
Wax masuuliyiin ah oo la socdo ma jiraan waxba lagama oga
Sharciga dhismaha maamul goboleydyada in la iska magacaabanyo maamulo
Dhaqalaha xukuumada lama socono
Darajooyinka cidamada askarta hoaamisa dad lahysto ayaa la mid tahay
Xukuumad indha la. Oo aan waxba aqriyin
Awood qeybsiga Agaasimayaasha guud
Xildhibaanada barlamaanka Somalia ayaa sheegay in ay doonayaan in loo soo gudbiyo mushaaradka ay qaatan madaxda ugu sareeysa dalka.
http://www.youtube.com/watch?v=lYC8BJJXsjw
Xilidhibaan Cabdirashiid Xidig oo kamid ah mudanayaasha barlamaanka Somalia ayaa sheegay in ay wasaarada maaliyada xukuumada Somalia laga rabo in mudanayaasha ay u soo bandhigto mushaaradka ay qaatan madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud,Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheek Axmed Maxamed iyo gudoomiyaha barlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.
Xildhibaanada ayaa su’aal iska weeydiiyay in iyagu la qeexay muusharaadkooda waxa loo shaacin la’yahay lacagaha ay qaatan madaxda dalka.
Barlamaanka Somalia ayaa isaga waxaa uu todobaadkii hore uu bilaabay shaqadiisa caadiga ahaa waxana jirta in uu wado la xisaabtanka xukuumadani cusub oo iyadu soo magacaabisteeda timid waqtigii ay xildhibaanadu galayeen fasaxooda caadiga ahaa.
Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.