Home » Maqaallo »

XAGGEE MARAYAA DAYACTIRKA ISBITAALKA MAGAALADA GARBAHAAREY?

YAASE GACAN WEYN KA GEYSTEY?

 Isbitaalka weyn ee magaalada Garbahaarey ayaa waxaa haatan ku socda dayactir aad u ballaaran, kaasoo bilowdey bishii Febraayo ee ina dhaaftey, waxaanna Isbitaalku uu  ku fadhiyaa dhul aad u weyn oo ka kooban 35 qol iyo Saddex hool oo aad u weyn iyo 8 musqulood iyo waliba deyr ku wareegsan.

Isbitaalkaan ayaa waxaa horey u aasaasey dawladdii dhexe ee kacaanka ahayd, kal hore sanaddii 1987 dii, kaasoo ahaa Isbitaal loogu talagaley inuu metelo heer-gobol, hase yeeshee haatan u baahan dayactir aad u weyn oo ay ku bixi doonto ugu yaraan $380.000.

Haddaba waxaa in la xuso mudan in qiimaha lacageed ee aan kor ku soo xusey aanay haatan gacanta ku jirin, marka laga reebo lacag gaareyso  $50,000, taasoo ay uruuriyeen ama isu xilqaameen qaar kamid ah gabdhaha Beesha Sade, inkasta oo ay jiraan rag fara-kutiris ah oo lacagtaan wax ka bixiyey, haddana waxaa lacagtan inteeda badan bixiyey oo in lagu ammaano mudan, qaar kamid ah gabdhaha beesha Sade.

Dayactirka Isbitaalka haatan lagu bilaabey waa mid billow ah, oo u baahan in la dardar-geliyo, hase yeeshee haddii aan la dhameystirin lacagta inta ka dhiman, ay dhici karto in dayactirku istaago!  Sidaa awgeed, ayaa dhammaan Jaaliyadda Beesha Sade ee dal iyo dibadba, waxaa laga codsanayaa in ay gacanka geystaan, hawsha dayactirka ee haatan la bilaabey.

YAASE GACAN KA GEYSTEY?

Run ahaantii waa su’aal aad mihiim u ah oo in la is-weydiiyo mudan, si ciddii gacan ku lahayd ay taariikhdu u xusto, isla markaana waqabadkiisa loogu maamuso.  ciddii haatan dooneysa inay gacan ka geysatana ay u gasho diyaar-garoow xooggan.

Marka hore waxaa in loo mahadceliyo mudan cid kasta oo gacan ka geystaey hawshaan ballaaran ee haatan ka socoto Isbitaalka, xataa ha noqoto 1000 Shilin Somali ah.  Waa caadada aadamiga oo waa lama huraan, waana hab-dhaqan aad u wanaagsan in qof walba waxqabadkiisa lagu ammaano, si uu berri ka maalin u laba-laabo oo u qabto wax ka weyn.

Waxaa ammaan iyo bogaadin mudan cid walba oo u dhabar-adaygtey, waqtigooda qaaliga ahna u hurey, hirgilinta hawshaan ballaaran ee haatan ku socota Isbitaalka.

 

Haddii aan u soo laabto Jawaabta su,aasheydi ahayd, yaase gacanka geystey? ayaa aniga oo aan ka wada jawaabi karin su,aashaas, ayaa waxaa  oranayaa; waxaa gacan ka geystey cid walba oo dhaqaale ku bixisey, fikrad ku biirisey, waxaa sidoo kale xataa gacan ka geystey  shaqaalaha wada hawsha dayactirka, Mushaarba haku qaateene!

garbahaarey_hospital

Ma,aha wax qalin afkiis lagu soobi karo, shaqsiyaad aad u badan oo gacan ka geystey in la amba-qaado dayactirka Isbitaalkaan, laakiin waxaan jeclahay inaan xuso oo u mahadceliyo qaar ka mid ah gabdhaha beesha Sade! Waase kuwee?

Markii ugu horeyseyba hawsha dayactirka Isbitaalka waxaa hindisaheeda iyo uruurinteeda bilaabey gabdho dhawr ah oo aan hoos magacyadooda ku xusi doono, kuwaasoo ku midoobey magaca ah: Gedo relief, waxaanna ay weli gabdhahani ku guda jiraan hawshii uruurinta, iyagoo mid waliba meesha ay joogta ku ah wakiil ku guda jira hawshii lacag uruurinta.

1). Canab Cali Xaashi

USA

2). Asiili Xaashi Dhabba-caddeeye

USA

3). Sacdiyo Daahir- Jakam.

CANADA

4) Farxiyo Tima-jilic

5). Xabiibo-Cadar Maxamed Aadan

AUSTRALIA

6). Muraayad Maxamed Aadan

UNITED KINGDOM

7). Faadumo Cali Gurxan

UNITED KINGDOM

Haddaba markii ay gabdhuhu intaa qabteen oo ay isu keeneen lacagta hadda lagu bilaabey hawsha dayactirka Isbitaalka, taasoo laga soo uruuriyay qaar kamid ah jaaliyadda beesha Sade, ayaa waxaa ay gudaha dalka u dirsadeen gabar kamid ah, gabdhaha beesha, taasoo gudaha u qaaddey lacagtii la uruuriyey oo ahayd $50,000, waxaanna gabadhaasi magaceedu yahay, mahadi haka gaadhee: Saaqa-Luul Maxamed Aadan, waxaana ay Luul haatan ku hawlan tahay hawsha qeybteedi ugu mihiinsaneyd, waxaadna kala xiriiri kartaan Teloofoonka ah:  25261-7136428,

Fiira-gaar ah. Waxaa is xusuusin mudan in ay jiraan dad fara-badan oo hawshaan kaalin xoog leh ku leh, hasa yeeshee aan magacyadooda la wada qorin oo aan qalin lala wada gaarin, waxaanse halkaan ku xusey qaar kamid ah Gabdhaha beesha Sade oo hawshaan ka geystey kaalinta ugu mihiimsan.

Guntii iyo gaba-gabadii waxaan qormadaan ku soo af-meerayaa su’aal aad u weyn oo jawaabteedana wadata, taasoo ka duwan labada su’aalood ee kor idiinka muuqda ee aan qormadaan cinwaanka oga dhigey.

Hadaba su’aashu waxay tahay:  Yaa laga rabaa iney dhammeystirto qarashka dhimman ee la doonayo inuu ku baxo dayactirka Isbitaalka?

Mar haddii aaney jirin dawlad awood u leh in ay deegaanada Soomaaliya wada gaarsiiso adeegyada aasaaska u ah nolasha bulshada, waxaan filayaa jawaabta su’aashaan waa mid iska cad.  Sidaa awgeed ayaa dhamaystirka kharashka dhiman waxaa laga rabaa cid walba oo ku abtirsato deegaanka laga hirgelinayo hawshaan ballaaran , taasoo ah mid la qabto tan ugu kheyrka badan.

 

Daahir. F. Afdheere

Email.gulaan1969@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.