20 August Sannadkii 2012 ayay ahayd markii la dhaariyay tiradii ugu horeesay Xubnaha Baarlamanka Soomaaliyeed iyaga oo badalay Baarlamaankii ka horeeyay ee loogu yeerayay ku meel gaarka, waxaana Dulucda fariinta habeenkaasiay ahayd in meesha ay ka baxday Dowladdii KMG loona gudbay Dowlad aan KMG ahayd oo rasmi ah
Akristow haddii aan u soo dhaadhaco Sheekada waxa ay tahay Dowladda uu huggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, maalmo Tirsigigii ugu horeeyay jiritaanka Dowladdiisu waxa ay ku faanaysay in ay tahay Dowlad loogu yeero Dowladda federaalka Soomaaliyeed, waxaana ujeedka meesha ka muuqday uu ahaa in ay tahay mid qaadatay Hanaanka Federaalka ayna hirgelin doonto, sida Dadku ay u yeelan lahaayeen Maamul iyagu ay samaystaan ama soo doortaan ,xaalkuse hadda saas maaha waxa uu noqday mid ka fog sida la moodayey, waxaana Dowladdu ay wajahday marxalado adag oo xaalka ka dhigay mid laga shalaayay hanaanka Federaalka taasi oo cid walba oo Siyaasad doon ah ay meel la istaagtay tirina “ Waxaan nahay Maamul Goboleed waxaana noo ogol Dastuurka”
Caqabaddii ugu horeesay ee laga dhaxlay hanaanka Federaalka waxa uu Dowladda kaga yimid Magaalada Kismaayo halkaasi oo si sahlan ay kaga soo if baxday Dowlad Goboleedka Jubba Land,waxaase arintaasi ka horyimid Dowlada Soomaaliya oo ku sheegtay in uusan Waafaqsanayn Dastuurka sidaasina uu sharci daro ku yahay xaalkuse sidaasi kuma ekaan ee waxaa Magaalada ka bilowday ismagacaabidda Madaxwaynayaal kuwaasi oo dhamaantood xaalka ka dhigay mid abuurtay Deganaansho la ‘aan ugu dambayntiina keenay gacan ka ahdal dhiig ku daatay Dadka rayidkana ay ku Barakaceen.
Dowladdu xaalku wuu ku adkaaday waxaana Garoonka Kismaayo laga soo celiyo Wasiiro,Xildhibaano iyo Siyaasiin oo dhamaantood loo diiday in ay gudaha u galaan Magaalada,waxaana arinta Magaalada ay gacanta u gashay Hogaamiyaha Raas Kambuuniyiinta Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyada oo Dowladdu ay riyo ku noqotay Hamigeeda Federaalka una soo baxday xaal ka duwan waxa ay filaysay, waxaana muddo ismari waa ah kadib magaalada Adis Aabab ka bilawday shir aan rasmi ahaan la ogayn sida uu ku bilowday uu dhaxmaray Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Soomaaliyeed iyada shirkaasina uu ka soo baxay.
1- In meesha laga saaro Jubba land lagana dhigo maamulka ku meel gaarka Jubba.
2 -Seddex Gobol oo guud ahaan uu Madax ka noqonayo Axmed Madoobe
3-In Dowladda lagu wareejiyo ilaha Kheyraadka sida Dekadda iyo Garoonka dhamaantoodna Qodobadaa wali ma ahan kuwa Hirgalay oo hadda ma muuqato fulinta Heshiiskaasi.
Soomaalidu waxa ay tiraahdaa “Durbaankii la Xadaa Goob lagu Ciyaaro ayuu rabaa” maxaa ka dhacay Baydhabo,maalmo kooban ka dib,waxaa ka furmay Shir kaasi oo looga soo horjeedo heshiiska Dowladda Soomaaliyeed ay la gaartay Axmed Madoobe iyada oo shirkaasi ay ka dhex muuqdeen Xildhibaano iyo Siyaasiin caan ah, waxaana Magaalada Baydhabo gaaray “Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari waxa uuna shirkaasi looga hadlayay maamul u samaynta lix Gobol waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka uu halkaasi ka sheegay in si Miyir qabto loo Feeriyo waxa la samaynayo laguna saleeyo Dastuurka”.Hadda Baydhabo waxa ay leedahay laba Madaxweyne Magaaladana waxa ay u muuqataa xaalku uu yahay mid adag oo meelaha qaar Banaanbaxyo ka socdaan.
Dowladda Soomaaliya hadda waxa ay waddaan howl galo deegaano badan looga saaray Al Shabaab waxaase meesha ka muuqata in deegaanadaasi ay hadda ka soo muuqanayaan Siyaasiin iyo Maamulo ismagacaabay,kuwaasi ku dooday Qodobo Dastuuri ah, taasi oo ka dhigan in meeshaa la qabtaa loo qabanayo maamul Goboleedyada xilligan ka jira meelo badan,Dowladda Soomaaliya, hadda waxa ay lumisay Kismaayo,Baydhabo oo leh laba Madaxweyne, Gobolada dhexe Ahlusnna Waljameeca,Galmudug oo hadda dhaliilo qabto iyo Puntland oo arinteeda aan weli si rasmi ah meel aan la wada dhigin iyo Soomaaland oo uu Xaalkeedu yahay “Budo Gooni u Tuman”
Yaa lagala Wareegay yaase lagu Wareejiyay Deegaanada ay Ciidamadu ay qabteen waa midda xilligan u baahan Jawaabta ?
Dr Cabdishkuur Shiikh Xasan oo aan arimahn kala sheekeeystay waxa uu ii sheegay in Dowladdu ay ka gaabisay Doorkeedii loo baahnaa , waxa uuna intaasi ku daray “ in Dastuurka uu yahay hadba sida loo isticmaalo balse xilligan uu yahay mid Soomaaliya aan xal u ahayn,asaga oo ku sababeeyay in arintu aysan caddayn Federaalkana uu yahay mid ay qaataan Dadka kala duwan balse Soomaaliyana laga samayn karo haddii la caddeeyo qaabka”.
Xildhibaan Shariif Maxamed Cabddalla oo aan arimahan kala sheekaystay waxa uu sheegay in federaalku uu yahay deegaan ku wada noolaansho balse aysan ahayn qabiil ku wada noolaasho,waxa uuna inta badan arintan uu ku sheegay in ay ka gaabisay Xukuumadad Soomaaliya oo looga fadhiyay in ay la timaado qorsho cad oo lagu Maamulo Siyaasadaha xilligan taagan oo abuuray Barakac iyo dhibaatooyin deegaanka ka taagan.
Ugu dambayntii Federaalku ma caqabad baa ,mise sida xalka ahayd ayaan loo baadi goobin, xilliganse maxaa kaga aadan Dowladda Soomaaliyeed in ay ka samayso wadadaan Qodxaha badan ee ku hor gudboon, mar haddii Dalku uu hadda marayo 7 Madaxweyne halka Somaliland ay tahay mid aan Xal laga gaarin marka soo ma Dhihi karno “ Faderaalka ma Faaiidaa laga heley mise Fowdo”
Abdulqaadir Maxamed Cabdulle (Cabduqaadir OK)
E-Mail Abdulqaadir20112011@hotmail.
Tel 00252615531581
Tel 00252691010100
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.