Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyey falkii lagu laayay odayaasha dhaqanka ee nawaaxiga Buur-hakaba

iyo Golaha Wasiirada oo meel mariyay Miisaaniyad sanadeedka 2014-2015 oo cadadkeedu dhan yahay 218 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, una badan filashada dakhliga gudaha ee dalka…

Warsaxaafadeed

Muqdisho, March 24, 2014—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyey falkii foosha xumaa ee lagu laayay odayaasha dhaqanka kuwaasoo lagu dilay nawaaxiga Buur-hakaba ee gobolka Bay iyaga oo ku sii jeeday guryahoodii.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falkani uu yahay mid aan sal iyo raad ku laheyn Diinta islaamka, dhaqanka Suuban iyo Bani’aadanimada, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen odayaashan.

“Waa fal aad u naxdin badan, waxaana geystay kooxo manaxayaal ah oo aan laheyn damiir islaanimo iyo mid Soomaali-nimo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo carabka ku adkeeyey in la dabageli doono dhagarqabayaashii falkan geystay, lana hor keeni doono Cadaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Hogaamiyeyaasha dhaqanku waxay hormuud u yihiin nabadda iyo dib u heshiisiinta dalka, waana halbowlaha bulshada Soomaaliyeed, waxaana ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan dhagar qabayaasha dhiigooda baneystay”.

Warsaxaafadeed
Golaha Wasiirada oo meel mariyay Miisaaniyad sanadeedka 2014-2015

Muqdisho, March 24, 2014—-Golaha Wasiirada ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo lagu soo bandhigayay Miisaaniyad sanadeedka 2014-2015, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli SHeekh Axmed Maxamed.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay qodobo kale oo ay ka mid aheyd falkii lagu laayay odayaasha dhaqanka ee nawaaxiga Buur-hakaba ee gobolka Bay.

Ugu horeyntii Agaasimaha Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda Axmed Cabdi Aadan (Iraad) ayaa sharaxaad dheer ka siiyay Golaha Wasiirada ee xukuumada qaabka qorsheedka Miisaaniyadda dawladda ee 2014-2015.

somali44

Dood dheer kadib, golaha Wasiirada ayaa mariyay Miisaaniyad sanadeedkan oo cadadkeedu dhan yahay 218 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, una badan filashada dakhliga gudaha ee dalka.

Miisaaniyaddan golaha Wasiiradu meel mariyeen ayaa la filayaa in loo gudbiyo golaha Baarlamaanka si ay uga doodaan kadibna u ansixiyaan.

Dhanka kale, golaha Wasiirada ee xukuumada Federaalka ayaa cambaareyn u jeediyay falkii lagu laayay odayaasha dhaqanka ee lagu dilay nawaaxiga Buur-hakaba ee gobolka Bay, waxayna tacsi u direen qoysaska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen odayaashaasi.

Garad Salad Hersi

Senior Press officer, PM office

Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.