Home » Warar »

Dalada Suxufiyiinta Qorahay Media oo cambareeyay Xukuumada Itoobiya.

Wariye Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Aweys Muudeey (Boqorka Badhtamaha) oo ah wariye caan ka ah Soomaaliya mudobadan u soo shaqeeyay saxaafado kale duwan gudaha Soomaaliya ayay Xukuumadda Itoobiya ku xukuntay 27 sano oo xadhig ah ayaga oo aan u haynin wax dambi ah oo uu galay Wariyahaas oo si qoxootinimo ah ku joogay Itoobiya.

Daladda Suxufiyiinta Qorahay Media ayada oo tixgalinaysa xoriyadda uu qofka saxafigu u leeyahay in uu si xog ah u hadlo, dhawraysanaya xeerka caalamiga ee xoriyada qolka waxaan u aragnaa in ay Itoobiya si weyn ugu xad gudubtay nadaamkaas, oo ay gabi ahaanba jabisay.

qoraxay

Guud ahaan dalka Itoobiya oo aan ka jirin saxaafad xor ah ayaa hadana macaamiil la leh aduunka intiisa kale, qofka saxafiga ah ee Itoobiya ku nool wuxuu ku qasban yahay in uu tabiyo waxay dawladu raali ka tahay khalad & saxba hadii uu fulin waayo waa la xidhayaa taas oo ka hor imanaysa nadaamka caalamiga ah.

Cambareyn:

DSQM Waxay si kulul u camaaraynayaa xukuumada Itoobiya ee ku dhaqanta nadaanka gaboobay ee Milatariga kuna tumata xoriyadda qowlka in ay si shuruud la’aan ah u sii dayso Wariyaha Soomaaliyeed ee dalkeeda jooga.
Waxaa kale oo aan Cambaaraynayaa dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo aan midaysneeyn ayaga oo kala socda oo midba meel lagu dilaya Waxaana leenahay waa in aad mid noqotaan oo hal dalad ah yeelataan.

Baaq:

Ururku wuxuu baaq u diraynaa Dawladda Soomaaliya & Hay’adaha Xuquuqul insaanka in ay muwaadinka Soomaaliyeed arintiisa la faragaliyo ee ay Itoobiya 27 sano oo xadhig ah ku xukuntay Dalada Suxufiyiinta Qorahay Media wuxuu Baaq u dirayaan dhamaan Ururada Suxufiyiinta Caalamka in ay Cambaareyaan, muujiyaana dareenkooda sida ay uga xunyihiin.

Ugu dambayntiintii waxaan leenahay gacmo wada jirbay wax ku qabtaan inta qalinka ku dagaalamaysa waa in ay ogaadaan in ay hal cadow ah leeyihiin, waana in ay midnimadooda muujiyaan Dalada Suxufiyiinta Qorahay aad ayuu u soo dhaweynayaa midnimada & isku xidhnaanta.

Dalada Suxufiyiinta Qorahay Media
qolmedia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.