Home » Warar »

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Faarax oo ka Hadley Dhibaatada ka imaan karta Arrimaha Federaalka.

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Faarax oo ka mid ah Ugaasyada sida weyn looga yaaaan Soomaaliya ayaa waxaa uu ka waramey Xaalada Wadanka haatan uu marayo iyo sida looga bixi karo, waxaa uu farta si gaar ah ugu fiiqey Dhibaatda ka imaan karta arrimaha Federaalka uu u leeyahay Ummada Soomaaliyeed waxaana uu yiri” Markii ay dhacadey Doorashadii Sannadkii 2004 ee lagu doortey Cabdulaahi Yuusuf waxaana Khudbad ka jeediyey Baarlamaankii Xiligaas jirey , waxaana u sheegey in Dhibaato ay keeneyso hadii Federaal aad Aqbashaan , ma jirto Qaab ay Soomaali ku qaadan karo Federaal” waxaa uu sii raaciyey

“ Waxaan sidaa u leeyehay Hogaankii Dalka ma ihi ee waxaan ahay Hogaan Dhaqan muddo dheer Maamul soo hayey , Ciidamada ka mid ahaa , hadana Shaqaale Dowle soo noqdey , waxaan akhriyey iyo waxaan dhageysteyba ma helin Soomaali oo Hal Qoys ah in maanta Federaal loo Googooyo , waxaana is leeyahay waa dhibaato weyn oo Ummada soomaaliyeed ku habsatey waana arkii doontaan Laba federal oo isku qabsadey Degaankaan anaa leh iyo anaa leh ”

“ Waxaan nahay Dad isku Diin ah, isku Af ah isku midab islamarkaana isku Dhaqan ah , waxayna ka Mideysan tahay Dhinac waliba sidaa darteed ma haboona in qaab Federaal ah loo googooyo ummada Soomaaliyeed , Go;aanka waxaa leh Maamulka sare ee Dowlada iyo Baarlmaanka, waa talo Odey dhaqan oo aan soo jeedinayo “ waxaana intaa ku darey
ugaas
“ Haddii Dalkii Federaal loo qaybiyey oo la ogolaadey , maxaa diidaya in Soomaaliland in loo Ogolaado Madaxbanaani , waxaa ogtihiin markii Koonfurta uu dhibka ka dhacay ee ay kala qaxdey,waxaa lagu fakadey oo lagu Badbaadey Soomaaliland iyo Pundland iyadoo dadka reer Koonfureedka ah ee ku qaxay labadaa meelood ay ka badan yihiin kuwii Goboladaas u dhashey sidaa datweed waxaa ila haboon in talada wax laga siiyo odoyaasha Dhaqanka si looga badbaado Dhbaatada Federaalka.

WD Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.