Home » Warar »

Mustaf Bashiir Goobdoon oo Faahfaahin ka bixiyey Waxqabadkii Hayadaha Samafalka ee Swiss-Kalmo iyo New-Way

Hayadda Swiss-Kalmo IYO New-Way waxay ka mid ahaayeen Hayadihii Fara ku tiriska ahaa ee Shacabka Soomaaliyeed u soo gurmadey Sanadihii Dagaalada Sokeeye ay ka jireen Wadanka Soomaaliya , waxay Hayadahaan Xiligaas Xooga Saareen in Gobolo Soomaalieed ay ka fuliyaan Mashaariic Isugu jirtey Caafimaadka , Waxbarashada , Biyaha iyo in ay Gacan siiso dadka Tabaaleysan , waxaana Hayadahaas ka si weyn u soo Dhaweeyey Shacabka Soomaaliyeed

Nasiiibdarro waxaa Sannadkii 2002 Magaalada Marka ee Gobolka Shabeeladda Hoose lagu Diley Haweeneydii Waqtigaas Madaxda ka ahayd Hayadda New –Way taasoo ay si aad ah uga Xumaadeen Dhamaan Bulshada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan , kuwaa oo Deegaanada ay Hayadahaas ka Howgali jirey ay ka dhigeen Banaaxayo looga soo hoorjeedo Dilkaas kuwaa oo Dalbanyey in Cadaaladda la horkeeno kuwii Dilkaas ka dambeeyey

Mustaf Bashiir Goobdoon oo Xiririyaha Dhinaca Samafalka ee ee hayadaha Swiss Kalmo iyo New-way iyo Xiiririyaha Ururka Somali Diaspora ee Dalka Switzerland ayaa waxaa uu Faahafaahin uu ka bixiyey Waxqabadkii hayaddahas Swiss Kalmo iyo New-way waxaana uu yiri “ markii la diley Haweeneydii Madaxda ka ahayd ee Vreni Krer ayaa Maamulkii iyo Eheladii Haweeneydaas waxay Go’aan ku gaareen in la sii Waddo howlahii Samafal ee Hayadahaas “ waxaa uu sii raaciyey

“Go’aankaas ay Hayaduhu ku gaareen in ay sii wadaan Howlahii Samafal ee ay Gobolada Soomaaliya ka wadeen taasoo ay Hayadahaan uga Duwan yihiin Hayadaha kale waayo hayadahaas haddii ay waxyeelo soo gaaraan markiiba dalka waa isaga Cararaan oo dib uguma soo laabtaan marka Hayadahaan Swiss –Kalmo New Way ku tilmaami karaa mid ay ka Go’an tahay wax u qabashada Ummadda Soomaaliyeed “

Mustaf Bashiir Goobdoon mar uu ka waramayey Howlaha Samafal ee ay Hayadahaan Swiss Kalmo iyo New way ka wadaan Soomaaliya waxaa uu sheegey in ay ka howl bilaabeen markii ugu Horeysey Gobalka Shabeeladda Hoose 1994 waxayna ka shaqeeyaan Dhinacyada Caafimaadka iyo Waxbarashada iyo u Gargaarida dadka Danyarta ee degan Baadiyaha ee aan awood u helin soo gaaritaanka Isbitaalada ayay igu tagaan halkooda.

somali42

Xiriiriyaha waxaa uu sheegey in Hayadahaas markii Dambe ay isku Balaariyeen Gobolada Soomaaliya iyagoo Howlo Samafal ka bilaabeen Gobolada Shabeeladda Hoose Bay , Gedo , iyo Galgaduud isagoo sheegey in Hayadahaan Mastaqablka ay Howlaha Samafalka ay gaarsiiyaan Gobolo kale si dadka halkaa ku nool looga taakuleeyo dhinaca Caafimaadka,Waxbarashada , Biyaha iyo taakuleynta dadka Danyarta ,

Mar uu ka waramayey Caqabadaha ka Hor yimid Howlahooda Samafal , waxaana uu sheegey in Taa ay kala mid yihiin Hayahada kale ee Dalka ka Howlagala hase yeeshee waxaa uu sheegy in Caqabada haatan na haysta waa iyadoo Deegaanada ay ka Howgalaan Hayadahaas aysan tagin Dadka Shisheeyaha ah balse Muqdisho mar mar u yimaada sidii ay u ogaan lahaayeen baahida Hayadahaas islamarkaa ay u dhiiri gelin lahaayeen Shaqaalaha Soomaalida .

Ugu Dambeyntii waxaa uu Mustaf Bashiir Goobdoon u soo jeediyey Dowladda Federaalka iyo Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Switzerland in ay Dadaal u galaan sidii Safiir Buuxa loogu Magacaabi lahaa Dalka Switzerland maadaama Eregey (Envoy) uusan wax Faaiido ah ugu jirin Ummadda Soomaaliya islmarkaa Ergeyga ay Awoodiisa Dibolomaasiyadeed ama Dhaqdhaqaaqiisa uu sheegey in ay u aad u yar tahay halka Safiirka uu sheegey in uu yahay Dibolomaasi Buuxa oo wax badan u qaban kara Ummada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Switzerland.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.