Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya iyo Safiirka Britain oo ka wada hadlay gurmadka iyo xasiloonida goobaha laga xoreeyay Nabad-diidka.

Warsaxaafadeed, — Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka
Soomaaliya ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi
Maxamed ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka dawladda Britain ee
Soomaaliya Neill Wigan, waxaana ay ka wada hadleen gargaarka
bani’aadanimo ee la gaarsiinayo dadka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay
Nabad-diidka iyadoo Britain ay kamid tahay dawladaha ka qayb-qaadanaya
gurmadka iyo xasiloonida goobahaasi.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Ridwaan ayaa sheegay in
xubno kamid ah Golaha Wasiiraada ay booqdeen magaalooyinka laga
xoreeyay Nabad-diidka Alshabaab si ay uga qayb-qaataan in ay ka
caawiyaan bulshadda deegaanadaasi xasiloonida iyo adeegyada kale ee
dadweynuhu ay u baahan yihiin.

“Magaalooyinkaasi waxaa ka socda gurmad baaxad leh oo bulshada
caalamku ay qayb ka tahay. Waan sii xoojin doonnaa gurmadka iyo
dhismaha hay’adaha dawladda iyadoo ay nagala shaqayn doonaan qaybaha
kala duwan ee bulshada.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka
ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta .

Ugu danbayntii Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji
Cabdiwali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xubno ka tirsan
Golaha Wasiirada ay socdaal ku tageen goobaha laga xoreeyay
Nabad-diidka si ay kaalin muuqata uga qaataan gurmadka iyo xasilinta.

somali40

16/03/2014

Garaad Salaad Xirsi
Senior Press Officer, OPM
E: media@opm.gov.so
@SomaliPM

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.