Home » Warar »

Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo weli ku mashquulsan bixinta lacagtii shacabka uga xayirana shirkadii Albarakat

Munaasibad lagu soo dhaweeyey ka qaadista hayiraadii saarneyd

Xaflada laga soo dhaweynayay xayiraadda ay Qaramada Midoobay ka qaaday Ganacsadaha Caanka ah ee Axmed Nuur Cali Jimcaale isla markaana ay ka soo qeyb galeen Siyaasiyiin, Waxgarad, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Maanta waxa ay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Max’ud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyihii Hore oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii ka soo qeyb gashay Munaasabadda ayaa sheegay in Xayiraadda laga qaaday Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale ay tahay mid Muhiimad gaar ah u leh Bulshada Soomaaliyeed isagoo ku dheeraaday waxqabadkii shirkadda Barakaat oo dhawaan iyana Xayiraadda laga qaaday.

C/llaahi Xuseen Kaahiye oo ku hadlayay Magaca Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa waxa uu uga Mahad Celiyay Bulshada Soomaaliyeed qaabka ay u Muujiyeen Dareenka Farxadeed ee ku aadan Xayiraadda laga qaaday Axmed Nuur Cali Jimcaale wuxuuna sidoo kale u Mahad Celiyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo uu sheegay in ay kaalin weyn ka geysteen Xayiraadda laga qaaday Ganacsadaha.

Xubnaha ka qeyb galay kulankaas khudbadahana ka jeediyey ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha Odayaasha Hawiye Maxamed Xasan Xaad, nabadoon Axmed Diiriye Cali, gudoomiyaha ururka Qaranka haweenka Soomaaliyed Batuulo Axmed Gabale, gudoomiyaha haweenka G/Banaadir Jawaahir Baarqab, , Gudoomiyaha Olombikada Soomaaliyed C/llaahi Axmed Tarabi, Xaliimo Imaan Xasan Jiirow, Ganacsade Maxamed Cumar Cadaan, Iimaanka KMG ah beelaha Hiraab Islow Maxamed Yuusuf, Suldaan C/llaaahi Kibaar Faarax, Suldaan C/llaahi Jaamac Seed Boqor Faarax Cabdi Guure, Aamino Xaaji Cilmi, Caasho Warsame Buraale iyo qaar kale oo badan.

Ka soo qeyb galayaashii xaflada ayaa u mahad celiyey madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo mudadii Ganacsade Axmed Cali Jimcaale ay saarneyd xayiraada dejiyey dalkiisa isla markaana ku soo dhoweeyey, sidoo kalena beesha caalamka kala hadlay sidoo xayiraaadaas loo qaadi lahaa.

tan iyo intii xayiraadu saarneyd Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale wuxuu lacagtii shacabka uga xayirantay ka bixinaayey tiisa u gaarka aheyd waxaana weli warbaahinta ay sii deysaa ogeysiisyo ku saabsan hadii ay jiraan dadkale oo lacago ku leh taasi oo rajo fiican galisay macaamiishii shirkadii albarakaat

Maalmo ka hor ayaa golaha amaanka ee QM war ka soo baxay waxaa lagu sheegay in xayiraadii dhinaca safarka laga qaaday ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale, waxaana arintaas si diiran u soo dhoweeyey qeybaha bulshada Soomaaliyed.

somali41

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.