Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeybgalay aaska Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec

Ra’iisul Wasaare-kuxigeenka oo la kulmay mas’uuliyiinta Ururada hoos yimaada Ururka Iskaashiga Islaamka ….

Warsaxaafadeed
Aaska Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec

Muqdisho, March 16, 2014—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka qeybgalay aaska marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo ahaa Fanaan caana ah oo si weyn looga yaqaano dalka, kaasoo u geeriyooday xanuun asiibay.
somali39
Meydka Marxuumka ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka Aadan-cadde iyadoo sidoo kalena ay diyaarada ku wehliyeen qaar ka mid ah qoyska marxuum Tubeec, waxaana salaada Janaasada lagula tukaday dugsiga tababarka ciidanka Boliiska ee General Kaahiye.

Sidoo kale, aaska ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xersi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sh. Cali Dhuxulow, Wasiirka Duulista Hawada Siciid Qoorsheel, Wasiirka Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiir kuxigeeno, Fanaaniin, Abwaano iyo taageerayaal kale.

Aaska kadib Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa u duceeyay Fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxuuna alle uga baryay inuu u dambi dhaafo, janadiisana geeyo.

“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan shacabka iyo Fanaaniinta Soomaaliyeed ee uu ka baxay fanaankeena qaaliga ah. Tubeec waxa uu ka mid ahaa fanaaniinta hal doorka ah wuxuuna caan ku ahaa dareen wadaniyadeed iyo wacyigelinta bulshada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh.
Garad Salad Hersi

Senior Press officer, PM office

Mogadishu, Somalia

Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaare-kuxigeenka oo la kulmay mas’uuliyiinta Ururada hoos yimaada Ururka Iskaashiga Islaamka

Muqdisho, March 16, 2014—–Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xersi Maxamed ayaa la kulmay xubno matalayay hay’addaha iskaashiga la leh ururka iskaashiga Islaamka, waxaana kulankan looga hadlay sidii loo gaarsiin lahaa gobolada la xoreeyey mashaariicda horumarineed ee ururka iskaashiga islaamku bixiyo soona marsiiyo hay’addahan gudaha ka howlgala.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre iyo Wasiirka Caafimaadka Axmed Maxamed Maxamuud, waxa uuna Ra’iisul Wasaare kuxigeenku kula dardaarmay howlwadeenada hay’addani inay shacabka uga faa’iideeyaan fursada muuqata, maadaama degaanada dhowaan laga saaray kooxaha nabadiidku ay ka jirto baahi weyn oo dhanka Raashinka, Biyaha, caafimaadka, waxbarsahada iyo adeegyada kale ee aas-saasiga ah, loona baahan yahay in hay’adduhu ay daboolaan baahiyahaas.
somali38
“Shacabku maanta ayuu ugu baahi badan y ahay taageeradiina, waana inaad si dhaqso leh u gaartaan degmooyinka iyo gobolada la xoreeyey” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudanen Ridwaan Xersi Maxamed.

Dhanka kale, howlwadeenada iyo madaxda hay’addahan xiriirka la leh ururka iskaashiga Islaamka, ayaa balan qaaday inay sii laban laabi doonaan dadaalkooda ku aadan gaarsiinta gargaarka ee dadka u baahan, ayna uga faa’iideyn doonaan shacabka fursadaha iyo mashaariicda kala duwan ee ururku bixiyo.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office

Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.