Home » Warar »

Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad Ee Baarlamaanka Oo Kampala Aqoon Kororsiyo Kala Duwan Kusoo Xiray

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta magaalada Kampala aqoon
kororsiyo kala duwan ugu soo xiray guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya iyo howlwadeennada Wasaaradda Caafimaadka Dowladda
Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka qaarkood.

Gelinkii hore ee maanta Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Gudoomiye ku xigeenka
Koobaad ee Baarlamaanka waxa uu aqoon kororsi socday mudo Afar cisho ah
usoo xeray Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka kaasi oo ay fududeysay
hay’adda AWEPA islamarkaana la xiriiray ballaarinta iyo hormarinta howlaha
guddiyada joogtada ah waxaana uu ku tilmaamay Gudoomiyaha aqoon is
weydaarsigan mid wax weyn kusoo kordhin kara howlaha Baarlamaanka.

Gelinkii dambe ee maanta oo jimce ah ayuu dhanka kale Gudoomiye ku
xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar waxa uu
Siminaar uu socday mudo Shan cisho ah usoo xeray Mas’uuliyiin iyo
howlwadeenno ka socday Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka iyo
maamul goboleedyada Somaliland iyo Puntland ayadoo siminaarkan oo ku
saabsanaa qorshe howleedka Wasaaradda Caafimaadka ay Wasaaradda ka
taageereen qabsoomidiisa hay’adaha UNICEF iyo WHO.

Gudoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya Dr Cusmaan Maxamuud Dufle oo khudbad ka jeediyey munaasabadda
siminaarkan lagu soo xerayey ayaa ugu horeyn tilmaamay inuu aad ugu
faraxsanyahay ka qeybgalka Munaasabadda waxaana uu ballan qaaday in
guddigooda uu Wasaaradda ku garab siinayo fulinta qorshe howleedka ay
dejisteen oo siminaarka qeyb ka ahaa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ahna ku simaha Wasiirka Mudane
Axmed Aadan Axmed oo isaguna khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa faah
faahiyey qorshaha Wasaaraddu ay u dejisay hormarinta Caafimaadka Dalka
waxaana uu ka codsaday Baarlamaanka iyo Gudoonkaba iney ku gacan siiyaan
kulana xisaabtamaan fulinta qorshahan.
somali36

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane
Jeeylaani Nuur Iikar oo khudbaddii ugu dambeysay ee munaasabadda jeediyey
ayaa uga mahad celiyey Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha lasoo qaban
qaabiyey siminaarkan waxaana uu dhanka ballan qaaday in ka Baarlamaan
ahaan ay si gaar ah howlahooda iney fuliyaan ugu garab siiyaan
Wasaaraddaha Arrimaha Bulshada ka shaqeeya oo caafimaadka uu ugu
horeeyo,lana xisaabtami doonaan.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.