Home » Warar »

Sheikh Axmed Nuur Cali Jimcaale oo soo Dhaweeyey Go’aankii Qaramada Midoobey uga qaadey Xayiraada.

Sheikh Axmed Nuur Cali Jimcaale Madaxii Shirkaddii Barakaat ayaa soo dhaweeyay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Xayiraaddii uga qaaday dhaq dhaqaaqiisii Hantiyeed iyoXayiraddii dhinaca Safarada ka saarneed. Jimcaale oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay Seddax iyo Toban Sanno kaddib in laga qaado Xayiradii Saarneed Hantidiisii iyo tii uu u hayay Dadka isagoona sheegey in go’aankaasi uu yahay mid si weyn loogu farxo.
sheekh
“Seddax iyo Toban Sano oo Xabsi ah waad dareemi kartaa Saameynta ay kugu reebi karto” ayaa Shiikhu yiri isagoona ku tilmaamay Xayiraadaas mid si weyn wax ugu dhintay Hantidiisii iyo dadka u hayay. Madaxa Shirkaddii Barakaat ayaa ballan qaaday in Shirkaddiisu dhamaanba ay bixin doonto Hantidii ay u haysey Dadka isagoona raja wanaagsan ka muujiyay marba haddii loo fasaxay Hantidii ka xayirneed inay dib ugu celinayaan dadkii Hantidaas lahaa

Shirkaddii Barakaat ayaa Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay Xayiraad ku soo rogtay ka gadaal markii lagu eedeeyay Taageero dhaqaale oo ay siisay Al Qaacidda weerarkii Maraykanka ka dhacay 11kii September Sanadkii 2001dii.Si kastaba Shirkadda Barakaat ayaa waxa ay ka mid ahayd Shirkadaha waa weyn ee Xawaaladaha ee dalka taasoo sumcadeedii ay wiiqantay ka gadaal markii xayiraad lagu soo rogay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.