Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo dhoweeyay Warmurtiyeedka kasoo baxay shirweyanaha aan caadiga ahayn ee Madaxweynayaasha Urur Goboleedka IGAD.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:

13th March 2013

Addis Ababa, Ethiopia

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo ka qaybgalay Shirweynaha 25aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxweynayaasha Urur Goboleedka IGAD ee maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa soo dhoweeyay taageerada loo fidiyay dalka Soomaaliya iyo heshiiska Koonfurta Suudaan, waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadda , looguna gurmado dalkaasi oo cunno-yari ay soo wajahday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii kulankan uu socday usoo bandhigay Madaxdweynayaasha Urur Goboleedka IGAD xaaladda dalka Soomaaliya iyo dadaalka ay Xukuumaddiisu ugu jirto soo celinta xasiloonida dalka. Waxaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ka warbixiyay howlgaladda ay ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom ku xoreeyeen magaalooyinka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo sida ay uga go’antahay in gabi ahaanba lasoo afjaro dhamaan goobaha ay kooxaha Nabad-diidku kaga sugan yihiin gobolada Soomaaliya.

“Urur Goboleedka IGAD waxaa uu kaalin muuqata ka ciyaaray wadaxaajoodka iyo talaabooyinka lagu doonayo in lagusoo afjaro colaada ka taagan gobolka, gaar ahaana xasiloonida Soomaaliya iyo ka hortagga colaadda Koonfurta Suudaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

“Soomaaliya waxaa ay khibrad u leedahay dhibaatooyinka ay gaajada iyo macluushu ku leedahay dal iyo dadkiisa haddii aan si deg deg ah looga hortagin. Waxaan ku baaqayaa in si habsimi ah looga jawaabo dhibaatadaasi cunna-yarida ah, haddii aan laga la isku xilqaaminna waxaa ay isu badalaysaa musiibo bani’aadannimo. Dhamaan dhinacyaddu waa in ay aqbalaan in si nabadgalyo ah loo gaarsiiyo gargaarka bani’aadanimo dadka dhibaataysan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo tusaale u soo qaatay dalka Soomaaliya.

Shirkan Urur Goboleedka IGAD oo ay ka qaybgaleen dhamaan madaxweynayaasha dalalka ku bohoobay IGAD iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa gabagabadii waxaa shirka kasoo baxay warmurtiyeed looga hadlay xaaladda dalka Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliyana uu soo dhoweeyay warmurtiyeedkaasi iyo go’aanada kasoo baxay shirka.

Qodobada looga hadlay warmurtiyeedka IGAD ee Soomaaliya:

Qodobkiisa 20 aad waxaa lagu bogaadiyay horumaradda laga gaaray howlgaladda lagula dagaalamayo Nabad-diidka Al shabaab; Waxaa si kulul loogu cambaareeyay dilka ay kooxda Al Shabaab iyo Maleeshiyaadka kale ay u gaystaan dadka rayidka ah; waxaana loogu baaqay dalalka ka caawinaya Soomaaliya xasiloonida in ay si habaysan ay u fuliyaan howlgaladooda:

Qodobka 21 aad Ayaa lagu looga codsaday Urur Goboleedka IGAD, dawladaha daneeya Arimaha Soomaaliya iyo beesha caalamku in ay ka caawiyaan Soomaaliya dadaalada lagu dhisayo maamuladda goobaha la xoreeyay.

Qodobka 22 aad ayaa loogu baaqay Urur Goboleedka IGAD iyo beesha caalamka in ay taageeraan dadaalada xoogan ee lagu dhisayo, laguna xoojinayo ciidan Soomaaliyeed oo xirfad leh iyo in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay Al Shabaab.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Government Spokesperson
Prime Minister’s Media Office
Addis Ababa, Ethiopia
Tel: +447841821613
Email: media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM @Ridwaanhaji

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.