Home » Warar »

Madaxweynaha DFS “Soomaalia waxay leedahay xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika waa ineynu baranaa sidii aanu uga faa’iideysan lahayn iyo sidii aanu u difaacan lahayn”

Warsaxaafadeed

Madaxweyne Xasan Sheekh “Qorshaheennu wuxuu yahay in aan doorano meelaha aanu dooneyno in Dowladdu Japan naga caawiso”

Japan-Maarso 12-2014-Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalntii labaad booqasho ku jooga dalka Jaban ayaa maanta tegay Dekadda magaalada Yokohama ee Dalka japan.

Madaxweynana Xasan Sheekh Maxamuud oo tegay xarunta ciidamadda Ilaalada Xeebaha dalka Japan ee ku taala gudaha Dekadda ayaa halkaasi warbixin ku aadan qaabka loo tababaro ciidamada iyo sida ay u howlgalaan ku siiyeey saraakiisha ciidamada ilaalada Xeebaha dalka Japan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa maanta booqday Xarunta Hey’ada Japan u qaabilsan Badaha ( Nippon Foundation) isla-markaana kulan la qaatay Madaxda Hey’ada“Qorshaheennu wuxuu yahay in aan doorano meelaha aanu dooneyno in Dowladdu Japan naga caawiso, Soomaalia waxay leedahay xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika waa ineynu baranaa sidii aanu uga faa’iideysan lahayn iyo sidii aanu u difaacan lahayn” ayuu yiri Madaxweynahu.
japan5
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa loo sameeyey casho sharaf ay ka qeyb galeen, Wakiilka Dowladda Japan u qaabilsan Wadamadda Afrika, Xildhibaano ka socday Dolwadda Japan iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkan Japan. DHAMMAAD

Shador Haji Mohamud
Press Officer
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
E 1: shadorhaji@presidency.gov.so

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Japan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay la socdaan Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiradda Howlaha Guud iyo Dib-udhiska Nadiifa Maxamed Cusmaan ayaa maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada Dalkan Japan kulan kula qaatay dhigiis dalkan Japan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa dalkan Japan Mr Fumio Kishida ayaa ka wada-hadlay xiiriirka labadda Dowladdood iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dalka.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa yiri “Dowladda Japan in muddo ah ayey caawineysay Soomaaliya ha ahadeen arrimaha gar-gaarka iyo la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya,iyo waxaaannu ka wada hadalnay sidii aynu u xoojin lahaayeen tageeradda iyo qaabka ay uga qeyb-galayaan mashaariicda horumarinta dalkeenna” ayuu yiri Mudane Ducaale.

Ugu dambeyntii Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Duceele ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya dadaal xoog leh ugu jiro sidii xoojinta kalsoonida Dowladda Soomaaliya iyo Beesha caalamka.

Shador Haji Mohamud
Press Officer

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.