Home » Warar »

Siciid Aadam Axmed oo loo magacaabay maareeyaha guud ee shirkadda Golis.

Maamulka shirkadda Golis ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Siciid Aadam Axmed  loo magacaabay  maareeyaha guud ee  shirkadda Golis, ka dib markii uu Aadam Sheekhdoon Cali si ku-meel gaarnimo ah u waday shaqada Maareeye nimo ee shirkadda Golis.

Maareeyaha Cusub ayaa la kulmay dhammaan shaqaalaha shirkadda isagoo ay  kulankaasi  ku weheliyeen maamulka sare ee shirkadda Golis, kuwaas oo gaarsiiyay shaqaalaha go’aankii maamulka sare  ee ahaa in “ Siciid Aadam Axmed”  loo magacaabay maareeyaha  guud ee shirkadda Golis.

Wuxuu maareeyuhu sidoo kale la kulmay maamulka shirkadda ee ka hawl gala dhammaan goboladaPuntland,Hoggaamada,Agaasimayaasha, iyo dhammaan madaxda qaybaha kala duwan ee maaamulka shirkadda,si loo gaarsiiyo go’aankii maamulka sare ee ahaa  in Siciid Aadam Axmed uu yahay maareeyaha guud ee shirkadda Golis.

Siciid Aadam Axmed ayaa ah shakhsi ku xeel dheer maamulka iyo agaasinka,waayo aragnimo dheerna u leh dhinaca maamulka lacagaha iyo maaliyadda.Waxa uu  muddo 10  sano ah ahaa maareeye ku-xigeenka shirkadda Golis.

Siciid Aadam Axmed wuxuu ka qalin-jabiyay jaamacaddii “SIDAM” wuxuuna ku takhasusay maamulka iyo maareeynta,isagoo jaamacadda ka horna dhamaystirtay Schoolka Beeraha sannadku markuu ahaa 1983.

Maareeyaha Cusub ee shirkadda Golis ayaa ka hor shirkadda inta uusan ka hawl galin  maamule ka ahaa shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay.

Xilligii dawladda Soomaaliyana wuxuu shaqaale maamul ka ahaa wasaaaradda maaliyadda ee dowladdii siyaad Barre.

golis34

Maareeyaha Cusub ee shirkadda Golis ayaa tababaro la xiriira maamulka iyo maareeynta leh,isagoo isla markaa ku dadaalay intii uu ku guda jiray shaqada in uu helo aqoon xiriir la leh hawsha uu hayo.

Waxaa soo tebiyey Ashkir Nuur

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.