Home » Warar »

Madaxweyne Xasan “Howlgalada socda waxey fursad u siinayaan shacabka inay aayahooda ka tashadaan.”

Warsaxaafadeed

Muqdisho, 10 Maarso 2014 – Madaxweynha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Gobolada Dalka. Waxaana goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdullahi Godax Barre iyo mas’uuiliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Guddoomiyeyaasha Gobollada waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Galgadud Hussein Cali Weheliye (Cirfo), Guddoomiyaha Bay Cabdi Adam Hoosow, Guddoomiyaha Jowhar Cadi Jiinow Calasow, Guddoomiyaha Banadir Xasan Maxamed Xuseen Mungab, Guddoomiyaha Shabeelaha Hoose Cabdulqadir Maxamed Nur (Siidii)

somali31

Madaxweynaha oo la hadlayey Guddoomiyeyaasha ayaa yiri “Waxaa socda Holwgal kooxaha nabad-diidka ah looga saarayo goobaha ay joogaan, si dadka deegaanka loo siiyo fursad loogu adeego oo ay kaalin mug leh ka qaataan dib u dhiska dalka, isla markaana maamulada gobolada looga baahanyahay inay la yimaadaan maamul wanaag, si dalka looga hirgeliyo doorashooyin xor ah.”

“Qorsheyaasha dowladda ayaa ah in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, la dhaqangeliyo nidaamka Federaalka iyo in dalka laga hirgaliyo nidaamka dimoqraadiyada oo dadka deegaanka ay aayahooda ka tashadaan. Si taas loo gaaro waa in maamulada Gobolada iyo Degmooyinka ay noqdaan kuwo u adeega bulshada, la yimaada maamul wanaag. Sidoo kale goobaha laga saaro kooxaha nabad-diidka ah waa in si deg deg ah loogu gurmadaa shacabka oo loo helaa gar-gaar baini aadanimo iyo in loo helo adeegyada aasaasiga ah, si dadku u dareemaan faa’iidada dowladnimo iyo horumar.”- DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia Office of the President of the Federal
Republic of Somalia E 1: yarisow@presidency.gov.so E 2:engabdirahman@gmail.com Twitter: @thevillasomalia; @engyarisow Facebook: Eng. Yarisow M:+252 615 479 911

Warsaxaafadeed
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli “Howlgaladu ma joogsanayaan inta laga xoreynayo kooxaha nabadiidka dhamaan goobaha ay ku harsan yihiin”

Muqdisho, March 9, 2014—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa caawa kulan ballaaran la qaatay saraakiisha ciidanka Qalabka sida, iyo kuwa ciidanka nabad illaalinta ee AMISOM, isaga oo ugu hambalyeeyey guulaha ay ka soo hooyeen howlgalada ka soconaya qeybo ka tirsan gobolada Bakool iyo Gedo, kuwaasoo kooxaha nabadiika looga sifeeyay degaanada kala ah Xudur, Waajid, Rab-dhuure, iyo Buur-dhuubo.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Guddiga Wadajirka ee Xiriirinta Howlgalada (Joint Operations Coordination Center) ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga Qaranka, waxaana halkaasi looga dhegeystay warbixino ku aadan howlgalada ka soconaya gobolada Bakool iyo Gedo kuwaasoo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay kaga xoreynayaan kooxaha nabadiidka ah ee Al shabaab.

Gabagabadii kulankan ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed uu warbaahinta la hadlay, wuxuuna xusay inuu ugu hambalyeynayo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa garab siinaya ee AMISOM geesinimadii ay muujiyeen iyo sida ay caddowga uga fara maroojiyeen degaano ay ka mid yihiin Xudur, Waajid, Rab-dhuure iyo Buur-dhuubo oo ka kala tirsan gobolada Bakool iyo Gedo.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in caddowgu sii daciifayo, ayna meesha ka baxday awoodoodii ciidan, midii dhaqaale iyo mid Niyadadeed ayna ku jiraan maalmahoodii ugu dambeeyey” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay in shacabka ku nool degaanada laga xoreeyey kooxahan nabadiidka inay soo dhoweeyaan ciidanka xooga iyo kuwa garabka siinaya ee AMISOM, lana shaqeeyaan.

“Sababta looga saarayo kooxahan nabadiidka degaanadan waxa weeye si looga dul qaado shacabka Soomaaliyeed caburinta joogtada ah, dilka, barakicinta iyo handadaada ay ku hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayuu yiri mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in Xukuumada Soomaaliyeed ay ka shaqeyneyso sidii gargaar bani’aadan-nimo loo gaarsiin lahaa degaanadaasi la xoreeyey, ayna sidoo kale u heli lahaayeen adeegyadii Aasaasiga ahaa sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu baaq u jeediyay dhalinyarada u dagaalanta kooxahan nabadiidka ah ee Shabaab ee la khalday, wuxuuna ka codsaday inay ka waantoobaan falalka lidiga ku ah diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban, bulshadoodana ku soo laabtaan, isaga oo u balan qaaday in dawladdu ay ku dadaali doonto inay helaan waxbarasho iyo farsamooyin ay ku dabaraan noloshooda.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, OPM
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.