Home » Warar »

Urur ay leeyihiin Haweenka Lixaadkoodu Dhiman yahay (SOWDA) oo looga Dhawaaqey Magaalada Muqdisho.

Waxaa Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed ee SWDC lagu qabtey Munaasabad lagu yegleelayey ama lagu Dhisayey Urur ay leeyihiin Haweenka Lixaadkoodu Dhiman yahay ( Somali Women Disability Association ) oo marka la soo Gaabiyo loo yaqaan (SOWDA) ayna ka qayb galeen Qaybaha kala duwan ee Bulshada , Madaxda Xarunta SWDC , Ururada ay leeyhiin Naafadda Soomaaliyeed iyo Marti Sharaf kale.

Ugu Horeyntii waxaa halkaa ka Hadley Ibraahim Axmed oo ka tirsan Xarunta SWDC OO sheegey in Haweenka Lixaadkoodu uu Dhiman yahay ay mar waliba ay yihiin kuwa Dhibaabto kala kulma Bulshada Soomaaliyeed sidaa darteed waxaa uu sheegey in Haatan loo baahan yahay sidii gacan loo siin lahaa Haweenkaas ,waxaana Bulshada Soomaliyeed iyo Hayadaha Samafalka ugu Baaqayaa in ay garab istaagaan haweenkaas .

somali28
Xubnhii kala ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ah Xaliimo Ibraahim Ismaaciil (Xaliimo yareey ) oo ka mid Bulshada Rayidka ayaa waxay sheegtey in ay soo dhaweyneyso in Haweenka Lixaadkoodu Dhiman yahay Sameystaan Urur ay ku Mideysan yihiin ,waxayna sheegtey in Haweenka Lixaadkoodu Dhaman yahay ay ka maqan yihiin Xaquuqo fara badan oo loo baahan yahay sidii ay ku heli laayeen Xquuqdaas .

Cabdi Naasir Yuusuf Macalin ( Cabdinaasir Ganey ) oo ah Gudoomiyaha Naadiga Pen ee Koonfurta iyo Bartamaha Somaaliya oo ka Hadley Munaasabadaas lagu Dhisayey Ururkaas ay leeyihiin Haweenka Lixoodkoodu Dhiman yahay ayaa waxaa uu sheegey in Ururkaan uu Mudan yahay in la taageero maadaama ay yihiin dadka ugu Nuqul marka la firiyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan , waxaa kale uu sheegey in Naadiga Pen uu Gacan siin doono.

Farxiyo Muumin oo Munaasabadaas ka hadashey ayaa waxay Hoosta ka Xariiqdey in ay Dadaal u geli doonto sidii Haweenka Lixaadkoodu Dhiman yahay ay u heli Lahaayeen Xaquuqdooda islamarkaan ay ula mid noqon lahaayeen Bulshada Inteeda kale ,waxayna u soo jeedisey Dowladda Federaalka , Bulshada Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Dalka Dibadiisa iyo Gudahiisa in ay Gacan siiyaan Ururka SOWDA

“Markii aan weyney Cid noo soo Dhicisa Xaquuqdeena ayaa Go’aansaney in aan Sameyno Ururkaan” ayey tiri Caasho Cali Xasan oo ka Mid Xubnaha Ururka oo baaq la mid ah baaqayadii ay jeediyeen Xubnhii kale ka qayb galey Munaasabadaas u jeedisey Shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ururkaas oo ay sheegtey in ay ku Mideysan yihiin Haweenka Lixaadkoodu Dhiman yahay oo isugu jira Kuwa Aragga La’ iyo kuwa Naafadda ah.

Maryan Dakhal Xuseen oo ka mid ah Masuuliyiin Xarunta SWDC oo Munaasabadaas ka hashey ayaa waxay tiri “Maadamaa Ururka SWDC uu u taagan yahay Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaan Isku raacney in aan Taageerno Ururka SOWDA ilamarkaana wixii awoodeena ah aan la garab istaagno “ waxayna ugu baaqdey Qaybaha kala duwan ee Bulshada in la caawiyo Ururkaas.

Ugu Dambeyntii waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee Naafada ( Somali Women Disability Association ) Basiiro Cabdi Maxamed ayaa u Mahadcelisey Xarunta SWDC oo ay sheegtey in la’aantood aysan qabsan lahayn Munaasabadaan lagu Sameynayey Urruka SOWDA iyadoo sheegtay in Xilka loo dhiibey ay u Gudan doonto si Cadaalad waxayna u soo jeedisey Bulshada Soomaaliyeed , Dowladda Federaalka iyo Hayadaha Samafalka in Gacan siiyaan Ururka SOWDA

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.