Home » Warar »

Golaha Wasiiradda oo meelmariyey Hindise-sharciyadeedka Tariifada Canshuuraha Berriga

Mogadishu, March 08, 2013…… Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan uu yeeshay Golaha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, kaasi oo lagu ansixinayey hindisi-sharciyadeedka Tariifada Canshuuraha Berriga.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Ferderaalka ee Soomaaliya, ayaa kaddib dood ay yeesheen waxa ay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen hindise-sharciyadeedkan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyaddu, waxana la filayaa in tallaabadan ay wax ka tari doonto dadaalka Xukuumadda Soomaaliya ee kor-u-qaadista dakhliga Dowladda si adeeg loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

Canshuuraha berriga ee ay qaaddoo dowladdu ayaa u qaybsama laba qaybood oo kala ah canshuuraha toosan iyo kuwa dadban.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa tilmaamay in si loo taabbageliyo dowladnimad Soomaaliya loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuuraha ku waajibay.

“ Dakhligu ahmiyad weyn ayuu u leeyahay dowladda iyo dadaalkeeda ku aaddan soo-celinta amniga. Si dakhligeenu u kordho, dadkana loo gaarsiiyo adeeg bulshol waxaa looga baahan yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay bixiyaan canshuuraha “ Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali .

“ Sanadkan 2014, dowladdu waxa ay muhiimadda kowaad siineysaa 3 arrimood oo kala ah amni, dakhliga iyo hay’do dowladeed oo shaqaynaya. Dakhliga dowladda oo kordha waxa ay keeneysaa adeegyo bulsho” sidaasi ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaare Cabdiwali.

somali29

Dhamaad
Cabdirashiid Muuse Siciid
Senior Press Officer for the OPM
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Tel: +252 6163 18823
Email: media@opm.gov.so
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.