Home » Warar »

Wasiirka Warfaafinta oo ka Qayb galey Daawashada Filim ay Markii ugu Horeysey Sameysey Xarunta SAPIC oo ka hadlaya Burcad Badeedeeda.

Waxaa Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho maanta oo ay taariikdu tahay 4/3/2014 lagu qabtey Kulan lagu Daawanayey Filimka ka hadlaya waxa keeney in ay Hoos u dhacaan Falalkii Buradeednimada ee labadii Sanno ugu Dambeysey , waxaana sida wadajir u soo qaban qaabiyey Wasaaradda Warfaafinta iyo Xarunta Macluumadka iyo ka Hortaga Burcad Badeednida ee (Sapic ) SAMLIA ANTI-PIRACY INFORMATION CENTER waxaana ka qayb galey Qaybaha kala Duwan ee Bulshada ay ku jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano .

Markii la Daawadey Filimkaas oo ahaa Filimkii ugu horeeyey ee ay Sameyso Hayada Maluumadka iyo ka hortaga Burcad Badeenida ee (Sapic ) ayaa waxaa halkaas Warbxin ka soo Jeediyey Prof Muxyadiin ah Khabiir ku Takhasusey arrimaha Burcadeednimada haatana la taliye u ah Taliyaha Cidanka Badda Soomaaliya waxaa uu si aad ugu dheeradey Sababihii keeney in ay abuurmaan Kooxaha Burcad Badeednimada iyo raadkii ay reebeen , Waxyaabaaha keeney in ay hoos u dhacaan falalkooda Burcadnimo iyo Waxyaabaha Caqabada ku ah in la Ciribtiro.

Prof Muxyadiin Yuusuf waxaa uu sheegey in markii la waayey hanaankii Dowladnimo ayna meesha ka baxdey kala dambeyntii iyo Sharciga ay si fudud u sameysmeen Kooxaha Burcad Badeedka wuxuuna intaa ku darey in looga adkaan karo hadii si Dhab loo dhiso Ciidamada Badda Soomaaliyeed , mar uu ka waramayey Saameyntii ay reebeen Kooxaha Burcad Badeedka waxaa uu sheegey in Dhibaatooyin aan la soo koobi karin ay u keeneen Bulshada Soomaaliyeed , waxaana uu Xusey in Kun iyo dheeraad oo Dhalinyaro Burcad Badeed ah ay ku Xiran yihiin ilaa 22 Wadan kuwaas oo uu sheegey in ay u baahan yihiin in dib loogu soo celiyo Dalka.

Xubnihii kale ee ka Hadley Kulankaas lagu Daawanayey Filimkaas ka hadlayey Burcad Badeednimada Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed Admiral MadeeY Nuureey Sheikh (Admiral Ufurow) waxaana uu si aad u faahfaaiyey Awoodii ay lahaayeen Ciidamadii Badda Soomaaliya waxaana uu sheegey in ay lahaayeen Shan Saldhig iyo Shan Xarumood oo uu sheegey in laga ilaalin jirey Maraakiibta soo gasha Badda Soomaaliya Admiral Ufurow waxaa uu sheegey in Fallaka Burcad Badeednimada looga hortagi karo iyadoo dib loo dhiso CIidamada Badda Soomaaliya kuwaas uu sheegey in lagu dhisi karo Dhaqaale aad u yar oo looga maarmi karo Malaayiinta Doolar ee faraha badan ee haatan uu Caalamku ku bixiyo la dagaalanka Burcad Badeeda

Cabdi Ashkir Dhoore oo ah Xoghaya Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa isna ka Hadley Kulankaas waxaa uu Sharaxaad ka bixiyey Saameynta Burcad Badeednimada ku yeelatey arrimaha Ganacsiga Soomaaliya waxaana uu sheegey in Dhibaabto Xoog leh Shacabka Soomaaliyeed ka soo gaartey marka la fiiriyo la Macaamilka Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka iyo weliba Maraakiibta Ganacsiga ee soo aadaya Soomaaliya oo uu sheegey in ay Soomaaliya ku imaanayeen Kharash aad u badan taasoo si dadban dadka Soomaaliyeed ee dan yarta ah ay kala kulmeen Sicir Barar aad u baahsan.

Waxaa sidoo kale halkaa ka Hadley Madaxweyne ku xigeenkii Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdiraxmaan Shaati Cadde oo wax badan ka ogaa kooxaha Burcad Badeednimada waxaana uu sheegey in Caalamka uusan rabin in meesha ay ka baxaan Kooxaha Burcad Badeednimada isagoo Tusaale u soo qaatey laba Qof oo haatan ku xiran dalka Belgaum mid uu yahay ragii Aas-aasey Kooxaha Burcad Badeed balse markii dambe uu ka baxay islmrkaana Gacan ka geystey in uu si iskiis u Furdaamiyo ama u sii daayo Rag Badmaaxiin ah oo u dhashey Dalka Suuriya isagoo sheegey inta aan la qaban Xitaa uu ku Howlanaa sii deynta Nin Mareykan ah oo gacanta haatan ugu jira Kooxaha Burcad Badeed ah waxaa kale oo uu Xusey in Madaxweynihii hore ee maamulka Ximan Xeeb uu Door lama Ilaawaan uu ka qaatey dagaalka lagula Jiro Kooxaha Burcad Badeedka waxaana wax laga Xumaado ku Tilmaamey in uu Maanta Gacanta ugu jiro Dowladda Belgaum iyadoo aan la garaneyn waxa uu ku eedeysan yahay balse loo maleynayo in uu u Xiran yahay mid ka mid ah dadaaladiisii

somali26

Dahabo Ciise oo ku hadlaysey Magaca Haweenka Soomaaliyeed ayaa iyana halkaa ku faahfaahisey dhibaatada ay haweenka Soomaaliyeed kala kulmeen Kooxaha Burcad Badeedka iyadoo sheegtay in Kooxaha Burcad Badeedka looga hortagi karo iyadoo Waalidiinta Soomaaliyeed ay Dhalinyaradooda ka waaniyaan Falalka Guracan ee ay ku hayaan Dadka Somaaliyeed iyo Caalamka, sidoo kale waxaa ka Hadley Bishaaro Axmed Kadiye oo u Hadley Magaca Dhalinyarada Maamulka Ximan iyo Xeeba waxayna Hoosta ka Xariiqdey in Bulshada Soomaaliyeed ay ogaadaan in Beesha Caalamka ay ka tashadaan iyadoo baaq u soo jeedisey Ganacsatada Soomaaliyeed oo ay sheegtey in ay awoodaan Dhismaha Ciidamadii Badda Soomaaliya.

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Wasiirkii Hore ee Maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan waxaana uu sheegey in intii uu ahaa Wasiirka Maaliyada ay dadaal u galeen sidii loo Dhameyn lahaa falalka Burcad Badeednimada isagoo sheegey in Dowladda Fedraalka ay mar waliba ka go’neyd sidoo Kooxaha Burcadeed looga hortagi lahaa maadaama ay Saameyn ku yeesheen Dadka Soomaaliyeed iyo Adduunweynaha .

Ugu Dambeyntii waxaa Kulankaas ka hadlay oo soo xirey Wasiirka Warfaafinta Mustaf Shiikh Cali Dhuxulow oo ugu horeyntii u Mahadceliyey Xarunta Macluumaadka iyo ka hortagi Burcad Badeednida ee (Sapic ) oo uu sheegey in ay Kaalin Muuqata k aqaateen in ay hoos u dhac ku yimaado Falalkii Burcad Badeednimada ,isagoo ku Booriyey in ay halkaas ka sii wadaan howshas Muhiimka ah, mar uu ka hadlayey Mowqifka Dowladda Federaalka waxaa uu sheegey in Dowlada ay ka Go’an tahay in Dhameystirka Sharciga Kooxaha Burcad Badeednimada, waxaa kale uu sheegey in Mida ugu Muhiimsan ee looga hortagi karo Kooxaha Burcadeedka tahay waxaa uu sheegey in marka hore la helo Sharci ku aadan la dagaalkan Kooxaha Burcad Badeedka kaasoo uu sheegey in u baahan yahay in loo Gudbiyo Baarlamaanka iyadoo Wasiirka uu si Saraaxad leh uga jawabey Su’aalo ay weydiiyeen qaar ka mid ah ka qayb galayaasha .

W/D Amiin Yuusuf khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.