Home » Warar »

Dowladda Imaaraadka Carab oo Dalkeeda u qaadey mid ka mid ah Bukaan Soomaaliyeed oo Dalka Wax looga Qaban waayey.

Waxaa Maanta oo ay Taariikdu tahay 3/3/2014 Magaalada Muqdisho laga Dhoofiyey mid ka mid ah Bukaanada Soomaaliyeed oo ku jirey Xaalad Koomo ama Miyir la aan ah ka dib markii ay Xabad kaga dhacdey Madax waxaana loo qaadey Dalka Imaaraadka Carabta .

Soo Daaweynta Bukaankaan Qaadistiisa iyo Daaweyntiisa Dhabarka u ridey Dowladda Imaaraadka Carabta ka dib markii ay Codsi ka heshey Dowladda Federaalka Soomaaliya si Bukaanka Xaaladda adag ku jira loogu soo Daaweeyo Dalkaas.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Diyaarad Khaas ah oo kuwa Deg Dega ah (Emergency) u soo dirtay Bukaankaas oo ay la socdaan Dhaqaatiir iyo kalkaaliyayaal Caafimaad iyadoo inta aan Diyaarada la saarin bukaanka Muddo Laba Saacdood ay Dhaqaatiirta ku Rakibayeen Qalab Caafimaad oo Suurta geliya in uu ku gaaro Dalka Imaaraadka Carabta

somali24

Bukaanka oo uu Hore u sii raacay walaakiis Shuceyb Cumar Xuseen ayaa Shir Jaraaid oo uu ku qabtey Garoonka Diyaaradaha ayaa u Mahadceliyey intii ka gacansiisey Walaakiis in loo qaado Dalka Imaaraadka Carabta ,waxaana uu si gaar ah ugu Mahadceliyey Dowlada Imaaradka iyo Dowladda Fedraalka , wuxuuna Ilaah uga Baryey Walaalkiis in Caafimaad Siiyo maadaama uu ku jiro Xaalad adag.

Dowladda Imaaraadka Carabta tan markii Soomaaliya ay ka dhaceen Dagaalada sokeeye waxay la garab taagneyd Taageero Dhinac waliba leh , waxayna Soomaaliya ka dhistey Isbitaalo iyo Xarumo Caafimaad oo maalin waliba lagu Daaweeyo Bqolaal Soomaali ah oo isugu jira Caruur, Haween iyo Dad waaweyn ,waxayna qaadista Bukaankaan ku soo beegantey Xili Dalka Imaaraadka Carabta haatan uu ku sugan yahay Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed oo la filayo in ay Heshiisyo wada gaaraan

W/D Amiin Yuusuf khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.