Home » Warar »

Mowqifka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan shirarka ka socda Baydhabo

  • iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ruushka.
  • Ra’iisul Wasaare Cabdiweli  “ Isutaga Imaaraadka Carabta waxay naga caawinayaan dib-u-dhiska dalka iyo hay’adaha dawladda”

Xukuumaddu waxay wal-wal ka muujinaysaa habka ay u socdaan shirarka Baydhabo iyo dhibaatada ka imaankarta natiijada dhamaadka shirarkaas iska soo horjeeda.

DOWLADDA FEDERAALKA AH EE SOOMAALIYEED

WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO FEDERAALKA

WAR MURTIYEED

Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka waxay u xilsaarantahay hirgelinta iyo taabagelinta Federaalaynta dalka si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda maamul- u-samaynta gobolada iyo degmooyinka dalka.

summadSidoo kale, waxay u xilsaaran tahay ka hor tegidda khalalaasa siyaasadeed oo dhalin kara iska hor imaad bulsho. Waxaa xusid mudan in mudooyinkan dambe ay magaaladda Baydhabo ee Gobolka Bay ka socdaan shirar xambaarsan fikrado iska soo horjeedo, kuwaas oo uu mid waliba sheeganayo dhisidda Maamul-Goboleed ay yeeshaan degaanadaasi.

Hadaba Xukuumaddu waxay wal-wal ka muujinaysaa habka ay u socdaan shirarkaas iyo dhibaatada ka imaankarta natiijada dhamaadka shirarkaas iska soo horjeeda.

Dawladda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyada oo ka duuleysa mas’uuliyada ka saran maamul u sameynta iyo federaaleynta dalka waxay dhawr jeer isku taxaluujisay in ay midayso shirarkaas iska soo horjeeda, si shacabka degaankaas ay u helaan maamul midaysan oo waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaala.

Xukuumaddu iyadoo ka hortagayso arrintan kor ku xusan, waxay dhawr jeer wufuud kala duwan oo ka kooban xubno ka kala socda labada gole ee Xukuumadda iyo Barlamaanka u dirtay magaaladda Baydhabo. Wufuudaas waxay u xilsaarnaayeen in la helo talo mideeyaan oo ku aadan maamul u samaynta iyo federaalaynta deegaanadaasi.

Hadaba, Wasaaraddu waxay halkan ku caddaynaysaa moowqifka siyaasadeed ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan qaabka loo marayo dhismaha Maamul-Goboleed ay yeeshaan goboladaas, iyadoo la tixgelinayo waaqiciga siyaasadeed ee haatan ka jira degaanadaas.

1. Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa dhammaan siyaasiinta iyo cuqaasha dhaqanka ee dalka in ay ku baraarugsanaadaan maamul u samaynta Goboladda, Degmooyinka iyo Maamul Goboleedyada si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.

2. Xukuumaddu waxay dhawraysaa heshiiskii lagu gaaray Addis Ababa, Ethiopia ee lagu ogolaaday dhismaha Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba.

3. Xukuumaddu waxay beegsanaysaa ku dhaqanka heshiiska Addis Ababa ee kor ku xusan. Sidoo kale, wixii tabasho ah ee ku saabsan heshiiskan Xukuumaddu waxay diyaar u tahay in ay gacan buuxda ka geeysato.

4. Xukuumaddu waxay diyaar u tahay in ay gacan ka geeysato dhismaha Maamul Goboleedka sedexda gobol ee Goboladda Bay, Bakool iyo Shabeeladda Hoose.

5. Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed ee deegaanadaas in ay ka fogaadaan wax walba oo dhalin kara xasilooni daro ku timaada degaankaas.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFS

Abdirashid Muse Said
Warbaahinta Xafiiska RW
Tel; 00252616318823
Email; media@opm.gov.so

Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ruushka.

Muqdisho 03 Maarso 2014 – Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Ruushka Mr Valery Orlov.

Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. ” Dowladda Ruushka aad iyo aad bey ugu faraxsantahay in maanta xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya iyo Ruushka uu dib u bilowdo. Dowladda Ruushka ayaa diyaar u ah inay ka qeyb-qaadato dib u dhiska dalka.” Ayuu yiri Safiirku.

Sidoo kale Safirka ayaa ballan-qaaday in Dowladda Somaaliya ay Dowladiisa ka caawin doonto arrimaha horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska dalka.

ruushi23

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri ” Waxaan uga mahad-celinayaa dalka Ruushka inay safiir u soo diraan Soomaaliya, waana ku faraxsanahay in Ruushka uu dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo sidii dalka dib loogu dhisi lahaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan fursado shaqo ama tababaro ama deeq waxbarasho. Caalamkuna waxey kalsooni ku qabaan in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagtay, isla markaana uu dalka u gudbay marxalad horumarineed.” Ugu dambeyntii Madaxweyanaha ayaa u ballan-qaaday safiika inay dowladiisa si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonto si uu u guto xilkiisa loo soo igmaday. DHAMAAD

Abdirahhman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia
Communication Office
Office of the Somali President Mogadishu, Somalia

WARSAXAAFADEED

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli “ Isutaga Imaaraadka Carabta waxay naga caawinayaan dib-u-dhiska dalka iyo hay’adaha dawladda”

Abu Dhabi, March 3, 2014—-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah mas’uuliyiinta dalka iyadoo uu kala hadlayo sii xoojinta xiriirka labada dawladood ee walaalaha ah , loona dardar-galin lahaa heshiiskii March, 2013 ee dhexmaray Soomaaliya iyo UAE.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadnaqay madaxda dalka Isutaga Imaadaarka Carabta dadaalada ku aadan dib-u-dhiska dalka iyo kaalinta firfircoon ee Isutaga Imaaraadka Carabtu ay uga jiraan dib-u-dhiska hay’adaha dawladda.

Labada dhinac ayaa isla gartay in dardar-galin lagu sameeyo heshiisyadii horay u dhexmaray labada dawladood ee la xiriirray dib-u-dhiska dalka Soomaaliya, xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo kordhinta gargaarka bani’aadanimo ee dalka Imaadaardku u fidiyo dadka Soomaaliyeed.

“Waan sii xoojinaynaa xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka carabta, waxaana ay gacan libaax ka gaysanayaan dib-u-dhiska hay’adaha kala duwan ee dawladda, kaabayaasha dhaqaale iyo ka qayb-galka adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhalinyarada.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya
Abu Dhabi, Isutaga Imaaraadka Carabta
T: +971508214790
Email: media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.