Qaybtaan waxay ka hadlaysaa Waxqabadkii Sheikha ee baaxada lahaa qaybada ka mid ah, markii aan raad raac kusamaynay waxqabadkii Sheikha waxaa muuqatay inaan lagu dabooli kari waqtigaan kooban sidaas daraadeed waxaan kasoo qaadanaynaa intaan ka gaaray.
Sheikha waxqabad kiisa kuma koobnayn dacwada oo kaliya ee wuxuu ahaa mid isu dheeli tiran, oo daboolaya dhinacyo badan, haday ahaan lahayd dhinaca Waxbarasha, gurmadka iyo gargaarka banii’aadanimo, caafimaadka, dadka dhimirka ka xanuunsan, siyaasada, nabadaynta iyo qaybaha kale ee arimaha bulshada.
Waxaa kaloo qaybtaan looga hadlayaa doorkii uu kulahaa aas aasida xarakaad ka Islaamka ee Soomaaliya ka hirgalay.
Waxaad baran doontaa markaad filimkaan dhamaysato kumuu ahaa Sh. Abdulqaadir, Sidoo kale waxaad ka garaabi doontaa dilkii Sheikha ka dib sidii caalamkii laga yaqaanay Sheikha halmar isula kacay kacay murugo iyo caro wada socota, taasoo qiraysa fadliga uu Sheikhu ummadaan ku dhexlahaa.
Sidoo kale waxaad ku xasuusanaysaa xadiiskii Nabiga (scw)
((إِذَا أَحَبَّ اللَّهُ الْعَبْدَ نَادَى جِبْرِيلَ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ فُلَانًا فَأَحْبِبْهُ فَيُحِبُّهُ جِبْرِيلُ فَيُنَادِي جِبْرِيلُ فِي أَهْلِ السَّمَاءِ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ فُلَانًا فَأَحِبُّوهُ فَيُحِبُّهُ أَهْلُ السَّمَاءِ ثُمَّ يُوضَعُ لَهُ الْقَبُولُ فِي الْأَرْضِ ))
[البخاري عن أبي هريرة]
“Illaahay markuu jeclaado adoon wuxuu u yeeraa Jibriil, illaahay wuxuu jeclaaday hebel ee jeclow, wuuna jeclaadaa jibriil, wuxuuna u dhawaaqaa sammada ahalkeeda, illaahay wuxuu jeclaaday hebel ee jeclaada, wayna jeclaadaan sammada cida kusugan, markaa kadibna dhulka ayaa loo dhigaa qubuul (aqbalaad)
Waxaan u rajaynaynaa Sheikha dadkaas inuu ku jiro, illaahay isaga iyo anagaba hanagu daro. Lasoco Qaybta 3-aad ee ugu danbaysa insha allaah.
Muuqaal Taariikheed kan waxaa idiin soo gudbiyey Minhaj Media Production,waxaana soo agaasimay soona saaray Sh. Xasan Dhooye.
talo iyo tusaalayn fadlan kusoo hagaaji dhooye@hotmail.com
Qaybtii 1aad ka daawo Halkan
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.