Home » Warar »

Haweeney Somali ah oo ka mid Noqotay Saraakiisha Ciidanka Booliska Mareykanka.

Khadra Mohamed oo Soomaali ah ayaa  loo ogolaaday in ay ka mid  noqoto saraakisha booliska qeybta St. Paul ee dalka Mareykanka. Haweeynedan oo ah Haweeneydii  ugu horeesay oo Soomaali ah oo ku biirtay Booliska dalkaasi Mareykanka  ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay ku biiritaanka ay ku biirtay Boliiska dalka Maraykanka oo sida ay sheegtay muddo dheer ay ku riyoonaysey.

boolis1Ku biirista  Khadra Mohamed booliska St. Paul,  talaaabo la dhihi karo in Wasaarada arimaha amniga gudaha ay ku aqbali karto in shaqaalaheeda qaar ay qaadan karaan Xijaabka. Iyadoona ka soo baxday Dugsi lagu barto Shuruucda haatana qaadan doonta Shahaado caddeyneysa

Khadra Mohamed oo 21-sano jir ah ayaa sheegtay in ay doonayso in ay noqoto Haweeyne ay ku daydaan Haweenka kale ee ku nool dalka Mareykanka.Haweeynedani ayaa shaqadeeda waxa ay noqon doontaa baaritaanka dambiyada laga galo Bulshoyinka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Mareykanka. Arrintaasoo ay sheegtay inay muddo badan ku taamaysey

Tan iyo Sanadii 2004-tii Mareykanka waxa uu waday talaaboyin uu ku askareenayo Muwadininta Soomaaliyeed ee ku nool Dalkasi. Iyadoo Gabadhan Soomaalida ah ay ka soo jeeddo sida war bixinadu qoreen Soomaalida ku dhalatay Dalka Kenya.

Si kastaba arrintan ayaa Siyaalo kala duwan looga soo dhaweeyay Caalamka gaar haana Muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Maraykanka oo muujiyay sida ay raaliga uga yihiin Gabadhan Soomaaliyeed ee Khadra eek u biirtay Boliiska dalka Maraykanka.

W/D Amiin Yuusuf khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.