Home » Faallo »

Safar Cumro iyo Janis Rubins.

Salaamu Calaykum akhyaarta ku xiran Websitekan qiimaha badan.Waxaan shaki ku jirin in badan oo idinka mid ah ay soo Cumraysteen ama soo Xajiyeen laakinse dareenkooda safarkaan ruuxiga ah aysan dadka qoraal ahaan kula wadaagin.

Dad waxaad ugu jeceshahay qofkaad safar cibaado wada gashaan, Cumro ama Xaj, waxay u badan tahay inaad weligiin walaalo ahaataan oo aad wada xariirtaan.Ayadoo ay sidaas tahay, waa ka sii xag jirtaa marka aad safarkan la gashid dad diinta mar dhow soo galay. Waxaan aheyn 90 qof oo ugu yaraan 80 ka mid ah ay yihiin Muhtadiin (Dad Diinta soo gala). Qaarkood waxay Muslim yihiin Bilooyin, qaarna Sanado .Ayagoon Xaramka tagin, wajigooda waxaa kaaga muuqanayo Barinimo iyo Nuur aan Muslimiinta kale laheyn. Muhtadiintu waxay kasoo kala jeedaanqaaradaha  aduunka, Carab iyo Cajab.

jabal21

Wasaarada arimaha diinta ee Qatar ayaa 13/2/2014 qaban qaabisay safarkan Muhtadiinta lagu gaynayo dhulka Barakaysan, kaas oo kamid ah Barnaamijyada la siiyo dadka soo Muslimo.Waxaan nasiib u heley in mas’uul la’iga dhigo qaar u dhashay Wadamada Yurub iyo America.

Janis, ninka aan ku hal qabsanayo sheekada badankeeda- waa wiil  u dhashay Wadanka Latvia oo Muslimay 8 Bilood kahor.  Intuusan iman Qatar,,Janis wuxuu ka soo shaqeeyey Wadanka Mozambique halkaas oo markii  u horaysay ka bilaabay raadinta diinta Islaamka.Maalinta 2aad ee uu yimid Qatar ayuu noogu yimid Qatar Islamic Cultural Center (Fanar) isagoo doonaya inuu Islaamka galo. “Soo aqri buugaagtan oo soo laabo maalinkale” haseyeeshey shahaadada goobtii ayuukuqiray kadib markii aan ku imtixaanay 5ta tiir. Janis wuxuu dadka kale ee diinta soo galaya kaga duwanyahay, horey umalaheyn wax balwad ah, wuxuuna baari uyahay hooyadiis.Barnaamij waxbarasho ee muhtadiinta lasiiyo 2bilood gudahood wuxuu kudhameeyey 2 isbuuc.

Dad badan marka ay arkeen sida uu diinta ugu mamanyahay ayey kashakiyeen oo isweydiyeen inuu jaasuus yahay. Muslimiinta marka uu qof-madow soomuslimo waxay yirahdaan waa hunguri doon, marka qof-cad soomuslimana jaasuusnimo.

Qofkii aan horay utagin Xaj ama cumro, wuxuu jecelyahay inuu ogaado inta cisho ama saacadood ee laga sokeynaya Makka.Xuduudaha Sacuudiga waa meelaha ugu dhibka badan ee aduunka la’isaga goosha duruufa jira awgood.Khibrad hore oo aan ulahaa ayaan Janis iyo dadkii kale usheegey inaan xuduuda kunagaan doona saacado badan.Magaalada Doha oo safarka kasoo bilownay iyo xuduuda waxay isu jiraan 100km oo waxay nagu qaadatay10 saacadood.

Goor aan isleenahay waad dhaqaaqeysaan ayaa qaar Muhtadiinta kamid ah dib looga celiyey xuduuda howla laxariiro qaanuunka wadanka oo aan idin faahfaahin karin. Anagoo ladhakafaarsanahay celinta dhalinyaradaas ayaa waxaa soo yeertey in aniga lafteyda aanan soo qaadan ogalaashaha dalka looga baxo! Al-Xamdulillaah, arinteyda waxa lagu dhameeyey telephone.

Yaabkale wuxuu ahaa darawalka labada bus midkood oo intaan soconay oo dhan aan salaad nalatukan. Sigaar iyo waxyaabo kale oo uu hurdada isaga celinayey ayuu buufinayey oo aan is iri malaha maandooriye ayaa kujira waayo 8am ilaa 10am maalaintii dambe indha isma saarin, kaaga daranka markii uu nadhigay horay ayuu ugu laabtay Doha. Waxaa intaas udheera, wuxuu ahaa Suuri caruurta kajoogaan magaalada Xumus ee dagaalka kasocda.Allah nawada hanuuniyo,Aamiin.

Masjidka nabiga SCW oo aan kuhoraynay wuxuu ahaa mid aad usoojiitay muhtadiinta.Aniga laftay 7 sano kadib waxaan arkay isbadal weyn oo lagu sameeyey.Barxad weyn oo kamid ah meelaha lagu soo kordhiyey, waxaa kuxiran dalada hareenta iyo iftiinka masjidka qeyb kuleh, waxaa kale oo ay sii deynayaan waxyaabo carfoon.Habeynkii baalasha ayey isku laabtaan, aroorta horana way kalafidaan sida haadka duula.

Sida lawada ogsoon yahay masjidka nabiga SCW waa kadaganyahay  Makka oo majirto cariiriga dhawaafka iyo sacyiga Makka kajira. Meesha kali ee dadku isku buurtaan waa Rowdada iyo qabriga Nabiga SCW.

Salaadaha waa kuwa dhaadheer ilaa muhtadiintu uqaateen inay kaduwanyihiin masaajidyada  Qatar. Janis wuxuu ii sheegey inuu masjidka Nabiga SCW uu leeyahay soojiidasha kaduwan kuwa Qatar.5ta salaadood gadaashood waxaa markasta lagu tukudaa janaasad, mararka qaar dhowr qof ah, taas oo kuxasuusinayso aakhiro iyo inaad adiga noqon kartid janaasada kuxigta. Dhowr jeer oo aan isku daynay inaan soo siyaarano qabriga nabiga SCW waa naloodiidey kadib markii ay dadku buux dhaafeen. Askariga dadka kalahoraayey ayaan usheegey inaan wado qof soomuslimay. Aad iyo aad ayuu noola tacaadufay,wuxuuna iweydiyey wadanka uu udhashay,  laakinse markaan usheegey Latvia,wuu garan waayey.

Rowdada ayaan kuhoreyney oo aan 2 rakacadood kutuganay.Waa markii iigu horeysay ee aan galo ayadoo cidla ah.Inta aan salaada kujirney ayaa qof shaqaalaha nadaafada kabahanaga kaqaaday Rowdada dhexdeeda. Salaada dhexdeeda ayuu Janis kuqayliyey “Our shoes..our shoes..Kabaheenii…kabaheenii” ilaa aan aniga lafteyda qusli gaaray.

Masjidka nabiga waxaad ku arkaysa arday da’yar oo dhigato jaamada Madinah kuwaas isaga yimid dacalada aduunka.Anigoo Janis kalahadlaya cilmiga iyo barashadiisa ayaa waxaa soogalay dhowr dhalinyaro ah wajiyo reer yurub leh.“Waxaan umaleynaya inay yihiin ardada jaamacada” Wuxu iga codsadey inaan soo salaano. Waxay noosheegeen inay ukaladhasheen wadamadaGermany, France iyo Switzerland. Wiil kamid ah oo swiss ah ayaa kudhiiri galiyey Janisinuu jaamacada soo codsado “Anigoo sanad muslim ah oo da’deydu 28 tahay ayaa la’ii ogalaadey jaamacada waayo waxaan ahaa ardeygii uguhoreeyey ee Switserland kasoo codsada. Adigana waxaad noqonaysaa qofkii uhoreeyey ee Latvia kasoo codsada jaamacada”

Qabuuraha Baqiic oo safar kutagnay, dadku aad ayey isugu xoomayeen. Janis waxaa soojiitey qabuuraha aan magac iyo number midna laheyn, iyo isagoo layaabay dad qabriga Nabiga SCW isku dhadhajinaya oo aska islaliitaan.

Miiqaadka iyo marka dharka la’iska badaley Muhtadiintii waxaa qaaday qiiro aad uweyn waayo, wixii ay sheeko uhaysteen ayaa rasmi loogalay.Janis oo aad ugu dhibtooday xirashada ixraamka ayaa iweydiyey sidaan uxiranahay labadan go’ oo aan isaga laafyoonaya.Waxaan usheegey inaan baadiyaha kuxiran jirey oo aan geela kuraaci jirey oo aan geedaha kaboodi jirey.

Safarka Madinah iyo Makka oo aad noogu dheeraaday kadib markii aan meelo badan kusoo nasanay, Muhtadiintu waxay markasta naweydinayeen goorta aan Makka galayno.Si’aanu isaga aamusino ayaan kudhahnaa waa dhawdahay oo mardhow ayaan galaynaa. Waxaan soo xasuustay sida naloo sirijirey  baadiyaha marka laguurayo.

Ugu danbeyntii waxaan isku soo shubnay xaramka.Midkasta oo muhtadiin ah wuu qiirooday, ayagoo dhana layaaban dadkan intaan la’eg ee meesha isuguyimid.Janis waxaan weydiyey tiradii ugu badneyd ee bani aadam meel isugu soo baxay ee ebedkiis arkay.Wuxuu ii sheegey inuu joogi jirey china oo kaqeyb galay xuska maalinta wadankaas oo lagu qabtey banaanka weyn Teaming Square halkaas oy isugu soobaxeen kalabar shacabka Beijing oo tiradooda lagu qiyaaso 12 milyan.

Intaan dhawaafka kujirney Janis wuxuu isku dayey inuu sawiro badan qaato si uu ugaliyo facebook gaar ah oo ay kujiraan 2 milyan, dadka  Latvia oo dhan. Sawiradii ayuu dhexdhigay facebookga, dadka oo dhana way kaheleen. 4 beri kabacdi, waxaa lasoo xariirey labo dhalinyaro muslimiin ah reer Russian ah laakinse dagan Latvia oo jaamacada Madinah dhigata.

Janis oo aan kadareemey inuu doonayo inuu dawaafka dhameeyo si uu unasto ayaa waxaan tusay qof curyaan ah oo gacmaha kuguurguuranayo oo cidi lasocon Xajar Aswadka meel udhow, intaan sii eegayney dhowr jeer ayaa ladardaray.Garanmaayo sida uu ugu badbaadi karo meeshaas.

Labada masjid ee Makka iyo Madinah, waxaa kasocotay afur jamaaci ah oo aan filaayo dad iskood isuxilqaamay soo abaabuleen.Madinah waxaan ku aadnay ayaamul Ayaamul-Biidhka, Makkana maalin Isniin oo sicaadi ah ayaa looga soomaa xaramka.Waad isku xishoonaysaa dad sooman ood lafadhida.

Duruusta labada masjid kasocoto waa mid kudayasho mudan.Dhowrkii tiirba waxaa lagu akhriyaa kitaab, ardadu waxay ubadan tahay Sacuudiyiin oo waxay huganyihiin cimaamadaha casaanka ee wadanka laga qaato.

Sikasta oo aad ugu kacsan tahay qoyska reer Sacuud, waxaad kuqasban tahay inaad u ducayso markaad aragtid khidmada meesha ka socota. Wax sahlan ma’ahan inaad kalahagtid ummaddan kaladuwan oo qaarkood fikrado qaldan aaminsanyihiin sida xujayda reer Iran oo ayaga katakooran dadka intiisa kale.

Goor aan sacyiga SafaaiyoMarwa kujirnay ayaan Janis xasuusiyey goortii Hooyadeen Haajar kaligeed  ordaysay cidla ciirsigaan, oo weliba ilmaha yarna afka isku qaban diiday haraad iyo gaaji darteed. Ibrahim, magaciisa Islaamka, sidaan waxkale ugu sugaayey ayuu yiri “Imisa sano ayey jirtey xiligaas”

Mararka qaar, Janis iyo aniga waxaan aheyn labo wadaad oo masaa’il khilaafi iskuhayo.Wuxuu soo daliishan jirey macalinkiisa“Sidaas sax ma’ahan ooAslaan ayaa ii sheegey”.Aslan waa macalinkiisa udhigay koorsada aas-aaska ee lasiiyo muhtadiinta oo udhashey jumhuuriyada Abkhaasiyah ee katirsan Russia walow ay iminka xuriyad qaadatay.

Goortii dambe intaan ku xanaaqay oo aan is iri “Wadaadnimadaadii aad kuqaraabanaysayhalis ayey kujirta”  ayaan ku iri “Waryaa warkeyga maqal, aniga Aslan la’ima yirahdo ee waxaan kuusheegayo qaado”. Xinribaha indhaha inta kalarogay ayuu iska aamusay.Waa dhaqan ay leeyihiin reer galbeedku oo lamamurmaan qofka sideyda oo kale, liifada ayey ugaabiyaan.

Markaan rabnay inaan timaha xiirano ayaan marka kale gorada isla galnay aniga iyo Janis kadib markii ku adkaystay inuu gaabsado laakinse imuusan dhihin “Aslaan ayaa ii sheegey”.Dominiq oo udhashay wadanka UK wuxuu lahaa timo dhaadheer oo garbaha jooga oo 10 sano korinaayey, haseyeeshe hoosta ayuu sakiinta karaaciyey isagoo kafaa’idaysana ducada dheeraadka ee kusoo aroortay.

Xaramka banaankiisa, dadku waxay kumaman yihiin cuntada iyo  wax iibsiga sidii ayagoo kayimid meel aan cunto iyo dhar yeelin. Cuntada iyodharka qudhooda waxaa loosoo bandhigaa qaab aad iska qabankarin.

Masaakiinta reer Makka gaar ahaan dumarka wadooyinka daadsan waa wax laga naxo. Xujayda badankoodawaxay aaminsanyihiin inay  dadkantuugsiga hiwaayad kadhigteen ee aysan baahi ugeyn, taas oo isoo xasuusineyso Somalia, dad xamar imaan jirey oo la’oron jirey way soo tuugsi tageen oo beerahooda iyo geelooda ayey kasoo tageen.Gidaarada waxaa kuqoran “Tuugsi lama ogala”, sidaas awgeed waa yartahay cid wax utaagayso. Iimaankaada waa wax lagashakiyo haddii aadan wax utaagin marmar walow ay isugu kaa imaanayaan markay arkaan inaad boorsada furaysid. Sida ugu fiican waa inaad horay usoo diyaarsata sadaqadaada oo aad miskiinka hoosta ugulaabta ayadoo bidixdaada dareemin waxa ay midigtaada bixinayso.

Waxaa kale oo kuwaas lamid ah oo sixoog ah wax kaaga iibinaya, gaar ahaan Madinah. Gabaryar oo udhalatay wadanka Afghanistan oo reer Madinah ah ayaa gacanta iga saartay kuul anigoon weydin.Kadibna waxay dalbatay inaan lacagta iska bixiyo.Intaan qolsay ayaan lacagta siiyey.Janis aad ayuu udiidey.Wuxuu ii sheegey in markuu yaraa Latvia jariirada ku iibin jirey oo sidaan oo kale dadka kuqasbi jirey.

Janis, sida dad badan oo reer galbeed ah wuxuu hayaa sheekooyin badan oo kusaabsan xuquuqda dumarka Sacuudiga. Wuxuu iisheegey in mar dab qabsaday iskuul gabdhu dhigtaan. Gabar weliba gidaarka ayey kabooday si ay nafteeda ubadbaadiso ayagoo xijaab la’aan ah.Waardiyihii albaabka ayaa amar kusiiyey gabdhihii inay dib ugunoqdan iskuulka gubanaya oo ay xijaabkooda sooqaataan kadibna sidaas kudhamaadeen.

Umaqaadan inay sheekadu saxtahay laakinse waxay kutusinaysa sheekooyinka qaldan ee laga aaminsanyahay dumarka muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan Sacuudiga oo ubaahan in lasaxo.

Nin reer Masar oo arkay inaan Muhtadiinta wax usharxayo ayaa iimooday wadaad diinta kuxeel dheer“Sheekh Adam hooyadey makacumreyn karaa?” Waxaan dareemay in wadaadnimada aan kawaayey Janis iisoo noqotay”Waan soo baaraya inshallah”.Sheekh Google.com ayaan kudhuftay, waxaan heley fatwo kusoo baxday www.islamweb.net oo laga leeyahay wadanka Qatar.Sheekha fatwada lawaydiyey wuu banaynaya arintaas.Ninkii ayaan jawaabta kula cararay si aan ugu wadaad noqdo.Aniga lafteyda waan kafaa’ideystay oo waxaan kacumreestay aabahay Allaha unaxariiste.Waxaanse kaxumahay in wadaadkii Masriga in Xaramka looga xaday boorsada lacagta oo ay ugu jireen waxkasta oo uu kanaxay. Nin xaramka dhexdiisa wax kuxaday muxuu sameynlahaa meel kale?Ilaa iyo iminkana wuxuu kuxanibanyahay Saudi isaga iyo xaaskiisa.

Xaramka markaad indhaha laraacdid waxaa kuu muuqanaya inay Carabtu aad ugu yartahay oo waxaa kuumuuqanaya laandheertamuslimiinta sidaIndonesia, Pakistan, India, Iran, Masar iyo Nigeria. Dhawaafka qoloweliba luuqadeeda ayey kutaamaysa. “Nabi Allow ninweliba  luuqadiis kugu amaan”

Waxaa kale oo aad arkaysaa koox dhar isu eg looxiray oo rag iyo dumar leh oo daba qamaamaya wadaadyarow aniga oo kale. Intaan kafahmay waxa ay aqrinayeen, waxaa kabuuxay qalad laakinse dadku aad ayey uqiiraysanyihiin oo intaas ayey abaal kuqabaan.

Wadaad reer Indonesia ah ayaan kawareystay sida ay kusoo xajiyaan Muslimiinta wadankaas.Wuxuu ii sheegey inuu qofka uu fisaha Xajka sugo 5 ilaa 10 sano markuu iskadiiwaan galiyo hay’adda hajka waayo malaayiin qof ayaa kahoreeya oo sugaya. Dowlada Sacuudiga fisaha ugu badan ayey siisaa Indonesia, hadana kuma filno.

Gabogabadii Qoraalka:Walaalyaal waxaan ahey nin war badan oo weliba hadalkiisa nuxur laheyn laakinse waxaan jecleystay inaan idin la wadaago dareenkeyga safarkan khaaska ah. Iyo in la xariiriyo dadka diinta soo galaya oo u baahan gacan qabad badan.

Wixii talo iyo tusaale waan soo dhaweynaya si aan ugu faa’idaysto qoraalada dambe.

Adam Abdi

Abuzuhri1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.