Home » Warar »

IGAD oo sheegtay inay sii xoojineyso taageerada dawladda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed

Muqdisho, February 24, 2014—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha dhambaal tacsi ah oo uu ka siday urur goboleedka IGAD, kaas oo ku aadan falkii fulaynimada ahaa ee lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda, waxaana uu caddeeyey in ururka IGAD uu sii wadi doono taageerada looga qeyb qaadanayo xasilinta iyo dib u dhiska dalka.
somali14

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa uga mahadceliyay urur goboleedka IGAD taageerada joogtada ah, waxaana uu yiri: “Waxaan caddeeynayaa in Xukuumaddu ay ka go’antahay xasilinta dalka iyo ka hortaga kooxaha nabadiidka ah ee halista ku ah amniga shucuubta Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka.”

Danjire Affey ayaa isna yiri “Waxaan ugu baaqayaa beesha caalamku inay si dhab ah u garab istaagaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si loo helo xasilooni buuxda iyo deganaansho.”

—DHAMAAD—

War-saxaafadeed
Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayay xoojinta amniga

Muqdisho, February 23, 2014—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa galabta shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen golaha Wasiirada, waxaana kulankan ka soo qeybgalay madaxda maamulka gobolka, guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha saldhigyada, waxaana kulankan ujeedadiisu aheyd adkeynta amniga gobolka Banaadir.
somali15
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay Taliyeyaasha ciidanka Boliiska iyo Nabadsugida, waxaana lagu lafa guray sidii wada shaqeyn dhow ay u yeelan lahaayeen howlwadeenada gobolka iyo xubnaha golaha Wasiirada, waxaana degmo kasta si gaar ah loogu xil saaray 2 Wasiir oo la shaqeyn doonta guddi ka kooban maamulka degmada, qeybaha bulshada degmada, xubin Baarlamaanka ka tirsan iyo labadaasi Wasiir. Waxayna si gaar ah ula socon doonaan xaaladda amni ee degmada.

Sidoo kale, kulankan ayaa lagu wargeliyay dhamaamba guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha saldhigyada go’aanada shirkii ugu dambeeyey ee golaha Wasiirada si loogu badalo waxqabad.

Markii uu soo idlaaday kulankan ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre, isaga oo xusay in kulankan muhiimadisu ay aheyd sidii loo sugi lahaa amniga caasimadda oo ay labo maalin ka hor ka dhaceen falal argagixin ah, wuxuuna tilmaamay in go’aano wax ku ool ah la isla gaaray si loo xanuujiyo caddowga loogana hortago falalka khal khalgelinta amniga ah ee ay mar marka qaar ka sameeyaan magaalada.

“Caddowgu wuxuu soo weeraray goobtii astaanta u aheyd Qaranimada Soomaaliya ee madaxtooyada, Xukuumaduna waxay si deg deg ah uga bixin doontaa jawaab xanuujisa caddowga” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre.

Ugu dambeyntiina, kulanka ayaa waxaa soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdiweli Sheekh Axmed isaga oo faray dhamaamba hay’addaha amnigu inay si adag u wajahaan waajibaadkooda dhanka amniga ayna ka hortagaan fal kasta oo caddowgu ku doonayo inuu ku khal khalgeliyo amniga shacabka.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.