Home » Warar »

Warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaare Cabdiweli “Maxamuud Xersi wuxuu ahaa shaqsi daacad ah oo naftiisa u huray Qaranka”

Innaa Lillaahi Wa innaa illeyhi raajicuun

Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli “Maxamuud Xersi wuxuu ahaa shaqsi daacad ah oo naftiisa u huray Qaranka”

Muqdisho, February 22,2014—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ka qeybgalay aaska Xoghayihii joogtada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Marxuum Maxamuud Xersi Cabdulle oo lagu aasay dugsiga Tababarka ciidanka Booliska ee Jeneraal Kaahiye (Ex. Iskool Bolisiya).

Aaska marxuum Maxamuud Xersi Cabdulle oo shalay ku geeriyooday weerarkii shalay ay kooxo dhagar qabayaal ahi ku soo qaadeen dhismaha madaxtooyada ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumada Federaalka Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, xubno ka tirsan golaha Wasiirada, xildhibaano iyo howlwadeeno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Waxaana salaada janaasada lagula tukaday isla goobta.
somali12
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo goobta aaska ka hadlay ayaa tacsi u diray Qoyskiisa, Qaraabada iyo ehelada marxuumka, wuxuuna xusay in Maxamuud Xersi Cabdulle uu ahaa shaqsi daacad ah isla markaana naftiisa u huray Qaranka Soomaaliyeed.

“Maxamuud Xersi wuxuu ahaa shaqsi daacad ah oo naftiisa u huray Qaranka, wuxuuna ka yimid dalka dibdiisa isaga oo heysta amni iyo dhaqaale. Balse go’aankiisu wuxuu ahaa inuu ka qeyb qaato dhismaha iyo horumarinta dawladnimada Soomaaliya ” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo carabka ku adkeeyey in weerarkani aanu dib u dhac ku keeni doonin go’aanka dawladda ee ah in laga sifeeyo dalka kooxaha nabadiidka ee Shabaab, wuxuuna ku celiyay in ciidanka qalabka ay u diyaar garoobeen sidii dalka looga ciribtiri lahaa haraadiga kooxahaasi dhagar qabayaasha ah. Ee caadeystay daadinta dhiiga shacabka.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa faray dhamaamba hay’addaha amnigu inay muujiyaan feejignaan kana hortagaan dhagarta caddowga.

Innaa Lillaahi Wa innaa illeyhi raajicuun

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mob+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.