Home » Warar »

Naadiga Hal Abuurka iyo Qalin Maalka Soomaaliyeed oo Xusey Maalinta Afka Hooyo ee 21 February

Munaasbad ku aadan Maalinta Afka Hooyo 21 February ayaa waxaa lagu qabtey Hotel Amiira ee Magaalada Muqdisho , waxaana Munaasabadaan ka soo qayb galey Ragii Aas-Aaska u ahaa in la Qoro Afka Soomaaliga , Xildhibaano, Aqoonyahano , Xubnaha Naadiga Pen ee Koofurta iyi Bartamaha Soomaaliya Ardeyda Jaamacada , Warbaahinta Qaybahooda kala duwan iyo Bulshada Rayidka waxaana soo qaban qaabiyey Naadiga Pen oo gacan ka helaya Akademiyada Goboleedka Afka Soomaaliga (AGA ) iyo Ururka Daryeelka Qoyska iyo Caruurta (SFCC)

somali10

Ugu horeyntii waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyha Naadiga Hal Abuurka iyo Qalin Maalka Soomaaliyeed Cabdinaasir Yuusuf Macalin (Cabdinaasir Ganey ) oo si weyn ugu Dheeraadey Maraxaladihii kala duwan ee uu soo marey Naadiga Pen , wuxuuna sheegey in naadiga lagu Aaasey Magalada London ka dib 2003 loo soo Wareejiyey Dalka Jabuuti halkaasoo ka sii wadey Howlhi loo Igmadey Naadiga oo ahaa Horumarinta iyo sare u qaadida Afka Hooyo.

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Mustafa Cabdulaahi Cali Fayruus oo ah Macalin wax ka dhiga Jaamacada Muqdisho ayaa si weyn uga Hadley Taariikhda Afka Aduunka oo uu sheegey in Aduunka maanta looga hadlo ilaa Kun Luqadooda isagoo sheegey in Luqahaha looga hadlo Geeska aya gaarayaan ilaa Boqol Luqadooda , wuxuuna Xusey in Luqada Soomaaliga ay tahay Luqdaha ugu horeeya ee Malaayiin Ruux ay ku hadlaan loona baahan yahay in Luqadaas si aad loo Horamriyo.

Munaasabadaan lagu Xusayey Maalinta Afka hooyo ayaa waxaa kaloo halkaa ka Hadley Dahabo Shiikh Maxamuud oo ka mid Naadiga Pen waxayna sheegey in Luqada Soomaaliga ay Xoog ku yeelan karto iyadoo Qaybaha Bulshadda ay u is taagaan sidii Luqadda Afka Soomaaliga ay u noqon lahayd Luqad ka horeysa Luqdaha kale , Bulshadana looga baahan yahay in ay noqdaan kuwa mar waliba ku Faana Luqadooda.

Barre Shiikh Cabdulaahi Bangaladesh oo ah Hal Abuure ka mid ah Hal Abuurada Soomaaliyeed islamarkaana Curiyey Heeso ka Turjumaya Faaiidada Afka soomaaliga iyo sida Waalidiinta looga baahan yahay in Caruurtooda ku dhiirageliyaan Afka Hooyo oo isna halkaa ka haldey ayaa u Mahadceliyey intii isku soo Dubaridey Munaasabadaas lagu Xusayey Maalinta Afka Hooyo Wuxuuna sheeegey in Luqada Afka Soomaaliga kor loogu qaadi karo iyadoo Dhamaan Bushada u istaagaan sidii loo soo nooleyn lahaa.

“Waxaan soo jeedinyaa in Naadiga Pen Keligiis lagu haleyn Ilaalinta Afka Soomaaliga loona baahan yahay in Dhamaan Bulshada ka wada qayb qaataan sidi Afka Somaaliga uu u noqon lahaa afka ka wada horeeya Afafka kale “ ayauu yiri Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo ah Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta ee Baarlaamaanka oo u Mahadceliyey intii isku soo Dubaridey Maunaasabadaas , sidoo kale waxaa halkaa ka Hadley Prof Maxamed Cumar Dhalaxa oo ah Gudoomiye ku Xigeen Guddiga arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka isna halkaa ka hadley ayaa waxaa uu sheegey in in Afka Soomaaliga lagu Hormarinkaro iyadoo Dhamaan Bulshada si Daacad ah uga qayb qaataan

Ambasadoor Shariif Saalax oo ah Gudoomiyaha Gudigii Qoraalka Afka Soomaaliga oo ka Hadley Munaasabadaas waxaa aad u faahfaahiyey qaabkii loo qorey Afka Soomaaliga isagoo sheegey in Afka Qoridiisa lagala Kulmey Dhibaatooyin badan hase yeeshee Akhirkii waxaa uu sheegey in lagu Guuleystey in la Qoro Afka Soomaaliga ,wxuuna u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in ay mar waliba ku dadalaan sidii Afka Soomaaliga loo Hormarin lahaa ,.

Xuseen Shiikh Axmaed Kadare oo isna ka mid ahaa Gudigii Afka Soomaaliga Qoridiisa loo Xil Saarey ayaa waxaa sheegey in Dhowr jeer la isku dayey in la qoro Afka Soomaaliga balse lagu Guuldareystay isagoo sheegey in Sanadihii Lixdameeyadii mar la damcay in Afka Soomaliga lagu Qoro Laatiin isagoo sheegey in looga hor yimid banaabaxyo ay dadka ku dhawaaqyeen (Laatiin Laa Diin) sidii ayaa Xuseen sheegey in lagu joojiyey hase yeeshee waxa uu sii raaciyey “Dowladii Kacaanka hadii aysan awood u adeegsan lahayn Qorista Afka Soomaaliga marnaba Suurta gala ma noqon lahayn in la Qoro Afka Soomaaliga

Ugu Dambeyntii waxaa Naadiga Hal Abuurka iyo Qalin Maalka Soomaaliyeed w uu Shahaadooyin Wax qabad uu Gudoonsiiyey Hayado, Idaacado , Qoroyaal iyo Sahqsiyaada waxaana ka mid ahaa Dadkii Shahaadooyinka la Gudoonsiiyey Ururka Daryeelka Qoyska iyo Caruurta (SFCC) Xabiibo Amed Jimcaale (Biibto) Idaacadaha Goob Joog iyo Iftin , Sahro Cumar Maalin, Qoraa Sare Maxamed Daahir Afrax Aas-Aasihii Naadiga Pen Ahna Guddoomiyaha Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga , Qoraa Sare Ciise Faarax , Maxamed Xirsi Guuleed (Cabdi Bashiir ) oo ah Qoraa ku sugan Sweden

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.