Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kampala kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Burundi.

WARSAXAAFADEED:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo xalay soo gaaray magaalada Kampala ee dalak Uganda oo booqasho rasmi ah uu ka helay ayaa la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Brundi Mudane Gervais Rufyikiri. Labada Mas’uul ayaa ka hadlay sidii xiriir dhow iyo iskaashi ay u wada wadaagi lahaayeen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay kaalinta ciidnaka AMISOM iyo horumarka ka muuqda dalka Soomaaliya oo kasoo kabanaya burbur xoog badan. Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu uu sheegay in ay u qorshaysan tahay in dhowaan ay ka guulaystaan kooxaha Nabad-diidka ah.

“ Burundi waxaa ay qayb weyn ka qaadatay xasiloonida dalka Soomaaliya, labada dal waxaa ay sii xoojinayaan xiriirka u dhexeeya , waxaana aan iska kaashan doonnaa dib u dhiska hay’adaha dawladda. Burundi waa dal ay soo mareen dhibaatooyin dagaal, waxyaabo badan ayaan ka sheekaysanay oo ay kamid tahay dhibaatooyinkii dalkaasi ka dhacay iyo sida ay hogaamiyayaashu ugu guulasteen in xal loo helo nabadda, korna loo qaado isku xirka shacabka iyo dawladda si kor loogu qaado adeegyada bulshadu ay u baahantahay.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay horumarka ay Somalia ku talaabsatay, dalka Burundi waxaa uu gacan ka gaysan doonaa sidii Soomaaliya ay uga dhalan lahayd xasilooni, dib-u-dhis loogu samayn lahaa hay’adaha dawladda iyo horumar laga gaaro dhanka adeegyada bulshada .” Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka dalka Burundi Mudane Gervais Rufyikiri.
somali9
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay soo gaaray magaalada Kampla , waxaana uu maanta la kulmi doona Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yuweri Museveni iyo mas’uuliyiinta kale ee dalka Uganda oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta danaha ka dhexeeya labada dawladood.
20/02/2014

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Kampala – Uganda
+256750230189
E: Media@opm.gov.so

Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya Iyo Sudan Oo Heshiis Iskaashi Ku
Kala Saxiixday Magaalada Tehran

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku
joogaan dalka Iran ayaa heshiis iskaashi kula saxiixday magaalada Tehran
dhigiisa Dalka Sudan Dr Al-Faatix Cizadiin Mansoor.

Saxiixa heshiiskan ayaa dhacay dhamaadka shirweynaha 9-aad ee
Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka oo lagu soo gebagebeeyey
magaalada Tehran waxaana labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sudan
heshiiskan iskaashi iyo wadashaqeynta ku dhisan u kala saxiixay
Gudoomiyeyaasha labada Baarlamaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cusmaan Jawaari oo ka hadlay kulanka heshiiska kadib ayaa tilmaamay in
Baarlamaanka Soomaaliya uu aad ugu faraxsanyahay heshiiska iskaashi iyo
wadashaqeyn ee ay hada la saxiixdeen walaalahooda Sudan waxaana uu ballan
qaaday in dhanka Baarlamaanka Soomaaliya uu heshiiskan ka hirgeli doono.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Sudan Dr Al-Faatix Cizadiin Mansoor oo isna
dhankiisa heshiiskaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn tilmaamay in Sudan ahaan
ay aad ugu faraxsanyihiin iney iskaashi wadashaqeyn heshiis ku saabsan ay
la saxiixdaan walaalahooda Soomaaliyeed waxaana uu isna dhankiisa ballan
qaaday in heshiiskan ay ka go’antahay hirgelintiisa Baarlamaanka dalka
Sudan.

Heshiiskan iskaashiga iyo wadashaqeynta ah ee ay kala saxiixdeen
Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Sudan ayaa waxa uu dhigayaa
in labada Baarlamaan ay sameeyaan qibrad is weeydaarsi toos ah iyo iney
Sudan bixiso tababarro dhanka shaqaalaha Golaha Shacabka ah iyo
farsamooyin qibrad isdhaafsi ah oo labada Baarlamaan dhexmari doona.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah guullaha uu ku talaabsanayo Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya mudooyinkii ugu dambeeyey,ayadoo heshiiskan uu sidoo
kale ka mid noqonayo heshiisyada uu Golaha Shacabka Soomaaliya la
saxiixday Baarlamaannada dhigiisa ah ee heer gobol iyo kuwa caalamiga
ahba.

—DHAMAAD—

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Tehran Kulammo Gaar Gaar Ah Kula Qaatay
Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Sudan, Bahrain,Turkey, iyo Syria

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku
joogaan dalka Iran ayaa maanta magaalada Tehran kulammo gaar gaar ah kula
qaatay Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada qaar ka mid ah dalalka Islaamka ee
xabnaha ka ah ururka iskaashiga islaamka ee OIC.

Kulankii ugu horeeyey waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la qaatay dhigiisa
dalka Sudan Dr Al-Faatix Cizadiin Mansoor,kulankii ku xigayna waxa uu la
qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Bahrain Khalifa Bin Ahmed,Kulanka
Sedexaadna Gudoomiyaha Baarlamaanka Turkey Cemil Cicek,kulamadii xigayna
waxa uu waqtiyo isku dhow isla maanta kula qaatay magaalada Tehran
Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Imaaraadka,Afghanistan iyo Syria.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gudoomiyeyaasha Baarlamaannada uu la
kulmay waxa uu uga warbixiyey hormarrada guud ee ka jira Soomaaliya,gaar
ahaanna hormarrada uu ku tallaabsaday Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya,sidoo kalena waxa uu Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari u
sheegay Gudoomiyeyaasha uu la kulmay sida uu Golaha Shacabka Soomaaliya
ugu diyaarsan yahay iskaashi iyo wadashaqeyn uu la sameeyo dhammaanba
Baarlamaannada Caalamka.

Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka uu la kulmay Gudoomiyaha
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa iyaguna si isku mid ah waxa ay u
ammaaneen hormarka uu ku tallaabsaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
waxaana ay dhankooda ballan qaadeen iney wadashaqeyn iyo iskaashi joogta
ah la sameyn doonaan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.